.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, January 10, 2012

Halka Somaliland ay Kaga Jirto Dunida: Chathamhouse

- Waa maxay ictiraafka ay hadda haysato Somaliland? Dhibaato muhiim ah oo hortaalla Somaliland iyo inta la macaamisha waa su’aasha ku saabsan ictiraafka. Inkasta oo ay Somaliland gacanta ku haysto dhulka ay sheeganeyso badankiis, isla markaana ururin karto canshuuro, dadkana u fidin karto adeegyada qaarkood, isla markaana qabatay doorashooyin dimuquraaddi ah oo dhowr jeer dhacay, haddana Somaliland weli ma helin maqaam caalami ah oo rasmi ah. Somaliland waxay sheeganeysaa aqoonsi haddana balse ma hayso waddo dastuuri ah ama caalami ahaan la aqoonsan yahay oo ay ku heli karto aqoonsi.

Qorshooyin cusub ayaa raadinaya waddooyin la taaban karo oo ay Somaliland ugu dhex shaqeyn karto nidaamka caalamiga ah ayada oo aan haysan ictiraafka caalamiga ah. Fikradaha waxa ka mid ah in deeq bixiyaasha caalamiga awood loo siiyo in ay dhaqaale ku shubaan sanduuq ay isla maamuli karaan deeq bixiyayaasha caalamka iyo dowladda Somaliland –maadaama ay tahay dowlad aan la ictiraafsaneyn......

Halkan hoose ka sii akhri:

No comments: