.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, April 1, 2013

Kacdoonkii Ardaydii(Dhagaxtuur) iyo Kaalintii Maxamed Baaruud Cali

 
''Labadaa dhalinayaro ee dhibtaas soo maray waxay kala ahaayeen Maxamed Baaruud Cali iyo Xuseen Maxamed Ducaale(Berberaawi)''. Fu'ad

- Bishii juun 27di,1989kii ayaa diyaaaradii ka soo hayaantay garoonka Muuqdisho soo cagadhigatey garoonka magaalada Jibuuti. Duuliyihii ayaa socdaalayaashii wargaliyey  inay iska furi karaan suunka ka dib markuu damiyey  tilmaantii sun xidhashada.Si lama filaan ah ayey laba ka mid ah socdaalayaashii iskugu soo boodeen, iskuguna dhegdhegeen diyaarada dhexdeeda.Dadkii ayaa yaabey,garan waayey waxa ku dhacey labadan dhalinyarada waayeelka ah.Hase yeeshee waa kaaf iyo kala maan, labadani muddo ku dhaw dhawr saacadood ayey ku  jireen xaalad adag oo aanay cidna dareensaneyn.  
 
Garoonka diyaaradaha Muuqdisho ayey si dhuumasho ah ku soo galeen.Alaabtooda garoonka gudihiisa hore ayaa  loogu keenay.Waraaqaha lagu dhoofo ee baasaboorka iyo tigidhada inay helaan waxaa kaalmeeyey musuqa iyo laaluushka dalkii Soomaaliya hadheeyey.Aqoon fiican ayey isku lahaayeen.Ismay Salaami kareyn.In ay is yaqaanaan in la ogaado ayaa aheyd danbi ay ku mudan karayeen xadhig iyo dilba. Isha ayey iskaga war hayeen oo ay isku xadayeen marmar.
 
Muuqaalkooga  oo aan la garaneyn ayaa gargaarayey.Haddii la ogaan lahaa kuwa ay yihiin xadhig inay dib u galaan ayey u eekayd.Arintaasina iyaga caad kama saarneyn.Waxaa markan wajiyadooda laga dareemayey farxad iyo raynrayn.Markay diyaaradi ka soo degeen ee ay yimaadeen qolka laanta socdaalka ee garoonka diyaarada ee Jibuuti ayey mar kaliya  xasuustooda hadheysay dareen ka duwan kan ay iskugu dhagdhageen.Wajigoodaa is badaley,oo laga dareemayey midab-doorsoon.
 
Laanta socdaalka Jibuuti  ayaa u dhago-nuglayd safaarada  dawladii Siyaad Barre(Afweyne) ku laheyd dalka Jibuuti.Dadka loo tilmaamo  ayay dib diyaarada ugu celin jireen,una diidi jireen inay siiyaan dal-ku-gal(Visa).Hase yeeshee guul kale waxay u dhalatey  labada dhalinyaro markii magacdoodii laga waayey  magacda in dib lo celiyo  ay aheyd ee dal-ku-gal la siiyey.
Waxaa dibada garoonka ku sugnaa dad u diyaar ahaa soo dhaweyntooda.Markay dadkii arkeen inay labadiiba soo nabad-baxeen ayuu wahab saarnaa ka duulay,iyagoon is-ogayna ku ordeen, kuna dhagdhageen.Lays wada salaam, laysna wareysay waxaa loo dhaqaaey dhinacii baabuurka
 
Labadaa dhalinayaro ee dhibtaas soo maray waxay kala ahaayeen  Maxamed Baaruud Cali iyo   Xuseen Maxamed Ducaale(Berberaawi).Waxay ka mid ahaayeen kooxdii dhiidhiday  ee ku dhaqaaqdey  hawshii “Iskaa waxa u qabso”.Baahida  taalay dalka iminka ah Soomaliland ayaa damaqdey, waaaney u adkaysan waayeen.Dhalinyaro shaqeysata, nolol maalmoodkooga iyo wax ka badanba hela ayey ahaayeen.Waxay diideen oo la wanaagsanaan wayday  in ay iyagu  nolol wanaagsan ku noolaan karaan, dad iyo dalna baaba’o.Naftooda ayey halis galiyeen,waaney  u badheedheen. Dawladii  Siyaad Barre (Afweyne) iyo inankuu adeerka u ahaa Diiriye Gaani way ka soo horeedeen in  degaanka iminka ah Soomaaliland wax loo qabto,cid ka soo jeedana waxtar loo fidiyo.
Wargalin: 
 
Qoraalkani wuxuu hordhac u yahay qoraal si baaxad leh u qaadaa dhigi doona  kacdoonkii ardeyda (dhagaxtuur)  iyo kaalintii uu ku lahaa mujaahid Maxamed  Baaruud  Cali .. Waxaa bulshada reer Soomaaliland la gudboon  siiba ururada dhalinyarada inay ka dhiidhiiyaan hadalada ka soo yeedhay   Rashiid Sulub  oo hagayey barnaamijkii  qiimee qofkaaga ee guriga madaxtooyada lagu soo  malmaluuqay. Waxa  Rashiid Sulub oo isagoo yar ka tagey Hargeysa una guuray Xamar iskaga khaldantay taaladii Dhagaxtuur ee Xamar uu ku arkay  iyo maalinta reer Soomaaliland xusayaan una qoondeeyeen  20ka Febraayo gu’ kasta.Sidaa darteed ayuu Rashiid Sulub ka codsadey madaxweyne Siilaanyo in maalintaa  laga dhigo maalintii  qiimeynta  qofkaaga.... maalmuhu kala tilmaamanee bal maxaa maalintaa u geeyey?? , waxaa ka sii yaab daran Madaxweyne Siilaanyo oon u caqli celin, maqlayeyna codsigaa madasha laga jeediyey..Tolloow saska ay ina Sulub iyo Siilaanyo ka qaadeen maalintaas kacdoonka ardeyda(dhagaxtuurka) iyo UFFO  waa maxay ?
 
-Laakiin inta rag  u noolyahay,waa loo hiilin maalmahaa mudan.Waa  nasiib daro iyo wax laga xumaado  codsigii uu Rashiid Sulub Caalin oo ahaa masuulkii soo qaban qaabiyay barnaamijkii la magac baxay Qiimee Qofkaaga, uu Madaxweynaha Soomaaliland kaga dalbaday in maalinta 20-ka bisha Febraayo loo aqoonsado maalinta danta guud ayuu yidhi Gudoomiyaha Hay’ada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuq ee Somaliland Axmed Muxumed Maddar..
Axmed madar oo u waramayey  wargeyska Dawan  ayaa isagoo hadalka sii wada yidhi : “Hadalkaasi ka soo yeedhay Rashiid Sulub Caalin, waa mid meel ka dhac ku noqonaya umadda Soomaaliland,isla markaana aanay suurtogal ahayn in maalin qaranka ugu astaysan maalin wayn oo taariikhi ah si fudud loogu bedelo maalin uu shaqsi wax qiimeeyay”.
 Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan

No comments: