- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in xafiiska siyaasadda UNSOM aanu ka shaqeyn karin Somaliland. Madaxda Somalilad ayaa sheegay in xafiiskan mandate-kiisu yahay taageerista Somalia, J. Somaliland ay tahay "Dal" ka madax bannaan Somalia. Go'aankan ayaa lagaga dhawaaqay kulan Khamiistii shalay Hargaysa ku dhexmaray wakiilka gaarka ah ee XGQM, Nicholas Kay iyo xukuumada J. Somaliland ee Md. Axmed Siilaanyo. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed C/laah Cumar ayaa sheegay in xafiiska siyaasada ee UNSOM uu yahay mid loogu adeegayo Somalia, sidaasi darteedna J. Somaliland aan wax dan ahi ugu jirin. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in ay UN-ka kala shaqeyso mashaariicda bini'aadanimo iyo dhinacyada horumarinta ah, waxayna ka codsadeen UN-ka inuu kordhiyo mashaariicdaasi.
*Dhegta-maal;
No comments:
Post a Comment