.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, October 24, 2018

Archive: Warqadii "Sirta" Ahayd ee Gen. Max'ed S. Xirsi (Morgan) U Qoray Max'ed Siyaad Bare Ee Lagu Xasuuqayay Isaaqa iyo Sidii Loo Fashiliyay!

"Waraaq Sir ah" - Waa laga yaabaa inaad isweydiiso waxa kallifay in fashilinti war-bixintii Morgan hadda aan uga sheekeeyo, ugana gaabsaday inaansoo bandhigo muddo hore oo ay aad uga xiiso badnaan lahayd! Runtii waxaan jeclaaa inay sidaas ku qarsoonaato oo ka mid noqoto guul ka mid ah guulihii faraha badnaa ee dadka Reer Somaliland soo hooyen ee ann la kala sheegan.

Mar haddiise rag looga qaateen ahi i soo gaadhsiiyeen in siyaasi ka mid ah halgankii kuwii ugu waaweynaa uu guushaas u nisbeeyay nin kale oo aan irbad dun u gelin, waxay anna ila noqotay inaan abaalgud taariikheed u magacdhawo duqeydii ka qayb qaadatay hawlgalkaas annigoo uga mahadnaqaya xilkasnimadii ay ka muujiyeen ilaalinta sirta shicibka Somaliland.

Waxaan rajaynayaa in ragga aan hoos ku xusi doonaa oo hawshan ka qayb qaatay i tuusiyaan haddii aan wax ka boodo, sixi waayo ama illoobo. Siyaasigana waxaan leeyahay, Jamac Yarayaashu ayaanay iska kaa galin, haddii aad ka maarmi wayday inaad cid ku sheegto, waa tan taariikhdii hawlgalkaasiye, ee adiguna saxo. 

Xudunta hawlgalka: 

-  Axmed Moxamed Tukaale(Barbaraawi)-Wak. Korontada Xamar - (Reer Gabilay).

- Bare Jamac Cali Cusman- Jaamacadda Lafoole.

- Chief Flight Engineer Sulub Cabdillahi Gurey- Somali Airlines

- Mujaahid / Maxamud Cabdi Jiciir- UFFO Group 

Xog-ogaalayaashii:

- Xasan Xawaadle Mader- Maareeyihii Wak. Baatrooka

- Cali Cisman Ismail ( Cali Tuur)- Maamulaha Samater’s Bookshop

- Marxuun Maxamuud Cumar Faras - Maamulaha Baar Xaraf

- Cabdiraxman sh.Yusuf sh. Mader- B/mushtari- Immikana Xubin G/Guurtida S/land

- Jama Moxamud Cumar ( Jamac Sweden) – Wass.Arrimaha Dibedda – Immikana Xubin Komishinka Doorashada S/land

- Duuliye Cali Farax Cilmi – Somali Airlines

- Abdirasaaq xirsi ( Jaah)- Shaqaale Somali Airlines

Dareenkii ugu horreeyay ee Jiritaanka Warbixinta “Sirta Culus” ee Morgan

Waxay ahayd habeenkii ay wafdi Waqooyi –galbeed loo diray oo ka koobnaa Marxuun Axmed Moxamud (laxwas), marxuun Maxamed Xawadle Mader, Ashcari, iyo Axmed Kilaas Jamac ka soo laabteen una gudbiyeen warbixintooda Keligii- taliyihi Siyaad Barre ee dirtay.

Maxamed Xawaadle ayaa noogu yimid guri aanu fadhinay isagoo doonaya walaalkii Xasan Xawaadle. Markuu xasan baxayay ayaa nin raggi ka mid ah, una malaynayo inuu Cali Cisman (Tuur) ahaa, ka daba tuuray hadal : “ Waar bal noo soo warayso odayga.” Xasan markuu soo laabtay ayuu nooga waramay warkay wafdigaasi u gudbiyeen Siyad Barre iyo waxay kala kulmeen oo aanan halkan ku soo koobi karin, Siyaad Barre markuu akhristay warbixintii uu wafdigu soo qoray, ayuu intuu qoslay ku yidhi: “Hadaba ma kan baan rumaystaa mise kan.” Inta uu warbixin kale oo agtiisa taalay kor u qaaday oo uu ruxay. Raggii goobtaas fadhiyay habeenkaas waxay aad uga faalloodeen qofka warbixintaas kale soo qoray iyo waxay ka koobnaan karto. 

 Shimbir kheyr qaba

Hal todobaad kama soo wareegin markaan nin aanu si fiican iskunaqaano oo la yidhaahdo Barbaraawi kula kulmay waqti casar dheera ah goob in yar u jirta maqaamkii Dabaylwayne. Barbaraawi waa Axmed Maxamed Tukaale oo markaa ka shaqeynayay Wakaaladda Korontada, waana nin reer gabilay ah.

Salaantaanu iswaydaarsanay. Kaddibba wuxuu igu boobay su’aasha ah: “ Miyaad maqashay warbixinta Morgan ka soo qoray gobolka w/galbeed, ee uu ogolaansho Afweyne ugu doonayo siduu u tirtiri lahaa dhaqaalaha shicibka, dadka ku daqan degaankana u dhalanrogi lahaa ee uu ugu beeri lahaa dad kale?” Markiiba waxa igu soo dhacday warbixintii habeenkiii aanu garan la’ayn cidda soo dirtay iyo waxay ku saabsantahay,

Anigoo yaabsan ayaan Tukaale weydiiyay halka uu ka maqlay. Tukaale wuxuu iigu jawaabay in nin ay saaxiib yihiin oo u dhashay reerka Abgaal, hayana xafiiska Xusuusqorka Wasaaradda Arimaha Gudahu inuu tusay oo uu akhriyayba. Tukaale waxaan u sheegay warbixintaas inaan aad ugu baahannahay, lacag wixii uu ninkaas ay saaxiibka yihiin ku xidho warqaddaas noqolkeedana aynu bixin doonno.

Tukaale wuxuu i weydiiyay waxaan ku falayo. Waxaan u sheegay in helitaanka warbixintaasi ay tahay habka keliya ee lagaga hortegi karo halisaha dadkeeni ku sugan yahay. Tukaale intuu yaabay ayuu igu yidhi, ninka haya warbixintu wax lacag ah oo aynu siinaynaa ma jirto, ee berri ayaan noqol iiga samee odhan doonaa, waanu inoo soo samaynayaa.

Aniga oo ka baqdin qaba baadhitaanka ka daba iman kara soo saarka noqolkaasi, ayaan Tukaale ka sii xog waraystay kalsoonida uu ku qabo ninkaasi iyo muddada uu xafiiskaa ka shaqaynayay. Tukaale wuxuu ii sheegay inay ninkaasi aad u saaxiib yihiin, xafiiskanna hal todobaad oo keli ah ku- meelgaadh ahaan u joogayo. Waxaan arkay inay fursad aad u fiican tahay oo Allaha weyni nala soo doonaty Fashilinta dulmiga ay wadeen. Tukaale waxaanu ku ballannay inuu noqol reboodhkaas uu berri ii keeno.

Habeenkaasi wuxuu igu ahaa mid aad u dheer oo aan lahaa Allow yaan waaga waraabe cunin. Kowda maalinnimo ayaan Tukaale ballansanayn, waxaan sii kambadhuudhsaday goobtii ballanta 11kii maalinimmo. Intaasna waxaaan Ilaahay ka baryahay inuu Tukaale ku soo guulaysto hawlgalkiisa. Markii waqtigii aanu ballanay la joogo ayuu ii soo muuqday isagoo qoslaya. Waxaan gartay inuu ninkii Barbaraaawi ahaa ku soo guulaystay arrintii. Waatane iga guddoon ayuu igu yidhi.

Waxa kaloo uu ii raaciyay Jamacow maxaad ku samaynaysaa. Waxaan Tukaale ugu Jawaabay inaana imika u sharxi karayn waxa ka soo bixi doona, hase yeeshee aan ku kalsoonahay helitaankeedu inuu wax ka tari karo baajinta debindaabyada ay dadkeena iyo dalkeena u qorsheeyeen.

Tukaale wuxuu maalintaas ii raacshay inay jirto warqad kale oo uu ku saxeexan yahay Siyaad Barre oo uu ugu ogolaanayo dhaqangelinta taladii warbixinta ee uu soo dalbaday Moorgan. Waxaanu i weydiiyay in loo baahan yahay in iyadana la soo qaado. Anigoo ka baqdin qaba in lagu qabto haddii uu mar labaad ku noqdo, ayaan ku idhi xafiiskaasi haku noqon mar labaad. Adiga iyo anigu imika laga bilaabo isma naqaano, aniga iyo ninkaasna haysku kaaya sheegin, adiga iyo isaguna kala fogaada. Tukaale isagoo ka yaabsan waxaan warqadani tari karto ayuu iga tegay.

Markaanu isku keliyaysannay ani iyo sirtii cuslayd, ayaan ku akhriyay kuna nakhtiimay mar labaad gadhigii aan watay dhexdiisa, kadibna waxaan ula kacay dhinacii uu iga jiray ninkii dareenka ugu horreeyay aanu ka helnay oo ahaa Xasan Xawaadle.

Waxaan xuf ku dhaafay Ilaahay ha u naxariistee Marxuun Maxamuud Xasan cadde ( Maxmuud Laangadhe) oo ay dul tuban yihiin dhowr xertiisii ihi, isagoo siduu caadada u lahaa shiishka ku haya Villa Somalia. Nasiib wanaag markaan galay gurigii Xasan oo Dabaylweyne ka rogan isasgii baan lamkulamy. Nin macrifad iyo shaqo badan ayuu ahaa oo ay adag tahay in firaaqo ama keli aad ku hesho.

Markaanu is bariidinay ayaan u tebiyay warkii aan siday. Riboodhkii marka uu indha ku dhuftay intuu fajacay oo uu fadhigii aamini waayay ayaanu qolkii hurdada hore ugu sii gudbnay. Markuu akhriyay ayuu aad u qoslay, dabadeed wuxuu yidhi Ilaahay waa kashifay dhibaataday Faqashtu u maleegaysay dadkeena.

Waxaan hubaa in warkaasi maalintaa ka mashquulisay Xasan iyo saaxiibkii Cali Cisma(Tuur) munaaqibkii ay akhriskiisa kala rogan jireen. Markaan Xasan ka tegay waxaan hore ugu gudbay dhankaasi iyo Baar Xaraf si aan uga soo ammaanaysto mashiinka wax lagu qoro(Typewriter). Marxuun Maxamud Cumar Faras oo ahaa nin aad u aaminsannahay ayaan warkii ku taabtay, kadibna waanu isa soo raacnay oo gurigiisii ayaanu fadhiisannay.

Gurigaas ayaan tarjumadda reboodhkaasi ku qoray, waxaana maalintaas nagu soo biiray Khader Xandulle Qaalib oo dhowr jeer i weydiiyay fara badnida waxan aan qoraayo maanta.

Turjumiddii markaan maalintaas dhammeeyay, waxaan koobigii la ii soo sawiray ka masaxay fallaadhii tilmaamaysay xafiiska ay ku socoto, si aan u marin habaabsho cidda isu diraysa. Waxaan u dhaa-dhacay faras magaalaha si aan noqollo uga soo sameeyo. Waxaan afar noqol ka soo sawiray dukaan Shabeelle ku yaallay oo haddiyadaha iibin jiray (souvenir) oo nin Barre la yidhaahda lahaa. Waxaanan dukaankaas u doortay Barre ayaanu isnaqaannay, koobi mashiinka kelibaan rogan karayay si aan cidi u arag bogga ay “SIR CULUS”i ku qorantahay.

Maalintiidambe waxaan u yeedhay duuliye Cali Farax Cilmi si uu ugu hawlgalo sidii magaalada Hargeysa loogu baahin lahaa nuqllo badan oo warbixintaas ah. Duuliyuhu waxay ahayd inuu sii qaado koobiyo badan oo warbixintaas ah una gudbiyo Abdirahaman Sh.Yusuf sh. Mader si uu isna uga hawlgalo magaallada Hargeysa dhexdeeda oo uu gaadhsiiyo koobiyadaas goobaha odayada iyo dhallinyarada magaaladu isugu yimaadaan, si ay u ogaadaan, ugana tabaabushaystaan dabinka loo qoolayo. Qorshaha hawlgalkaas waanu ka baqannay laba sábabood awgood.

*Marka hore waxaanu is dareensiinnay inay dad badan oon waxba ka ogayn ay sahayan karto warqaddaasi, nacabkuna ugu marmarsoon karo inuu ku wax yeelleeyo nin- doorka indhaha ay ku hayaan.

*Waa mar labaad waxaanu ka baqannay in haddii ay soo shaac baxdo nagu adkaato dibbed u saarkeedo.

Talo waxay noqotay inaan dhinac kale arrinta uga wareegno. Mar waxaan ku tashaday inaan gacanta ka gasho safaaradda Maraykanka. Runtii intaan Qusulka maraykanka galay oon is idhi u dhiib ayaan haddana iskaga baxay oo aan is idhi diblomaasiyiinta qaarkood xidhiidh shakhsi ah ayay la yeellan karaan dawladda ay la joogaan. Waxaan is idhi kan aad u dhiibaysaaba wuxuu noqon karaa kii gacanta ka gelinayay Faqashta. Taarikhduna way marga furtay malahaygii, sababtoo ah in safiirkii Maraykanka ee ugu dambeeyay oo caddeeyay inay taageerayeen faqashta, taasoo ahayd dantooda.

Iyadoo talo igu jiq tahay ayaan maalintii dambe la kulmay nin kooxdii Uffo ahaa oo makaas 6 sano oo xidhig ah ka soo laacay oo dibedda u dhoofaya. Ninkaasi wuxuu ahaa Maxamuud Abdi Jiciir.

Maxamuud oo habeen dambe oo kale u ambabaxaya Sacuudiga. Maxamuud waxaanu isku raacnay xeebta liido. Gaadhigii aanu wadannay intaan meel cidla ah joojay ayaan anigoon waxba u sheegin ku idhi akhri warqadda. Maxamuud markuu dhexda marayo ayuu ka soo booday warqaddii, dabadeedna cod cadho ku jirto igu yidhi: “Waar maxaad u jeedaa?” isagoo moodaya inaan waxan anigu qorqyo. Intaan qoslay oo aan gartay inuu qalad fahmay, ayaan ku idhi anigu maan qorine waa sir culus oo inuu soo gacan gashay. Waxaanan doonayaa waadiga habeen dambe dhoofayee, inaad sii qaad!.

Lix sano oo xadhig ah nin immika ka soo baxay inay ku adagtay la mar warqaddan qolka baadhitaanka inay qof walba ku adagtahay waa ogsoonaa. Maxamuud waxaan u sheegay inaan isugu la marayn qolka baadhista oo uu qof la socdaa ugu dhiibi doono markuu madaarka Jedda ka baxo.. Maxamuud waxaan ku idhi ma moogani taas, mana ku odhanayo adigu madaarka la mar. Waxaan doonayaa inaan cidda aad u gayanayso kuu sheego, kana ballanno in aanad qof keliya ku odhan ninkaasbaa ii soo dhiibay. Waxaan kuu sheegayaa haddii aad faani istidhaahdo, ogow inaad hog igu ridday.

Waxaan ku idhi markaad ka baxdo garoonka Jedda, ayuu nin dhabarka kaa taaban, kuuna dhiibi warqaddan oo boqshad ku jirta. Waxaad warqaddan gacan ka gelin doontaa Injineer Cabdi Bihi Taarwali iyo Cabdirxman Moxamed Yey. Markay ku weydiiyaan cidda kuu soo dhiibtayna, is yeelyeel oo dheh waar waan illowbay qofkii iisoo dhiibay. Mana ogid waxa ku jira.

Waxaan sii ogaaday in laba nin uu aad isugu naqaannaa ay ku jiraan kooxda habeenkaasi dayuuradda Jidda duulinaysa. Waxay ahayeen Kaptain Abdi Mohamed Rodol iyo saxiib aad iigu qaali ah Injineer Sulub C/allí Gurey. Todabadii habeennimo ayaan ugu tagay gurigiisa. Marwo Cadar C/salaan (xaaskSulub) oo ayaan ku idhi mee odaygi. “Immika ayuu jiifsadee?” Ayay igu tidhi.

Xishood hadh habeenkaasi, intaan daf u idhi, ayaan ku idhi waxa caawa i wadaa waa arrin culus. Warqaddaa waxa doonayaa Maxamuud Cabdi Jiciir oo diyaaradda caawa raacaya inaad gacanta ka geliso markuu ka baxo garoonka jiddah.

Warqadda haddii lagugu qabto sulubow, waa dil iyo xoolahaagoo lala wareego. “Miyaad iska akhri?” ayaan ku idhi. “Waar akhriyi maayo oo way iga baqadsiinaysaaye boorsadaas ku rid,” igu yidhi. Intaan ku riday boorsadii, Ilaahayna u barayay inay badbaadsho, ayaan jaanta rogay. Maalintii ka dambaysay waxaan Sulub ka ogaaday in warqaddii nabad gashay. Anniga halkaas baa iigu dambaysay, intaa yar baanu ku eekaa waxqabadkii hawlgalkaa kaga jiray.

Jamac Maxamud cumar ( Jamac Sweden) fasax ayuu dalalka carabta ugu maqna muddadii hawshaasi socotay, hase yeeshee wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee aan ka helo warkii ugu farxadda badnaa een filayay. Markii uu soo noqday ayuu ii sheegay in la helay riboodh Morgan u dirayo Afweyne oo ku saabsan sidii loo liciifin lahaa daqaalaha shicibka w/galbeed, dalalka carabta dadkii joogayna arrintaasi inay aad uga cadhaysiisay. Jamac waxaan tusay hal noqol oo aan idhi soo tan oo kale maaha, halkanba waanu ku haynaa.

Runtii wuxuu Jaamac ahaa nin wada haya sheekada sirtaas, saxiib wanaagsan oo aamin ah, ruux laku kalsoonaan karo ood sir lagu aamini karto. Aadbuuna ugu mahadsan yahay sidii xilkasnimada lahayd ee uu muddada dheer u hayay sirtaas iyada ah. Abdirasaaq Xirsi (Jaah) wuxuu ahaa nin dallinyar oo aan isna uga sheekeeyay arrimaha sirtaasi. Markii aan Xamar ka soo baxayayna gurigiisa kaga tegay buugaag faro badan oo mid ka mid ah ku dhex jirtay hal noqol oo riboodhkaas ah.

Xasan Xawaadle ayaa ii soo gudbiyay wargeyskii ugu horreyay ee wax ka qora sirta culus, Wuxu ahaa “Defense & Foreign Affairs Daily” cadadkii soo baxay April 24, 1987. wargaysu wuxuu sheegayaa manbacii soo saaray inay warkaas ka heleen. Anna waxaan raacinayaa in warqadda tarjumaada ay hayaan laba magac oo la soo gaabashay AFE, AYM iyo hal magac oo dhan oo ah BAODAAG ay ku qoran yihiin.

Markii wargaysyada aduunku Sir Culus qaadaa dhigeen, ayuu Tukaale oo yaabsani ee yimid isagoo u haysta in dadka fidiyey ee halkaas gaadhsiiyay inay i garanayaan. Wuxuu igu yidhi waar Jamacow annigana gabayga igu dar. Waxaan ku idhi xil inala soo darsay uun baynu Ahmedow gudannay. Kula mid baan ahay oo anigaba cidi ima taqaanno. Waxaadse igu hallaysaa, halkii iyo goortii aan hawlgalkaas lagu soo qaado, inaan xilka weyn ee aad gudatay ka sheego.

Tukaale waxaan ka codsanayaa hadduu noolyahay inuu magacdhawo ninkii ay saaxiibka ahaayeen.ee suurtageliyay fashilinta dabinkii faqashta, si ay shicibka Soomaliland ee uu u hiiiliyay iyana u ogaadaan.

Adna Maandeeq

Micnahaagani

Meel loo saariyo

Maaro loo waa!

Maggowgaagiyo

Manfacaagii

Kuu miciiniyo

Kaa muraadsade

Irbad miiq gelin

u masoobee

Miyashada roon

Miyaanad aqoon?

Qore: Jama Ali Osman oo ku magac dheer “Jaamac Yare” (NORWEY)

No comments: