.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, April 11, 2013

Wada-hadalkii J.Somaliland Iyo Somalia Oo Furmay

 
- Shir hor dhac ah oo lagu diyaarinayo ajandeyaasha wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee heer madaxweyne ayaa maanta ka furmay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Shirkan waxa lagu saaray Guddi ka kooban min shan xubnood oo ka kala socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana shirkan gudoominayay saraakiil ka tirsan wasaarada khaarajiga ee dalkaTurkiga.
 
Gudida ay labada dhan u soo kala magacaabeen hawshan ayaa ka kooban 10 xubnood oo ay Shaniba gees tahay, kuwaasoo iskugu jira Wasiiro, Xubno Baarlamaan iyo Gudoomiye Xisbi. Magacyadooduna waxa ay kala yihiin;
 
Gudida Jamhuuriyadda Somaliland

1. Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar (Guddoomiye)
2. Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan
3. Wasiirka shaqadda Maxamuud Barre (Garaad)
4. Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax
5. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe
 
Gudida Soomaaliya
 
1. Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Kariim Guuleed (Guddoomiye).
2. Wasiirka Madaxtooyadda Faarax Sh. C/Qaadir
3. Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Xubin Baarlamaan.
4. Maxamuud Xayir Xubin Baarlamaan
5. Khaalid Cumar Cali Xubin Baarlamaan
 
Somalilanders

No comments: