.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, April 13, 2013

Madaxwaynayaasha J.Somaliland & Somalia Oo Maanta Ku Kulmay Turkey

 
- Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta kulan fool-ka fool ah ku kulmay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, kuwaasi oo ka wada hadlaya mustaqbalkooda.
 
Shirkan oo ay marti-gelisay dawladda Turkigu waxa shirka labada madaxweyne goob joog ka ahaa oo fududaynaya Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga Ahmed Davutogle. Wada hadaladan labada Hoggaamiye waxa la sheegay in diirada lagu saaray iskaashiga dhinaca nabad-gelyada, qeybsiga deeqaha iyo in mabda’ ahaan la sii wado wada xaajoodka labada geesood.

Labada Madaxweyne Somaliland iyo Soomaaliya markii ay ka soo baxeen kulankoodii u horeeyay waxay u kicitimeen xarunta madaxtooyadda Turkiga halkaasi oo ay kulamo kula yeelanayaan Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül iyo Raysal wasaaraha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan. Waxa kale oo lagu wadaa in galabta la qabto shir loo dhan yahay oo ay ka wada qeyb geli doonaan labada madaxweyne iyo wufuudii ay kala hoggaaminayeen.
 
Wada hadaladan Ankara waxa ka horeeyay kulan ay yeesheen Guddi isku dhaf ah oo ka kooban toban xubnood oo ka kala socday labada dawladood oo khamiistii kulan ku yeeshay magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga. Gudidan oo ay kala hogaaminayeen Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/Kariim Guuleed.

- Waxaanay kala ahaayeen xubnaha Gudidani sidan:-
 
Gudida Somaliland
 
Wasiirka A/dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar (Guddoomiye)
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan
Wasiirka shaqadda Maxamuud Barre (Garaad)
G/k/xigeenka koowaad ee Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax
Gud. xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe
 
Gudida Soomaaliya


Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Kariim Guuleed (Guddoomiye).
Wasiirka Madaxtooyadda Faarax Sh. C/Qaadir
Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Xubin Baarlamaan.
Maxamuud Xayir Xubin Baarlamaan
Khaalid Cumar Cali Xubin Baarlamaan
 
Somalilanders

No comments: