
- Sheekooyinkii hore ee murtida lahaa waxa ka mid ah sheeko ku saabsan
saddex daayeer. Saddexda daayeer oo isu yimi ayaa waayaha aduunka iska
waraystay. Markii ay ka yaabeen waayaha aduunku halka uu marayo, ayay ku heshiiyeen in uu mid waliba bal sida ay la tahay u muujiyo. Kii u horeeyay ayaa
labadiisii gacmood indha saaray. Labadii kale ayaa ku yidh, “ Waanu garanay. Waxad leedahay
shar ha arkin!” Kii labaad ayaa
labadiisii gacmood dhegaha saaray. Labad kale ayaa ku yidh,“Waanu garanay. Waxad leedahay
shar ha maqlin!” Kii saddexaad
ayaa labadiisii gacmood afka saaray. Labadii kale ayaa ku yidhi, “Waanu garanay. Waxad leedahay
shar ha hadlin!”
“Shuuuuu!?”
....“Shuuuuushleh u sheeg!”
.........“Shuuuuushleh war ma galo!!!”
Prof: C/Salaan Yaasiin
No comments:
Post a Comment