.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, September 11, 2011

Maxkamada Sare ee Somaliland: Faysal Cali Waraabe ayaa gartii helay!

UCID.

Hargaysa, 11/09/2011 : Maxakamada Sare  ee  Somaliland ayaa Maanta Ku Dhawaaqdey Go' aankii Kama Danbeysta ahaa, ee mudoba laga naawilaayay ee ku saabsanaa, isku qabqabsiga iyo isku hasysashada  jagada gudoomiyenimo ee Xisbi-qaranka labaad ee mucaaridka ah ee UCID.

Waxa ay Maxkamadu garnaqii maanta ku sheegtay in gudoomiyaha sharciga ah ee xisbiga UCID uu yahay mudane Eng faysal Cali Waraabe, isla mar ahaantaa waxa ay maxakamadu wax-ba kama jiraan ku tilmaamtay gudoomiyayaashii kale ee ku meel gaadhka ahaa!

Dhanka kale waxa ay Maxkamada Sarre ee Somaliland Go' aamisay In shir weynihii Xisbiga Ucid la qabto Muddo Saddex Bilood gudahood ah marka laga Bilaabo maanta. Waxa kale oo ay maxkamadu amartay in Gollaha Dhaxe iyo masuulityiinta Xisbiga UCID, shir weynaha Xisbiga looga fadhiyo qabsoonkiisa.

DSC03207Jawiga maxkamada gudaheeda oo ahaa mid ay soo buux dhaafiyeen, boqolaal qof oo ay ka mid yihiin taageerayaasha labadda dhinac ee xisbiga UCID u kala jabay, iyo qaar kale oo ka mid ah dadka ku dhaqan Hargaysa, ayaa ahaa mid degan.

Dhanka kale waxa soo dhaweeyay isna go' aanka Maxkamada xoghayaha fulinta arimaha gudaha ee xisbiga UCID, waxana uu sheegay in uu ku farxsan yahay go'aankaa maxkamadu ay maanta riday.
 
Mudane Aadan Mirre Waqaf oo ahaa mid ka mid ah gudoomiyayaasha isku haystay jagada Gudoomyenimo ee xisbiga UCID, ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay oo uu tix galinayo Go' aanka maxkamadu ay riday. Waxa uu intaasi ku daray, inuu bilaabo doono aasaaska Xisbi Cusub!

No comments: