.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, May 25, 2010

Taneey(bbc-radio) Cawke-na kaa caroow !!!


Sept 30 2007 - Ka tagida Axmed Xasan Cawke ka wareegay BBC-du waxay i soo xasuusisay, hadal-murtiyeed uu reebay nin gabayaa wayn ah oo aad loo wada yaqaan oo magaciisa la yidhaa Aw-Siyaad, oo u dhashay degaanka Gabiiley sida igu maqal ahna hadalka murtida ahi waxa uu ku soo baxay maqaaxi uu beri hore ku lahaan jiray magaalada Kala-baydh (deg, Gabiley).

Waxa la yidhi abaar ba'an ayaa arlada ku habsatay, markaasaa dadkii dhulka deganaa wada hayaameen oo uu qofba meel uu naftiisa iyo nafta duunyadiisa ku badbaadi is lahaa u guury, dabadeed Aw Siyaad ayaa maqaaxidii cidiba ugu iman wayday oo ay busaarad adagi ku heshay. Wax uu rajo ku noolaadaba oo uu cirka eego oo uu roob ka saadaaliyoba, waxba samadii way is badali wayday. Dabadeed aw Siyaad waxa uu yiqiinsaday in xaalku halis yahay dabadeedna go'aan adag ayuu markaa qaatay oo ah, inuu isna meesha iskaga huleelo.

Maalin maalmaha ka mid ah  ayaa Aw-Siyaad inta uu maqaaxidii oo albaabadeedu furan yihiin   gu-iisii iyo Bakoorad ka qaatay ee uu ka dhaqaaqay dabadeedna yidhi baa la yidhi hadal murti ah, oo ay hada dadku inta badan markay meel ka quustaan ee ay ka harbayaan adeegsadaan, hadalkaasi oo ahaa ""taneey aw-siyaad-na kaa socoy''. Sidii baa uu aw-siyaad kaga tagay Kalabaydh iyo dalkaba oo uu ku galay Afrikada bari iyo carabaha/ Inaga oo og in ninka maqaaxida shidaa aanu qajeel isagu hayaamin ayaa halkaa waxan ka garan karnaa in waxa Aw-siyaad kaxeeyay uu wax culus ahaa !!!!
.
Waxan hadaba sheekadan aw-siyaad uga socdaa, Axmed Xasan Cawke oo ah sida aynu ka wada war hayno, hibada ilaahay uu siiyay ee wax sheega iyo tabintaba ah ka sokow, nin bashaashi ah, ka adag shaqadiisa, gole-nuure ah, dadka aan ka qaloon iyagana qalayn, cod soo jidasho leh lagu galaday, dulqaad badan, badan, badan oo weliba aan Anigu wax ka saaro, biyahii afku-rubadlaha ahaa ee Xamar inay dulqaadkiisa sii siyaadiyeen waxa maanta inuu sidii aw-siyaad yidhaa Taneey(bbc-daay) Cawke-na kaa caroow! Waa wax wayn oo uu maarayn kari waayay.

Taasna waxad ka dareemi kartaa ama ka dhadhansan kartaa hadalkiisii uu bud-dhig uga dhigay ee uu ku bilaabay tixdii murtida ahayd ee caanka ahayd, ee uu yidhi'' Nin wayn baan ahoo warami maayee, waxaan arkay waaba la ogaan"".

Waxay ku fiicnayd bbc-du inay ku fara-adaygto dadka dhuuntoodu ay soo dhiibayso dhawaaqyada dhadhanka cudoon leh ee dhegaystayaashu ay jecal yihiin, sida quruxda badanina waxay ahayd in dadka ku xidhan idaacada bbc-da 50-sano iyo dheeraad ee intaaba si joogto ah oo hagar la' i ah u soo dhagaysanayay la xaqdhawro oo la tix galiyo doonistooda iyo ciday xiiso u qabaan !!!!

Bal ka waran Micrafoonka- laga qadiyay codadka aan tashka lahayn ee dahabiga ah ee Aadan Nuux Dhuule, Cawke oo oo isna ka hadalkiisu gibin ku ahaa , C/lahi Xaaji oo maqalkiisu teel teel yahay, C/salaan hereri oo aad isna ogaydeen goorta inoogu danbaystay iyo weriyayaal kale oo badan, ma noqonayaa makarafoonkaasi mid dhegta maqashaa ay dhaadayso?? Gaba-gabadii maqaalkan yar,-

Cawke waxan xasuusin lahaa Isbaaro meel la dhigto bbc-du uguma horayne, waxa ka horaysay halkii dooxii Tog-wajaale ee aad garanayso, marka roobku da' o ee Tog-gu soo rogmado, waa kuwii Dibjirka magaaladu intay Tiirarka girgidaha dumay soo gurtaan Biriij(bridge) ka samaysan jiray ee dadka labada Daamood (Ittobiya iyo Somaliland) iskaga talaabaya ee dul-mara Biriijkaa lacagta ka qaadi jiray, qofka bixin waayaana uu ku khasbanaa inuu biyaha dhex maro.

Sidan hada ka socotaa idaacada BBC-Somali-Service, hadaba si loo dul qaadan karo ma ahee malaha waxa la gaadhay, xiligii Tiirasha qofka leh la noqon lahaa. Taas oo aan uga socdo Axmed Xasan Cawke iyo raga kale ee Saxaafada-ahoow, kolay dooxu wuu soo rogmanayaaye Tirarka ka leh ahaada bay ila tahay. Idaacad ha loo sameeyo dadka iyo dalka inta kolba cid marti loo ahaanayo!!!!!!.

Cali Cumar Xasan

No comments: