.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, March 9, 2013

Wasiirka A/Dibada Dr. Maxamad C/laahi Oo Ka Hadaly Hubka Loo Fasaxay Somalia, Waraaqda Uu R/wasaaraha Somalia u Qoray Dalka USA iyo...

 
- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay inay cunaqabaynta hubka ee Somalia laga qaaday ay khatar baaxadleh ku keeni karto dalalka Mandaqada iyo caam ahaan Nabadgalyada Dunida, kaas oo wax laga xumaado ku tilmaamay talaabada Golaha Amaanku hubka ugu fasaxay dawladda Somalia.
 
Dr Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi Khaas ah uu Wargeyska Haatuf khadka telefoonka ku siiyey isaga oo ku sugan Magaaladda Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia intii aanay xalay u duulin dalka Turkiga oo isaga iyo Wafti Wasiiro ah oo uu hogaaminayaa ku tagayeen socdaal shaqo. Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed C/laahi Cumar waxa sidoo kale tilmaamay in cunaqabaynta hubka ee Somalia laga qaaday ay fursad siinayso kooxaha Xagjirka ah oo uu tibaaxay in hub culus ay suurta gal tahay inuu gacantooda galo, isla markaana ay khatar galiyaan Nabadgalyada guud ee Mandaqadan.

Sidoo kale Wasiir Maxamed waxa uu deedefeeyey faro-galinta dawladda Somalia ku wado Dacwada gacan ku dhiigle Cali Samater oo xasuuq ba’an iyo gumaad u gaystey bulshadda Somaliland, kaas oo xusay in talaabadaasi waxyeelo u gaysanayso wada-hadaladii u socday Somaliland iyo Somalia, kaas oo ugu baaqay xukuumadda Muqdisho inay ka waan-towdo inay siyaasadayso dacwada Cali Samater kaga socota dalka Maraykanka.
 
Ugu horayna isaga oo ka hadlaya ujeedada socdaalka ay dalka Turkiga ku tagayaan isaga iyo Wasiirada Waxbarashada iyo Macdanta iyo Biyaha Somaliland, waxa uu yidhi “Waxaanu m ardhaw u duulaynaa dalka Turkiga aniga iyo wafti aan hogaaminayaa oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Waxbarashada iyo Macdanta iyo Biyaha, waxaananu halkaas u tagaynaa oo aanu kala hadlaynaa arimaha Mashaariicda horumarinta Turkigu Somaliland ka fulinayo iyo meelaha aanu jecelnahay in xukuumadda Turkigu ay naga taageerto, hadii wakhti ku haboon isla helno inay kulmaan Raysal Wasaaraha Turkiga iyo Madaxwaynaha Somaliland-na dhakhso ayaanu hawsheeda u gali doonaa oo aanu ka shaqayn doonaa”.
 
Wasiirka Khaarajigu mar uu ka hadlayey Mawqifka xukuumadda Somaliland ee Cunaqabaynta hubka ee laga qaaday Somalia, waxa uu yidhi “Cunaqabatayntii dhinaca hubka khaasatan hubka fudud ee imika mudada sanadka ah laga qaaday dawladda Muqdisho ee Somalia waxaanu u aragnaa arin lagu degdegay inay tahay oo aan si wanaagsan looga fiirsanin, isla markaana waa arin Nabadgalyada Geeska Afrika waxyeeli karta, xataa waa arin amniga Somalia gudaheeda waxyeelaysa oo Somalia imika waxay u kala jajabeen gobolo ay hogaaminayaan badankooda hogaamiye kooxeedyo oo awood ay meel Muqdisho ka baxsan dawladda Somalia ku leedahay ma jirto, markaa cunaqabayntaas hubka ee laga qaaday Somalia waxay xataa waxyeelaysaa amniga gudaha Somalia iyo inay waxyeelayso oo lagu waxyeeleeyo Nabadgalyada dalalka mandaqada oo ay Somaliland-na ka mid tahay.
 
Markaa arinta Cunaqabaynta ee Somalia waxay keeni kartaa khatar ah in hub culus uu gacanta u galo kooxaha Xagjirka ah oo markaa khatar galin kara Geeska Afrika oo dhan maadaama oo Somalia aanay lahayn dawlad adag oo awood u leh inay dalkeeda maamusho oo aan lahayn ciidan habaysan oo hanan kara dalkooda”. Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Imika waxa hubka fudud loo fasaxay Somalia mudo sanad ah oo waliba Tijaabo ah, waxaana la filayaa in shirar arintaas ku saabsan ay iskugu yimaadaan dhawaan dalalka Mandaqadan oo khatar badan ay arintaasi ku keeni karto”.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka hadlay faro-galinta dawladda Somalia ee dacwada Cali Samater kaga socota dalka Maraykanka, waxa uu yidhi “Arinta ay Somalia ku faro-galinayso dacwada Cali Samater waa arin nasiib daro ah oo muujinaysa muumulka Muqdisho ka jira aanu aqoosanayn ama uu dafirsan yahay Xasuuqii lagu sameeyey Ummadda Somaliland ee aduunyadu wada ogayd sidii uu Cali Samater u xasuuqay bulshadda, waxaanan xukuumad ahaan iyo shacbi ahaanba u aragnaa arintaasi inay tahay Nabarkii loo gaystey bulshada oo la damqayo marka la difaaco mid ka mid ah ragii sida xun u gumaaday ummadda Somaliland. Waxaanannu leenahay arintaasi dacwada ha loo daayo Maxkamadaha ay ka socoto oo yaan la siyaasadaynin ayaanu leenahay oo yaan dawlad kale aanay dawladda Maraykanku u maqlin”.
 
Dr Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka hadlayey faro-galinta dawladda Somalia ee dacwada Cali Samater kaga socota dalka Maraykanka, waxa uu yidhi “Faro-galinta Dacwada Cali Samater waxay waxyeeli kartaa wada-hadaladii la filayey inay dhexmaraan Somaliland iyo Somalia, waxaananu dawladda cusub ee Muqdisho ugu baaqaynaa inay ka waantowdo faro-galinta Kiiska Cali Samater”.
 
“Hadalka la sheegay inuu ka soo yeedhay Raysal Wasaaraha Somalia ee uu yidhi hadii Mid-nimadii Somalia ay wada-hadal ku iman waydo inay isku dayi doonaan inay xoog ama awood ciidan ay ku faro-galin doonaan Somaliland, waxaanu leenahay dawlad Masuuliyiinteedii ugu saraysay ay sidaas u hadlaysaa waa khalad wayn oo la galay in laga qaado cunaqabatayntii hubka, waxaananu u aragnaa arin hurinaysa Colaad cusub oo geeska Afrika ka dhalata”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: