.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, April 6, 2013

Brack Obama: Cunaqabatayntii Somalia Way Sii Soconaysaa

 
- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay sii wadeyso cunaqabateyntii ay hore ugu soo rogtay maamulka Soomaaliya, gaar ahaan shaqsiyaadka ka soo horjeeda xasiloonida dalkaasi. President Barack Obama ayaa warqad uu u qoray Aqalka Kongareeska ku sheegay in xaalada Soomaaliya ay wali tahay mid Khatar ku ah Amaanka dalka Mareykanka iyo siyaasadiisa dibadaba. Sidaa daraadeed, ay lagama maarmaan tahay in xaaladii deg dega ahayd ee dalka USA ku dhawaaqay 12kii bishii April ee sanadkii 2010kii, iyo waliba, talaabooyinkii ka dambeeyay ee 20kii July sanadkii 2012kii, ee dhaqangalay ay sidoodii ahaadaan oo aan waxba laga badalayn .

Inkasta oo bilowgii sanadkan (2013) ay dowlada USA aqoonsatay maamulka Somalia, hadana, President Obama waxa uu sheegay inay ka go’an tahay dalkiisa (usa) inay cadaadiyaan kuwa dhibta abuurya. WYL-News

No comments: