.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, April 10, 2013

Abwaan Hadraawi: ''Reer Somaliland Waa u Xor Qaran-nimadooda

 
- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah Abwaanada ugu miisaanka culus Soomaalida ayaa mar uu xalay Muxaadiro ka jeedinayey Jaamacadda Admas xarunteeda Magaaladda Hargeysa ka hadlay mabda’a uu ka aaminsan yahay gooni isku taaga Somaliland, kaas oo dadku fikrado kala duwan ka aaminsan yihiin, kuna murmaan badanaa.
 
Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame ''Hadraawi oo isaga oo xalay madashaas ku soo bandhigayey Maansooyinkiisa, taariikhdiisii Abwaan-nimo iyo wixii uu ku mutay Jeelkii uu Kalidii Taliyihii Siyaad Barre u taxaabay iyo waliba Maansooyinkii uu halkaas ku dhex-curiyey, kaas oo isagu si dhiiran u hogo-tusaaleeyey Madaxbanaanida Somaliland iyo xuquuqda ay dadkani u leeyihiin inay gooni isku taagaan. 

Abwaanku waxa uu sheegay inay shacbiga Somaliland ikhtiyaar u leeyihiin inay Somalia ka go’aan iyo inay ka mid noqdaanba, kaas oo si kooban uga hadlay sida uu u arko xantiisa Madaxbanaanida Somaliland iyo waxa uu ka ogyahay fikirka ay dadku ka haystaan inuu Abwaan Hadraawi ogol yahay gooni isku taaga dalka iyo in kale. “Fule Xantii ma mooganee ma waxaad maqasheen Ardayeey Hadrwaawi Soomaaliwayn ayuu taageersan yahay?
 
Saw Somaliland la idinma yidhaadho oo calan ma lihidin oo xoriyadiina dib ulamaydaan soo noqonin, Ikhtiyaarka idinka ayaa iska leh hadii aad go’aysaan iyo hadii kaleba oo idinka ayey arintaasi idinka go’daa.
 
Somalilanders

No comments: