.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, December 8, 2011

Gen, Nuux Ismaaciil Taani oo Iska Duway Eedii Dilkii Ka Dhacay Saameel.


Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Jamhuuriyada Diimuqraadoga ah ee Somaliland Gen, Nuux Ismaaciil Taani ayaa beeniyay eedaymo ay salaadiin iyo siyaasiyiin reer Awdal ahi hubsiimo la' aan isaga dusha ka saareen. Eedaymaahaas oo ahaa in Gen, Nuux Ismaaciil Taani uu si toos ah ugu lug lahaa dilkii dhawaan ka dhacay tuulada Seemaal. Isaga oo jawaab ka bixinaya eedaymahaasi waxa uu Gen, Nuux Taani yidhi:

Horta waan inaga wada tacsiyadaynayaa dadkii  inaga dhintay dhamaanteenba, waanan canbaaraynayaa cidii falkaa gaysatay, waana in sharciga la hor keenaa, intaa ka dib, dadka la laayay ee hada dadka qaar aniga igu tisayaan inan ka danbeeyay dilkooda waxan leeyahay, waar anay iga dhinteen, waxanu aniga nahay marxuumyadan Ilmo-abti dhab ah, Markaa hadal aan meesha qaban in dad waawayni iskaga hadlaan iyaga oon hubsan waa laga wanaagsan yahay.

Waxan ku soo gabagabaynayaa war-saxaafadeedkan, ha ka waantoobaan dadka masuulka ah ee dabka ka dhex hurinayaa dadka wada dhashay ee walaalaha ah, colaadan haatan durbaanka loo tumayo wax wanaag ah oo inooga imanayaa ma jiro, dad wada dhahay oo ul iyo diir ah weeyi dadka meesha wada degani, arinta waa in loo kaadiyaa inta ay baadhitaankeeda dawladu wadato oo aan durba go' aan la gaadhin cid dusha waxii dhacay laga saarayo.

Waxan cidii kasta ee hawshaa wada leeyahay waan idinku garab taaganahay ee ha la keeno cidii falkaa foosha xun gaysatay. Dawlad iyo dadwaynana waxan ugu baaqayaa oon leeyahay dhamaanteen waa inan ka hawl galaa sidii xaqa loogu hiilin lahaa. Wa- Salaama Calaykum.

No comments: