.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, December 19, 2011

Dad Isaaq ah Oo u Dhashay Kililka 5-aad Oo Degan UK, Oo Baaq iyo War-murtiyeed u Diraya Dawlada Itoobiya.


Assalaamu Caleykum

Kulan ballaadhan oo ay magaalada London ee dalka Britain ku yeesheen dadka ka soo jeeda Beelaha ISAAQ ee dega Kililka 5aad ee Ethiopa ayaa laga soo saaray baaq ku wajahan Dawladda dhexe ee Ethiopia iyo hoggaanka maamulka kilka 5aad ee Somalidu degto.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne iyo masuuliin tiro badan oo ka soo jeeda dhammaan Beelaha Isaaq ee deqa Kililka 5aad ayaa aad loogu lafa guray arrimaha nabad gelyo iyo siyaasadeed ee ka jira deegaankaas oo ay muddooyinka dambe ka soo noqnoqdeen colaado iyo ammaan darro ay geysanayaan ciidanka cusub ee madaxweynaha Kililku sameeyey ee loo yaqaan NEW POLICE oo 95% ka soo jeeda beeshiisa iyo maleeshiyaad isla qabiilkaas ah oo si badheedh ah falal argaggax leh uga fuliya degaannada beelaha ISAAQ.

Gebgebadii shirka ayaa laga soo saaray go’aamo door ah oo ay ka mid yihiin hoggaan cusub oo loo doortay arrimaha beelweynta ISAAQ iyo talooyin ku socda Madaxda Sare ee Dawladda dhexe ee Ethioia iyo tan kilika 5aad.

Waxa shirka lagu dooortay hoggaan cusub oo ka kooban 18 xunood kaas oo hormood ka noqon doona arrimaha beelaha ISAAQ ee K 5aad. Hoggaanka cusub oo la faray inay si degdeg ah uga hawl galaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay ONLF iyo NEW POLICE-ka is-xambaarsani ka wadaan deegaannada beelaha ISAAQ

Talooyinka shirku u diray dawladda dhexe ee Ethiopia iyo tan kililka 5aad ee Somalida, ayaa u dhignaa sidan:

- In si dhakhso ah loo sii daayo dadkii ay ciidanka dhibka badan ee New Police ka xidhxidheen deegaanka XARSHIN dhammaadkii October 2011 ee xukunka sharci darrada ugu xidhan jeelka Jigjiga, dadkaas oo ay ku jiraan dumar iyo carruur.

- Inay dawladda Ethiopia nabadgelyada dadka iyo dalka dammaanad qaado ammaankana sugto, ragga falalka argaggaxa leh ka geystay deegaanka ee huwan magaca new Police-na la hor keeno caddaaladda.

- In si caddaalad ah loogu xaq sooro qabaa’ilka kililka wada dega, lagana foojignaada in shaadhka maxkamadaha qabaa’il loogu hiiliyo qaar kalena lagu dulmo si looga hor tago isku dhac horle iyo colaado ka dhasha xukun qarqoosh beelaysan.

- Inay dadka ku dhaqan deegaannada ISAAQ helaan xuquuq la mid ah tan qoomiyadaha kale ee Ethiopia, meeshana laga saaro qabiil mid kale shaadhka dawladnimo ugu awood sheegta.

- In la kala diro ciidanka new police lana sameeyo ciidan police oo ummaddaha deegaanku ka wada tirsan yihiin, awoodihiisuna si cad u qeexan yihiin.

- Inay beelaha Isaaq helaan saamiga ay xaqa u leeyihiin haddii ay tahay horumarinta adeegyada, degmooyinka, gobollada iyo xilalka dawladda Kililka iyo tan dhexeba.

Allaa mahad leh

----

Posted by C/raxmaan X.

No comments: