.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, February 29, 2012

General Galaal Oo Ka Hadlay Xasuuqa Cali Samatar Loo Haysto iyo Natijada Shirkii London


- General Maxamed Nuur Galaal, oo ka mid ah saraakiishii sar sare ee ciidamadii dalka Somaliya, imikana ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Somaliyed, ayaa soo dhaweeyay wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somaliya, waxaanu Alle ka baryay inuu noqdo wada hadal khayr qaba.

General Galaal, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu kaloo ka hadlay dacwadda ku socota Cali Samatar oo uu ka mid ahaa ragga markhaatiga ku furay dambiga uu galay, waxaanu sheegay inuu la yaabay markii uu Cali Samatar dafiray waraysigii 1988-kii laga qabtay ee uu ku amrayay burburinta magaalooyinka Somaliland iyo xasuuqa reer Somaliland. Waraysigaas oo uu Gen. Maxamed Nuur Galaal kaga hadlay arrimo badan, wuxuu u dhacay sidan:

Shirkii London go’aamadii ka soo baxay waxa lagu sheegay inay Somaliland iyo Somaliya wada hadlaan kana wada hadlaan mustaqbalkooda, wada hadalkaas siduu kuul muuqdaa? 

Waxaan u arkaa inuu wax fiican yahay inay wada hadlaan oo wax ku heshiiyaan, dawlada Somalilandna waan ugu hanbalyaynayaa inay qaadacaadii ay qaadaci jirtay inay hadda ka soo noqotay, waanan ku hanbalyaynayaa madaxweynaha iyo dawladiisa, golayaasha iyo shacbigaba.

Inay Somaliland madaxbanaanideedii la soo noqotay, dunidana ay icitiraaf caalamiya ka doonayso sideed u aragtaa?

Arimahaasi waa kuwa la rabo in laga wada hadlo, arimhaas wada fadhisigana kamid ma’ahi, laakiin waxaan leeyahay dad walba waxa uu rabo ee khayr ugu jiro alle haw fududeeyo, waxaanan leeyahay dadkaas walaalahayo ah ee reer waqooyi waxii khayr ugu jiro alle haw fududeeyo.

Waxa jira koox khaatumo layidhaado oo bariga Somaliland lagaga dhawaaqay, markaad eegto iyo dhacdooyin kale ma filaysa inay jirto Somaliland siyaasad la doonayo in lagu furfuraayo?

Walaahi arintaasu waa dhibaato soo koradhay, Somaliland waxay wax ku heli kartaa inay midaysantahay, hadayse ku dhacdo sidii koonfurtu xaalku waxaad moodaa inuu cakirmaayo oo layidhaahdo soo heshiiya, sida imika koonfurta la yidhaahdo, waxa la rabaa in dagaal iyo waxaas aan waxba lagu xalin, go’gashii uu madaxweynuu ku dhawaaqayna in si niyo ah looga qayb galo, ciladaha jira ee la tabanaayana in si lilaahiya loo qanciyo dadka tabanaaya.

Cali Samatar dacwad ayaa kaga socota sideed sano dalka Maraykanka, waxaanu sheegay in aanu sii wadi karin imika, adiga dacwadaas siday kuul muuqataa?

Horta dadkii wax loo dhimay inay dacwoodaan xaqbay u leeyahiin oo ay dacweeyaan dadkii ay wax ka tirsanayeen, muddo dheerna dacwadaasu way jiitamaysay, Samatar waxaan yaabay markuu dafiray codkisii ee uu yidhi anigu ma ihi ninka arinkan sheegaya, dadkii codka ka qabtay inay cajaladii ay ka qabteen iyo waxiiba keeneen meesha waan maqlay, markaas codkaagii wax aad dafiri karto maaha.

Markaas aad iyo aad ayaan ula yaabay, naf waliba waxay gaysatayna inay bixisaa waa xaq, waa cadaalad, cadaalad islaam iyo cadaalad gaalna waa ay ku jirtaa naf waliba waxay ba’isay in laga abaalmariyo.

Nin dadka wax dacwaynaya u ah looyar ayaa ii yimi aniga oo waliba cisbitaal ku jira, wax badan badan baanu I waydiiyay, xagaasna waa ay igala soo hadleen oo dhawr goor ayay xidhiidh igala soo yeesheen, wixii aan ka ogaana waan sheegay oo waan maqlaayay inay magacaygana ku soo dareen.

Somalilanders

No comments: