.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, May 25, 2010

Calanka Somaliland oo ka dul babanaya Iskuul yar oo ku yaal Holland !!!!! Yaab



Salaama Calaykum.

26-ka juun darteed.Waa sheeko dhab ah oo dhacday oo dhaygag i galisay bal adna dhuux!.

Waxan ka mid ahaa waalid lagu casuumay xaflad sanadeedkii lagu xidhayay dugsi ay dhigtaan caruur yar yar oo dadoodu u dhaxayso, 4 - 12 gu', oo kala wada isir ah, kana kala timid dalal tiradoodu ay gaadhayaan 47 dal oo qaaradaha aduunka ku kala yaal, meeshu waa Holland magaalo ku taal, waa goor galab ah oo ay cadceedu isku malmal-ganbiday inay godkay ku hoyan jirtay gasho, waa diirimaad wanaagsan oon dhaxani jirin dhulku, cirku caad ma leh aan ka ahayn fadfad tabaaqil ah oo ku gadfan dacalada fog ee samada, dusha sarena waxa sidii xadhko isku murgay is dhaafdhaafay qiiq waayay dabayl kala horta oo kala firdhisa oo ay reebeen diyaradaha qiiqlayda la yidhaahdaa.

Iskuulkan lanagu casuumay waa dugsi yar oo ay dhigtaan arday tiradoodu aanay ka badnayn 200 oo arday, dugsiga agtiisa waxa ku yaal banaan loogu talo galay in caruurtu ku ciyaarto maalmaha caadiga ah, xiliyada ay casharada ka nasanayaan, ha yeeshee mararka ay jiraan xusaska ama dhacdooyinka mudnaanshaha leh sida tan maanta oo kalena, qolqolkani waa mid loo waabto loona ila-xidho in lagu qunsado muraadkaa. Maalintan maantu waa maalin ka mid ah maalmaha ugu xarakaadka badan leh ee ay ku kulmaan waalidka iyo caruurtu baraxan, oo weliba ay si isku mid ah ugu wada nafaxaadaan'' maararow iyo maadsi'', waxa meel kastaba yaal oo la dhigay alaabooyin kala wada nooc-nooc ah oo laakiin ku soo ururaaya laba qaybood oo kale ah,-

1- Ciyaaro aad u kala gadisan oo loogu talagalay inay caruurtu ku ciyaaraan oo ay weliba waalidiintuna hormeeye, ama habeeye ka noqdaan !

2- Anfaco iyo dhuuni kala wada jaad-jaad ah oo lagu iibinayo gagadan.

Dugsiga oo u samaysan qaab sedex-gees ah waxa meel kasta la sudhay oo sharaxaad iyo qurxin looga dhigay doorkan (xafladan xidhitaanka ah) calamada dalalka aduunka badhkood, oo waraaqo iyo marooyin waawayn ah, oo u badan sida aad adba qiyaasi karto, calamada qaaradan Yurub, Asiya, iyo Ameerikooyinka. Ishu haday sii baadho oo ay weliba tahay mid tababaran ayaa ay meel halkeer ah ka arkaysaa calanka Koonfur Afrika wax qaarada madowba loo aaneeyo, waase sida aad marka hore intaan wax laguu sheegin aad u qaadanayso, waxbaase qarsoon ee bal dhagayso!.

Waxa bilaabmay saacadu markay ahayd shantii galabnimo ciyaarahii oo caruurtii ayaa loo furay xafladii, wax yar ka dib waxaba noo timid anaga oo ah dad badhax ah oo waayeel iyo dhalin yaroba leh oo meel ka shaqaynayna, gabadh yar oo reer Somaliland ah oo da' deedu ay tahay 5 sano iyo badh, waxay i qabatay gacanta iyada oo degdegaysa, waan raacay iyana waa ay i hor-gashay, iyada oo kolba meel iyo koox tuban ka hoos dusaysa, waxan sheed-bildhaansadaba markaasay meel calamada kale afkoodu ku dhamaadeen joogsatay oo ay farta ku fiiqday, mise waan eegay waxay ujeedose waan garan waayay! Markaan su'aalayna, waxay iigu jawaabtay maanad arkayn calankeenii ?.waxan idhi calankee? markaasaa ay igu tidhi, dee kaa, waan u fiirsaday kumase guulaysan inay indhahaygu ku dhacaan oo ay arkaan, waayo waxa meesha ka lusha calamo badan oo ay caruutu samaysay oo waraaqo yar yar oo weliba sedex gees ah laga sameeyay!.

Runtiina maskaxdaba kama helin calanka Somaliland ayaa ay gabadhan yari garanaysaa, oo ay weliba sawiraysaa oo ay hadana halkan in laga lulo guntiga dhiisha iskaga dhigaysaa!.

Gabadhii yarayd ee 5 jirka ahayd, waa ay dhaqaaqday markaasaa ay qori meel yaal soo qaaday ooy la tiiigsatay calamadii meesha sudhnaa mid ka mid ah, oo ay taabsiisay oo ay raacisay, weliba heestii ahayd'' Somalliland dalkayga Somaliland dadkayga'' iyada oo qoslaysa, markaasaan u dhawaaday waaban eegay, ilaahay xuskii waa calankii SOMALILAND oo xidig madaw oo laakiin sedex gees lehi ku dhex daguugan tahay! Waxay igu noqotay mucjiso iyo lama arag arintaasi, in badan ayay igu qaadatay inan rumaysto in gabadhaas yari ay kaligeed go' aansato in calanka Somaliland oo aanay sawirkiisa oo ay ka aragto marmar internetka mooyaane aanay weli arag, ay garato sida uu u eeg yahay, iyo ta ugu muhiimsan inay ku darto calamada iskuulka lagu sharaxay, calamadii kale ayaan u fiirsaday dabadeed oon is idhi malaha caruuraha kalena kuwoogay sameeyeen bal iyagana eeg, waxase aan arkay waxay ahaayeen uun dhawr calan oo kala ah ka Jabaan, USA iyo Nederland oo ay badankoodu wada sawireen, waayo halkanay( Nederland) caruurta badankoodu ku dhasheen, waxana ay isku qabaa inay calankaa (Nedeland) leeyihiin, Gabadhan yar ee reer Somaliland mooyaane !.

Waxan yara daba galay arintii oon gabadha yar hooyadeed waydiiyay inay iyadu ku guubaabisay arintan ama ay wax ka ogtahay, waxase ay ii sheegtay inaanay warba ka hayn waxan aan sheegayo, laakiin dee Somaliland waa ay u nooshahay gabadhu ayay sii raacisay hooyadii gabadhan yar dhashay.

Sida ay calankan Somaliland samayskiisa iyo nakhshadayntiisa iyo hindsihiisa ku keentay midna gabadhii yarayd weli iyada kalama sheekaysan oo waqti danbe iskumaanaan helin, waxase ay gabadhaasi 5 jir ka ahi muujisay wax u baahan in lagaga daydo, waxay ku dhalatay Holland, weligeed Somaliland may arag, hadana waataa calankeedii ag qotomisay calamada kale ee uu ka ag babanayo.Waa taa iyadu da' daa ay tahay keentay dadaalka ee bartay dadkii iskuulka, ardaydii iyo cidii kale ee xafladaa timidba Calanka Somaliland, waxan aaminsanahay in hadii dadaalka, doonista iyo daacadnimada gabadhaa yari ay la timid ku la mid ah lala yimaado, meelo badan oon hada laga aqoon Somaliland calankeeda laga baran doono, xarunta UN-ka ee Newyork-na ha noqotee.! Ha la guntado oo hala kaco hoooooy!

F.G... Haba yaraatee cid qoyska gabadhaas ah oo arintaa ka kaalmaysay gabadhan yar ma jirto, gabadhu iyadaa fikrada iska leh, waa 5 sano iyo badh !!!.

Allah cimrigeeda gabadhaa iyo kuwa la midka ahba ha raajiyo waa aayaha malaha badbaadin doona dalkan cawada daran ee Somaliland-e.

Somaliland ha jirto oo ha joogto.

Cali Cumar Xasan

1 comment:

Anonymous said...

wonderful!