-BBC-Somali: Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa saaka ka furmaya shirweyne lagu magacaabay "shirweynaha saaxiibada Somaliland ee caalamka". Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arimaha dibedda ee Somaliland waxa ka qayb gelaya in ka badan 50 ergay oo ka kala yimid qaaradaha Adduunka.
Dr Maxamed Cismaan Fadal oo ah agaasimaha mac-hadka cilmi baadhista arimaha bulshada iyo horumarka {SORADI} ee xaruntiisu tahay Hargeysa, kana qab gelaya shirka ayaa weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige uga warramay waxa shirka lagaga hadlayo.
No comments:
Post a Comment