.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, October 11, 2011

John Drysdale Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Ka Soo Yeedhay Wasiirka Beeraha, Sheegayna Inuu Caafimaadkiisu Fiican Yahay

 Press release.

John Drysdale oo ah Muwaadin u dhashay dalka Britain, isla markaana in ka badan 50 sano ka hawl galayey Somaliland ayaa Jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Wasiirka Beeraha Faarax Geedoole, kaas oo hadalkiisa ku tilmaamay mid uu iskaga difaacayey xaqiiq dhab ah oo jirta oo is leeyahay qari. John Drysdale oo ah Maamulihii Mashruuca kala xadayn beeraha ee (Somaliland Cadastral Surveys) uu dalka ka hirgaliyey sanadkii 1996-kii uu wasiirka beeruhu ka boobay Mashruucaas oo uu mudo 15 sano ah ka shaqaynayey, isla markaana sameeyey in ka badan 15,000 beerood.

John Drysdale oo isagu in mudo ahba Macisii ku badalay Cabaas Idiris ka dib markii uu sheegay inuu Diinta Islamka soo galaya ayaa waxa uu wasiirka beeraha ku eedeeyey inuu u magac sameeyey Shirqool uu tibaaxay inuu kagala wareegay Mashruucii Hay’adiisa Cadastral survey ay Somaliland ka fulin jirtay, kaas oo tilmaamay inuu si uu ula wareego uu sabab uga dhigay inuu John Drysdale xanuunsanayo, kaas oo sheegay inaanu hada waxba qabin.

John Drysdale waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay xafiiskiisa kula hadlayay qaar saxaafadda ka mid ah, isla markaana uu jawaab kaga bixinayey hadal ka soo yeedhay wasiirka beeraha Faarax Cilmi Geedoole. Ugu horayna isaga arimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi: “Waxaan doonayaa in aan marka ugu horaysa raaligalin siiyo hay’adda caalamiga ah ee UNDP, maxaa yeelay wakhtigii laga soo gudbay waxaan warbixin idinka siiyey idinka iyo dadka kaleba, sida wasiirka beeraha macluumaad ku saabsan Cadastral survey uu ugu tagri falay, waxaanay si waadix ah u fahmeen khaladka uu sameeyey wasiirka beeruhu. Run ahaantiina talaabooyinka uu qaaday wasiirka iyo raga kala shaqeeyey arintanba waxaan aaminsanahay inay cawaaqib xun dhaxalsiiyeen dhalinyar badan oo aqoon yahan ah oo halkan ka hawl galaysay oo maanta bilaa camal ah”.

John Drysdale, isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxa uu sheegay in Cadastral survey aanay joogin shaqaale aqoon yahan ahi, taasi waa mid uu ka been sheegay, sababta oo ah waxaanu sanad walba ardayda dhamaysatay Kuuliyadda Culuunta Beeraha (Agriculture) ka qaadan jirnay Jaamacadda University Of Hargeysa. Waxaanan leeyahay taasi cudur daar kuu noqon mayso, isla markaana ummadda Somaliland way wada ogtahay sida aanu u shaqaalaysiin jirnay dhalinyaradda. Dhamaan arimaha aad samaysaysana maaha mid aan kaaga hadhayo, sababta oo ah waxaad samaysay Boob cad”.

John Drysdale mar uu ka hadlayey sababaha uu wasiirka beeruhu u adeegsaday inuu ka wareejiyo Mashruucii ay 15-ka sano ka shaqaynayeen, waxa uu yidhi “Wasiirka Beeruhu waxa uu sabab ka dhigay inuu iga wareejiyo qayb ka mid ah shirkadayda in aan xanuunsanayo oo aanan itaal lahayn oo aanan sii wadi karin shaqadii shirkadda, taasi maaha run, waxaanan hadalkiisaas ku macnayn karaa inuu is difaac is leeyahay. waxaan xanuunsanayey mudo saddex maalmood oo aan cusbitaalka ku jiray sababta oo ah waxaan ka cabanayey Kaadi haysta oo wax aan ahayn dhibaato Dhinaca kaadida ahi may jirin, isaguna arintaas wuu ka been sheegay”.

John Drysdale, mar uu ka hadlayey beero badan oo ay sameeyeen, isla markaana sheegaya cudurdaarka Wasiirka Beeraha Faarax Geedoole ka bixiyey hadalkiisii hore, waxa uu yidhi

“Waxaan dhamaystiray 15,000 Beerood muddo aad u dheer waligayna kamaan daalin kala xadaynta beeraha Somaliland, hadalkan Wasiirkuna waa carqalad kale oo uu wado wasiirka beeruhu, kaas oo cudurdaar u samaynaya inuu iga qaado shirkadayda gabi ahaanba waa khalad, waxaan doonayaa in aan ka soo hor jeedsado arintan xun ee cawaaqibka xuni ka dhalan karo, markaad wax cudur daar u samaynayo ee aad rabto inaad jawaabto waa in aad jawaabtaada u dhigtaa qaab diblomaasiyadeed. Waxaan ku faraxsanahay in aan la hadlo wasiirka cabsi la’aan, sababta oo ah Somaliland xoriyad badan iyo Dimuqraadiyadda Hano qaaday ayaa ka jiray.

Wasiirka Beeruhu wuxuu ilawsan yahay in aan u sheegay wasiirkii hore ee beeraha Mr Aadam Dhoolayare in hay’adda Cadastral Survey ay xidhiidh la leedahay beelaha, wasiirkaa hore oo ahaa nin aad u macquul ah run ahaantii oo xaaladadaha iyo baahiyaha beeralayda dalka ka warhayey.

Waxaan u malaynayaa Wasiirka beeruhu inaanu ogayn ama uu iska indho tirayo inaan halkan ka shaqeynayey wax ka badan 50 sano, isla markaana aan diyaar u ahaa waligayba inaan u shaqeeyo dadka ree Somaliland oo ah dad Wanaagsan oo lagu dhexnoolaan karo, isla markaana diyaar u ah inay kula shaqeeyaan”.

John Drysdale mar uu lacagta uu sheegay inuu Wasiirka beeruhu siiyo, waxa uu yidhi “Waxaan kale oo aan jeclahay inaa in yar ka yidhaahdo hadalka uu wasiirku ku sheegay inuu $1,500, taas oo run ahaantii wax lala yaabo ah, sababta oo ah hadalkaasi muu ahayn hadal Masuuliyadi ka muuqato waxa aan la yaabay sida uu wax walba banaanka u soo dhigayo waxyababo aan laga hadlin ayaa jira. Lacagtaas uu sheegayna waxaan u arkaa inuu faan ka dhiganayo oo is leeyahay ku qari fadeexada jirta”.

Dhinaca kale waxa isaguna madasha ka hadlaya C/salaan Qalinle Cismaan oo ka mid ah Saraakiisha hay’adda Cadastral survey, isla markaana wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii wasiirka Beeraha Somaliland Geedoole, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Hore waanagii u qabanay Shirjaraa’id oo aanu dhibaatooyinka jira ee uu wasiirka beeruhu hormoodka ka yahay kaga hadalnay, intaas ka dib wasiirka beeruhu waxa isna qabtay shirjaraa’id, waxaanu sheegay oo uu isku difaacay oo yidhi waxa ka danbeeya dad dano gaar ah wata. Waxaan shacbiga u sheegaynaa anagu waxaanu nahay dad shaqaale ah oo dhalinyaro muwaadiniin ah, waxa aanu doonaynaana waa shaqadayadii, cida run ahaantii dangaar ah ka leh way muuqataa oo waa wasiirka beeraha.

Halkan waxaanu ku haynaa baabuurta ka hawl gasha Mashruuca beeraha ee ay hirgalin jirtay Candastral Survey, kuwaas oo ay kala leeyihiin wasiirka beeraha, agaarimihiisa iyo nin ay ilmaadeer yihiin oo Dila iska dagan, kuwaas oo runtii isku shubtay wixiiba. Anagu waxaanu siin jirnay qandaraaska baabuurta Mashruuca ka shaqaysa Shacbiga oo aanu u soo bandhigi jirnay, isla markaana u tartami jiray, laakiin arintani waxay noqonaysaa fadeexad aan wali hore loo arag.

Baabuurka numberkiisu yahay 22856, isla markaana uu wasiirka laftiisu leeyahay waxa uu ka hawl gala Mashruuca oo lacag gaar ah ayuu ka qaataa, waxa kale oo jira C/qaadir Tukaale oo ah Agaasimihii hore ee wasaaraddaas isna inuu u hawl galo baabuur numberkiisu yahay 36036, halka la taliyaha wasiirka Ibraahin Carab uu Gabilay uga hawl galo baabuurka numberkiisu yahay 41089 iyo Agaasimaha wasaarada beeraha ee hada oo isagana Mashruuca ku darsaday baabuur Abaarso ka hawl gala oo numberkiisu yahay 30550. arimahaas oo dhami waa kuwo muujinaya in Wasiirka beeruhu uu ku tagri falay hawshayadii, isla markaana dan gaar ah oo uu leeyahay uu u shaqo tiray in ka badan 74 shaqaale oo dhalinyar muwaadiniina ah”.

Xigasho: Haatuf

No comments: