.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, April 5, 2013

Reer Somaliland-oow ''Hanti-yi Hooto Ma Leh''!

 
- Hore waxa loo yidh; ''Beertaada oo ba'day inta ay ku siiso bahdaa kuma siiso''. Waxa kale oo jirta xikmad u gaar ah reer Somaliland oo tidhaa; '' Hanti-ye Hooto ma leh! Waxa intaa inoo wehelisa, murtidii Allah ha u naxariisto e abwaan C/laahi Suldaan Timo-cade ee ay ku jirtay; '' Magaabada hashaadaa ka roon Maydhanaan kale!
 
Hadaba akhristoow, maad garatay waxa aan u ham iyo digba leeyahay? Haa. Aashaydu waa Jamhuuriyadda Somaliland ha jirto oo ha joogto Waligeed!. Taa dabadeed hadaba, qushiigooda waxii kale oo idilba e ugu horayn, halkan aan hambalyo iyo bogaadinba uga diro dhamaan dadka wadaniyiinta ah ee reer Somaliland, ee Ilaahay uu talada saxda ah waafijiyay 18/05/1991-kii, ee go'aansaday inay dib ula soo noqdaan dawladnimadoodii. Waxan leeyahay, Ictiraafka siyaasadeed waa halkiisee Allay lehe, waa taa aad qotomiseen qaran shaqaynaya oo la yidhaa Jamhuuriyada Somaliland oo uu calankiisu ka dul babanayo idaylba inta dhulkeenu yahay!
 
Waa taa ay inoo suurta gashay in maxasteenu ay maantaba nabadqab, naruuro iyo nolol fiican dalkooda Hooyo ku naaloodaan! Oo waa taa ay inoo hirgashay, in ubadkeenu ay hadh iyo habeen ardaayoda wax-barashada gaalaa-baxaan oo ay ka hirqadaan aqoonta jaadadka kale duwan leh haday tahay, mid hoose/dhexe iyo ta ugu saraysaba. Oo waa taa ay inoo qabsoomtay in gayigeenu inta uu le'egyahay aynu gees-ka-gees ka sino xarumo caafimaad oo aynu ku daryeelno hooyooyinkeena, waayeelkeena iyo bukaankeena kaleba.
 
Aan ku sii daro waliba e, jiritaanka Somaliland waxa kale oo uu inoo keenay, inaynu inagu si toos ah ula macaamilo caalamka kale tiiyoo aan cid kale inoo dhaxayn, oo aynu xidhiidho dhinacyo badan leh la samaysano si aan danaheena u-wada fushano. Waa wax raynrayn iyo riyaaq lehe, waxa isna inoo unkanmay oo si fiicanna u kobcay nidaam hufan oo diimuqraadi ah oo dalku uu ku socdo. Isku soo duuboo, Inkasta oo J. Somaliland aanay weli helin aqoonsi caalami ah oo taasi darteedna aanu qaneecaadkeedu wali karkaarada jabsan hadana, waxa hubaal ah in aan mahadinay oon mahadinay KUN IYO BOQOL jeer Qarankeena curdinka ah, oo inta uu durba inoo taro aynaan meel( WADAN) kale ka helayn. Gunaanadka, Balanteenu waa '' Somaliland oo jirta oo Joogta waligeed!.
 
Halkaa hadaan taa ku yara hakiyo oo aan yara hoomaayo dhankaa iyo Turkey, waxan ku odhan lahaa Dawlada Turkiga ee aan walaalaha nahay ee gogosha Shirka (Somaliland Vs Somalia) fidisay, Xurmee oo tix-gali go'aanka dastuuriga ah ee dadka Shacabka ah ee reer Somaliland ay kula soo noqdeen madaxbanaanidoodii. Qolyaha aan is hayno ee Walawayntana waxan odhanayaa; Waar maruun ''Gobanimo sameeya oo ka baxa ruwaayada aad ku jirtaan oo qira Qarannimada J.Somaliland''. Hadii kale la socda Anaga waxba dhulka nagama yaalaan! Oo macnaheedu yahay wax walba (Col iyo Nabad) waa loo diyaar!
 
''Ha Jirto Somaliland Oo Ha Joogto waligeed''.
 
Cali Cumar Xasan

No comments: