.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, September 10, 2011

Dr Maxamed Cismaan Fadal Oo Ku Taageeray mudane C/Raxmaan Cabdi-qaadir (ku xigeenka gudoomiyaha Kulmiye) Dhaleecaynta uu Xukuumad Siilaanyo u jeediyay!


 War-Saxaafadeed.

Dr Maxamed Cismaan Fadal oo ka mid ah waxgaradka Somaliland ayaa tageeray Dhaliishii, Canbaarayntii iyo dhaleecadii guddomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye, Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu u soo jeediyay xukuumada dalka u talisa oo uu ku sheegay, in madaxweyne Axmed Maxamuud Maxamad ''Siilaanyo'' uu beesha uu ka soo jeedo ina Cabdi-qaadir ka qadiyay, xilalkii dalka oo u weliba isla markaana ka qaaday kana sifeeyay dhamaanba kuwii beeshiisu hore intaan xukummadani kursiga la wareegin dalka hore uga sii heyn jirtay!.

Hadaba Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa hadal maanta uu soo saaaray oo dabadeedna saxaafada dalka loo qeybiyay uu u qornaa sidan:

- 1. Cabdiraxmaan gar buu leeyahay oo wuxu la hadlayaa madaxweynihii iyo dawladdii uu ugu yaraan 8da sanadood u soo halgamayey in uu kursiga keeno. Markii madaxwenihii iyo dawladdii Kulmiye isku hubsatay kursiga, Cabdiraxmaan wuxu arki waayey wax fa’iida ah oo ay isaga iyo beeshiisa mid hoose iyo mid guudba ay u soo kordhisay. Cabdirahmaan isaga oo Xisbiga Kulmiye hormood uga ahaa beeshiisa iyo ta beesha guud ee Habaryoonisba, waxa aynu wada ognahay in la dhaafiyey xilalkii wasiirnimada ee cid waliba ogeyd in uu xaq u lahaa.

- 2. Waxa intaa u dheer in beeshii uu matalayey ee uu ka soo jeeday  iska daa wax dawladda Kulmiye u soo kordhiso oo ay ka helaane ay ka sifaysay shaqooyinkii caadiga ahaa ee dawladda. Shaqaalihii hoose ee aan siyaasadba ku shuqul lahayn ayaa dibedda looga soo tuurayey oo lagu tumanayaa xuquuqdoodii shaqaalenimo iyo kii muwaadinba. Tuhun baa halkaa imanaya in beeshii dhamayd lala ugaadheeyay siyaasinyiintii la is hayey.

- 3. Haddaba cidda mar walba laga sugayo in ay beesha xaqooda ugu dooddo waa cidda dawladda xilka uga haysa. Ilaa maalintii dawladda Kukmiye dhisantay tabashada beeshu way soo kordhaysay, waxayse u deysay cidda xilku ka saarnaa in ay wax ka qabato oo ah ciddii toos xil fulineed u haysay. Haddaba maadaama oo aan kursi fulineed maanta jirin waxay arrintaasi ku soo baxsatay mudane Cabdirahmaan Cabdi-qaadir oo xilka Guddoomiye-xigeenka 1aad ka haya xibiga Kuliyme ee talada dalka haya; waxay dhawaaqistiisu ka tarjumaysaa qarax milil muddo dusha laga dhayayey.

- 4. Maxaa la gudboon dawladda Axmed Silanyo?

Waa marka kowaade, mar hadday dooratay in ay beelo wax-ku-qaybiso oo ay iska barbar martay sida dunidu ku shaqayso oo ah qof walba in awoodiisa aqooneed iyo kartiyeed wax lagu siiyo iyo in tartan furan wax lagu kala helo, waa in ay umadda si xaqsooran ay xilalka kooban ee dalka  ugu qaybiso oo ay samayso caddaalad beeleed. Waa mar labaadka-e, dib ha isugu noqoto oo ha u soo celiso xilaka dawladda ee fulin iyo kuwa maamul ee ay xaqqa u leeday beeshu. Waa ta sedexaade, ha turxaan saarto oo ha la wada hadlo oo ha la daweeyo waxa kulaylkan keenay. Beel xaqdarro tirsanaysa haddii la iska dhegatiro danta guud baa sadhoobaysa.

5.Maxaa la gudboon beesha:  in ay beeshu sidii ay weligeedba ugu shaqayn jirtay nabadda  iyo danta guud in ay sii xoojiso;  in ay xaqeeda dimuqraadiga ah ku doonato iyadoo isla markii ka duulaysa danta beesha guud ee Habar Yoonis iyo tan dadka gobolada ay degtoba ay la wadaagto. Waxa kale oo beesha la gudboon in ay la xisaabtanto siyaasiyiinteeda iyo ciddii xil u haysaba oo ay ku qiimayso midhaha ay hogaamintoodu u keentay ilaa hadda.

Allah ayaa Mahad leh.

Dr Maxamad Cismaan Fadal

No comments: