.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, February 11, 2012

Prof. C/Raxmaan Shunuuf Oo Walaac Ka Muujiyay Habacsanaanta Gashay Xaalada Amaanka Iyo Dagaalada Cadowgu S/Land Ku Soo Qaaday


- Guddoomiyaha ururka SLNM Professor C/raxmaan Axmed Shunuuf oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliland, ayaa walaac ka muujiyay habacsanaanta ku timid awoodii xakamaynta nabada ee dalka, waxaanu ku dhaliilay xukuumada Somaliland in aanay wax qorshe ah oo cad aanay ka soo bandhigin dagaalada ka socda deegaanada Buhoodle iyo gobollada bari ee dalka. Prof C/raxmaan Shunuuf waxa uu intaa ku daray in diyaar garowga cadowga Somaliland oo si weyn usoo diyaar garoobay iyo habacsanaanta xukuumada ay keeni karto mid khatar galisa qaranimada.

C/raxmaan Shunuuf waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay wargeyska Haatuf u waramay, isagoo ugu horayna arrimahaasi ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Jiritaanka Somaliland muu ahayn mid ku timid xigmad shisheeye, balse waa mid inaga inaga timid, taas oo aynu khabiiro ku ahayn nabadaynta iyo xasiloonida dalkeena, iyadoo muddadaasba uu ku socday Somaliland dagaal lagu dhaawac tirayo nidaamka maamul ee Somaliland tan iyo markii uu talada la wareegay xisbiga Kulmiye, waxa soo baxday in dabac u galo amaankii dalka, laba xisbi oo dawladnimada u wada laylyani ay xilliyada kala guurka isbadalaan.

Waxyaalaha khatarta ku ah dalka ayaa waxa ka mid ah in dalka ay ku soo kordhaan maamul goboleedyo cadowgu dibada ka riixayaan, kuwaas oo fursad ka helay habacsanaanta maamul, una siirto galisay in dalka gudihiisa ay si badheedha ugu shiraan qaran duminta dalka, kuwaas oo ilaa hada aanay xukuumadu la imanin qorshe cad oo lagaga difaacayo cadowgyada maamulada ku dhawaaqaya ee qaranimada Somaliland doonaya inay ku baabiiyaan magacyo dhalanteeda.

Waxa kale oo nasiib daro ah in dalka ay ka dhacaan dagaalo aan daruuri ahayn, oo dan Somaliland ugu jirtaa aanay jirin, isla markaana aanay jirin ficil ay xukuumadu ku waajahayso dagaaladaasi, balse ku kooban kalmado afka laga yidhaahdo, taasina ay keentay in dad Somaliland ka wada tirsani ay boqolaal qof iskugu dhintaan. Waxa kale oo ka mid ah gogol nabadeed oo aan ficil wadan, waxa kale oo lagu guuldaraystay in ummada lagu baraarujiyo cadowyada dalka ku soo duulay, taas oo aad arakayso in golayaashii qaranka iyo ururadii siyaasada ay iska indho tirayaan difaaca qaranimada, hadaan qaranimada la difaacin inaanu jiraynin dal taladiisa iyo hogaamintiisa doorasho loo galo,.

Waxa kale oo laga quusan doonaa nabada lagu naaloonayo ee caalamka loogu faanayo haddii aan dhaqaalaha iyo miisaaniyada laga fuudh-yeelin difaaca qaranka, sida imika jirtana Wasaarada Maaliyadu waxay ka bajad badan Wasaarada Gaashaandhigga, taas oo halka shaqaalaha wasaarada Maaliyadu mushaharka ay qaataan ka bisha ay ciidamada qaranka difaacayaana wakhti ka dambaysa ay mushaharka qaataan, hadaan ciidamada la daryeelina qaran ma jirayo, isla markaana Madaxweynuhu waa inuu soo bandhigo qorshe qaranka lagu difaacayo” .

Xigasho: Haatuf

No comments: