"Anna, aniga oo u-xigto-miisaya, kagama bakhayline sida
shacabka kaleba yeelay, calaacalahayga waan isku-tumay
oo u-sacabiyay, salaantiina ka qaaday! Yaab. Bal adba!" Cali
- Dadka Kiristaanka ah ee aaminsan diinta Nabi Ciise ee ku nool
qaaradaha aduunku, waxa ay dalalkooda ka sameeyeen Kaniisado quruxdooda
aad la ashqaraarayso! Goobahaas loo yagleeshay in lagu cibaadaysto oo ah qaar qarniyo badan soo jiray waxa dhismahooda
ka muuqda u-hagarbax dhinac kasta leh. Arartaa yar dabadeed,
meeshu waa Birmingham-UK, waa xiligii rawaxaada. Bas baan ka degay ku
kale oo Xaafadayada tagana halabsigiisaan u-xusulduubayaa! Dhawr
sakadood baan si degdeg dhexdooda uga doc-tuuray! Dabadeedna,
waxan ku soo mudh-idhi Beer xaydaan dheer leh oo ay ku yaalaan Xabaalo
gaboobay oo aan tiradoodu badnayn iyo, Kaniisad aad u-bilicsan oo sidii
qodka ka dhex-oogsatay Qabuuraha!
Kaniisada, inkasta oo haatan aan si joogto ah loogu cibaadaysan hadana
waxyaalo badan oo kale ayaa ay bulshadu ku hor-qabsataa! Afar Iridood oo
kala jeeda ayay leedahay. Laba ka mid ah Afaaf-yadeeda waxa
hor-jiifsada oo aan qajeel laga waayin dadka dib-jirka
ah ee aan Hooy kale lahayn! Hadii ay kuwaasi ka maqan yihiin-se cidlo
ma noqotee waxa bedela oo catabadaha ku hor-botoriya Shimbiraha Xamaamka
loo yaqaan. Kaniisadan, dhinac kasta waxa ka xiga qabuuro aad qaarkood
moodo waawaynida, qudbiyadii Masheekhdii Soomaalida
ee la siyaarin jiray! Halka kuwa kale ay dirqi uun ku sii muuqdaan ama,
ay baaba'een meeshoodiina doog ka dul-baxay!
Jabisyo yaryar ayaa dhex-mulacyeeya Beertan oo ay dadku maraan. Afka
hore ee xabaalaha qaarkoodna Kuraas ad-adag oo sedex-sedex iskugu yaal
ayaa ku teedsan, kuwaas oo loogu talo-galy in lagu nasto. Maalintan aan
ka sheekaynayaa waa galab Jimce ah, dhulku diiran
yahay oo ay dad badani dibada laydhsanayaan oo ay rista beertan ka
baxday fadhiyaan! Mid ka mid ah kuraasta beerta ayaa hadaba ay qaylo iyo
qosol badan oo dadka soo wada-jeediyay ka soo yeedhayaan. Aniga oo
ag-socdaan jaleecay oo markaan is-taagay oo ku biiray
dad tubnaa meesha si aan u ogaado waxa meeshan ka socda!
Nin aan da'diisa ku qiyaasay inuu ahaa 45-50jir Soomaali ah ayaa kor
u-jooga halka buuqu ka jiro. Gacanta midig waxa uu ku haystaa buste cad
oo aad u uskagaystay. Bidixdana daasad ayuu ku xajisanayaa uu kolba
kabanayo. Laba qof oo kale oo Soomaali ah oo iyaguna
fidhiqooyin fuuqfuuqsanaya ayaa barbarkiisa fadhiya. Cirkaasaa la
marayaa oo aduunkan waxa ka dhacaya lama oga! Dood adag oo aad moodo tii
dhex-mari jirtay golayaasha J.Somaliland marka ay arimo xasaasi ahi
taagan yihiin ayaa la-wadaagayaa.
Xagoodii ayaan u yara dhawaaday si aan u fahmo bal waxa la isku-hayo!
Qodhaa iyo Xeradaa, qodobka miiska u saarann ee jiq la iskugu yahay ee
la isku-mari la'yahay waa masalo diini ah oo ah "waa loo faataxayn
karaa xabaalahan gaalada iyo, maya! Diinteenu ma
ogola!" Waxa kolba dhan hadalka laga keenoba, ugu-dambayntii waxa batay
kuwii lahaa waa loo faataxayn karaa. Markii shirku sidaa isku raacay
ayaa ay qoladii fadhfadhiday kaakaceen oo loo jeedsaday geesta ay
Kaniisadu ka xigto, dabadeedna, ay bilaabeen inay
akhriyaan Faataxo jajaban iyo erayo Af-ingiriisi ah oo ay ka mid yihiin
"Rest in peace," oo loogu ducaynayo dadkan Maytida ah! Sida ay doodu ku
bilaabantay marka hore ma aan ogayn, waxase aan qirayaa inay ahayd mid xamaasad iyo xiise gaar ah lahayd, oo
daawashadeeda dad badani iskugu yimid. ugu dambayntii, nimankii
Soomaalida ahaa markii ay dhameeyeen murankoodii iyo waxii ay
akhriyayeen, sacab aanay filayn ayaa ay dad badan oo daawanayay
u-tumeen.
Iyaguna, intay soo dhaqaaqeen ayay sidii koox mooshin
keentay golayaash qaranka oo toodii u meel-martay ay gacan-qaad dadkii
kula soo yaaceen! Anna, aniga oo u-xigto-miisaya, kagama bakhayline sida
shacabka kaleba yeelay, calaacalahayga waan isku-tumay
oo u-sacabiyay, salaantiina u raaciyay! Yaab. Bal adba!
"Ha jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto"
Cali Cumar Xasan.
No comments:
Post a Comment