''Waxa uu Mujaahid Axmed Sheekh Faarax (Dhuxul) Ku dhashay degaanka Gabiley sanadihii u dhaxeeyay 1940-45-kii, waxa uu ku barbaaray isla degaankaasi...''. Cali
- Waa 1980-dii oo waa saban mirta dhagarta iyo beelo gabogabayntu aanay soof maqaleed marnaba ka durugsanayn nolosha dadka reer Somaliland guud ahaan gaar ahaan-na ta dadka ku dhaqan degaanka Gabiley. Waa xili ay xinjir guduudan iyo dhiig gobolaynayaa meel kastaba arlada wadhan yihiin. Waa gooro guuldaradii iyo jabkii ugu waynaa sooyaalka taariiikheed iyo inta la xasuusan karaa ku habsatay qoomka ku halda Afka-Soomaaliga.
Waa maalmo la shiniyayanyo oo la fajaasayo nacayb iyo colaad gondaha dhigata degelkaas oo aayaha loo maaro waayi doono! Waa xili nin-jileec ka huleelay dudada oo uu gelin horeba fadalka gooyay, waa maalmo Aan-no hore iyo dakane rag tirsanayay u tafo xayteen aargoosigooda. Waa arooryo iyo fiidad Faaliye iyo Fooxleba saadiyeen inuu soo baxay Min Qab-qable ah iyo Maryo-dhiig! Isku soo duuboo waa Jeer Balo onokoday oo ay biyo dhigtay arlada.
Goobtu waa degmada Geedbalaadh oo in muda ah-ba ku jirtay col iyo laandayr, oo taraysta (ifisada) iyo caaro-dhuubta jolaha ahi caloosha iyo cudhka qoriga goor kasta ku hilan yihiin, kaydkeeda iyo kabisteeduna haday ugu fog tahay faraqyada raga col ujoogta ah ku gingiman tahay. Baaska (kalashnikoofka iyo boobayaasha culus) amaankoodu ma xidhna, farta iyo suulkuna waxay dhacdo iyo baxdo kasta ku nudan yihiin keebka oo ay u hamuun qabaan qabashadiisa.
Dayaanka iyo duryanka wiiflayda xabadaha kala isirka ah ayaa dhufays-gal inay noqoto bulshadu oo ay madaxa kor u qaadi waydo oo ay nasan waydo ku sanduleeyay. Waa soomal haad iyo salsal is galay oo dhegta taagani ma degto ee dhiilada u digtooni qabtaa, Isku soo duuboo waa Arlo Barkhad iyo Samaani ka qaloodeen. Shar iyo baas-na ka sigalaynayaan!
Waayo kastaaba ninkiisii keenye, kani waa xili riman naftii hure iyo inan baas oo kaca oo hira colka iyo cadawga Cad (Hilib) iyo Caano-ba tiray degelka. Waa unkankii halyayadii jabhadii Afraad iyo abaanduulahii lagu goblamay, lagu hoogay iyo lama-dhaafaankii muhjaahid Axmed Sheekh Faarax Colow (Dhuxul). Waxa uu Mujaahid Axmed Sheekh Faarax (Dhuxul) Ku dhashay degaanka Gabiley sanadihii u dhaxeeyay 1940-45-kii, waxa uu ku barbaaray isla degaankaasi, waxa uu u baxay dhisme ahaa dherer aan balaadh hilboon lahayn ee seed soohan ah, midabkiisu waa ''dhuxusha ka madow '', waana halka uu ka kasbaday magaca uu ku caan baxay ee DHUXUL!
Shaqooyin kale duwan ayaa uu soo qabtay oo kuwo gaar ah iyo kuwa dawladeedba lahaa, waxa uu noloshiisa u badanaa Somaliland iyo Djibouti, waxa uu ahaa nin gabyaa wayn ah oo aan jeclayn inuu is-muujiyo habase ahaatee lagu galaday maansayahan-nimo dhif iyo teel-teel ah oo dadka qaar uun Eebe ugu deeqo, waxa uu ahaa nin bashaashi ah oo aan qalo lahayn, waxa uu aad u jeclaa jaadka iyo shu'uuntiisa!
.... Astaamahaa kooban ee aan dusha ku yara bildhaamiyay ee uu lahaa Muj, Dhuxul ka-sokow waxa kale oo aan Dhuxul ka madhnayn, ee ku talaalayd dareenka Suufisamka iyo maamuusida Awliyada! Waxa uu saaxiib dhaw la ahaan jiray niman culimo ah oo saamayn wayn ku lahaa bulshada oo aad u ban-baxay, qaarkoodna waliba dadku ay bidi jireen karaamo, muraad-qumisna ugu tagi jireen.
Allah ha u naxariistee Dhuxul sanadku markuu ahaa 1980-kii ayuu ka soo dal-doorsaday oo uu ka soo hayaamay dalka Djibouti oo uu in door ah ku noolaa, waxana uu ku soo guryo-noqday Somaliland. Waqti yar dabdeedna waxa uu Dhuxul ka qayb galay olole is-badbaadin iyo is-difaacis ahaa oo ay dadka degaanka Gabiley ku nooli ku jireen xiliyadaas. Waxa isaga si gaar ah loogu qoondeeyay inuu qabto kaalin ka banaanaatay maamulka Jabhadii la odhan jiray Afraad ee ka aasaasnayd degaanka Gabilay, oo beryahaa hogaan la'i ku timid, ka dib markii laga xidhxidhay madaxdeedii.
Tab iyo xirfad askari-nimo, karti iyo hogaamin bilan, go'aan qaadasho miyir-qabta, dhiiranaan maaraysi leh, foojignaan iyo il-dheeri, dabacsanaan iyo dulqaad, intaas iyo in ka badan oo ahaa tayo-da qofeed ee uu lahaa muj, Dhuxul, ayuu kaga soocmay dad badan waana ta keentay in lagu sharfo inuu gadhka qabto hogaankii jabhadii Afraad, xilkaasoo isaga hortiina ay iskaga danbeeyeen laba mujaahid oo la kala odhan jiray muj, Maxamad Cali iyo muj Cabdi-kariim Cali Buux.
Dagaalka ay jabhadu ku jirto ee joogtada ah ka sokow, hawshii u horaysay ee hor taalay ee tijaabada kowaad u noqotay hogaamintii Dhuxul waxay ahayd, sidii jabhada Afraad looga badbaadin lahaa gacanta dawladii Soomaaliyeed ee xiligaa, oo maalmahaa xilka loo tiriyay Dhuxul bilowday, abaabul wajiyo badan leh oo ay ku baabiinaysay jabhadii Afraad. Qorshayaasha ay dawladu ugu talo-gashay inay kaga takhalusto Afraad oo qaarkood ay fulisayba Waxa ka mid ahaa, in madaxda iyo wiilasha jabhada ah la kala saaro, oo madaxda la xidhxidho wiilashana tabobar loo furo oo askar milatari ah laga dhigo.
Runtii si caaqiibo leh ayuu muj, Dhuxul ugu guulaystay arintaasi oo isaga, odayaashii iyo wax-garadkii kale ee jabhada Afraad taageeri jiray waxay isla garteen in Jabhada laga raro xeryaheedii ku yaalay Soomaaliya (Somaliland) loona wareejiyo gudaha dalka Ethiopia, oo meel xadka dhawr Kilo Mitir uun ka durugsan saldhigyo cusub looga sameeyo. Taasi waxay keentay inaanay dawladii Soomaaliya sharci ahaan u awood sheegan karin jabhada, waayo? dee dalka ay dawladu xukuntoba jabhadu ma degana. Guul wayn ayaa halkaa uga soo hoyatay Mj Dhuxul iyo intii kale ee arintaa ka qayb-qaadatayba.
Jabhada Afraad waxa laga aasaasay degaamada hoos yimaada Gobolka Gabiley oo ay dhaqaale iyo arin-ba aad ugu tiirsanayd, isaga oo taasi ka duulaya hadaba waxa uu mujaahid Dhuxul iyo dadkii la shaqaynayay ay ka lib keeneen oo ay mar labaad hadana ku guulaysteen in jabhadii Afraad ay waajibaadyo aan hore qorshaheeda ugu jirin ay wax ka qabato, kuwaasoo ay ka mid ahaayen sugida amniga iyo adkaynta nabad-galyada ee degaamadaa ay Afraad deganayd.
Hawshan waxa qaban jiray caadi ahaan Police-ka iyo waaxo ka tirsan wasaarada arimaha gudaha, ha yeeshee dagaaladii 1977-kii ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya dartood ayaa loo xidhay xarumihii Police-ka ee xadadka ku yaalay. Maamulkii Dhuxul ee jabhadii Afraad halkaaa wax wayn ayuu ka taray dadkuna aad ayuu ugu riyaaqay baahidaa ay dabooleen..
.... Dhibaatadii baaxada wayn lahayd ee degaamada Gabiley dul hoganaysay beryahaasi ee dilka, dhaca iwm lahayd ee ay samaynayeen jabhadihii laajiga ahaa iyo askartii dawladii Soomaaliya, waxa ay abuurtay oo ay dib u soo noolaysay is-ahaantii iyo tolfiiqdii dadka gayigaasi ku dhaqnaa ee cid kastaba lehaa, waxa taasi ka dhashay heelani iyo huris aan hagar lahayn oo nafta kol ay ku tahay wax kastaba la quudhayo. Muj, Dhuxul isaga oo yuhuuntaa aloosan ee jirta miciinsanaya waxa uu dardar galiyay oo isaga iyo gudidii degaankuba ay u guntadeen; In qaadhaamada, muquunada iyo deeqaha kale ee mood iyo noolba leh ee Jabhada Afraad ay dadkeeda ka helaysay aanu sarseeran ku iman.
Taasi waxay keentay inaanay wiilasha dhalinyarada ah ee Jabhadu marnaba daruurigooda ka warwarin, ku darso oo waliba ilayn waa dad dhulkoodii jooga e waxa si faxalnimo leh oo meel kasta iyo mar kastaba ahna u soo gali jiray dhacdhacyo aan cadad iyo xisaab lahayn oo qorshaha jabhada ka baxsan. Bedelkeeda taasi Afraadna waxa ay si ragonima leh u gudatay oo ay ka salabaysay dadkii doolaalada dhulka ku yimid ee dhibta waday! Hogaamintii miiganayd ee muj, Dhuxul door wayn ayay halkaana ka ciyaartay.
Ma hagardaamo iyo shirqoolo la'ayn oo goor kastaba dabinka iyo suuryada qoob la-boodka ah ee maleegani wado-yaal ayay ahaayeen lagu malgayo Afraad, oo markii ay ka bariiqatay ee ay ka badbaaday faro-galintii tooska ahayd ee dawladii Siyaad Bare ku haysay ee ay Afraad xadkaba uga talawday, lagagama hadhin sidaa, ee waxa la soo adeegsaday gacmo dadban oo sasabe iyo balanqaadyo shaqo wada, waxana ay arimahani soo xoogaysteen oo ay aad u soo shaac baxeen markii lagu dhawaaqay ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM.
Xiligaas oo Wafdiyo ka socda dawladii Soomaaliyeed oo heerar kale duwn lehi ay gaalaa baxeen degmada Geedbalaadh si ay u soo xerogaliyaan jabhada Afraad oo markaa iyadu ku sugan xadka dushiisa oo ah dhinaca Ethiopia, waxa wafdiyadaa ka mid ahaa, wafdi uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeen, mudane Axmed Maxamuud Faarx (Ina-laxwas) Ilaahay ha u naxariistee. Mawqifkii afraad ee ahaa inaanay u soo gacan galin dawladii Siyaad bare wax habayaraatee nuuxsimaad ahi kuma iman, waxa aad ka garan kartaa halkaa go'aan qaadashadii adkayd ee guud ahaan jabhada Afraad gaar ahaana maamulkii mujaahid Dhuxul.
Hadii ay jabhadii Afraad afar sano oo hore (1978-1982) soo dagaalamaysay oo ay degaankeeda caabi iyo gaashaanba u ahayd, oo aanu qoriga degta mujaahidka saarani dhulka u degin, gabogabadiina Ilaahay guusha Afraad raaciyay oo ay si gobanimo leh u soo af-jartay tacadiyadii dadka lagu hayay, haatan waxa curtay oo unkanmay dagaal waji kale leh, waa Jihaadkii waynaa ee ay SNM gadhwadeenka u noqotay oo waa 1981/82-kii! Maamulkii muj, Dhuxul iyo jabhadii Afraad oo iyadu xoog iyo xeeladba dhisnaa oo wax dagaal ahna aan markaa ku jirin, waxa ku timid arin kale oo tijaabo iyo imtixaan adag ah oo ka culus waxii hore oo dhan, oo u baahan ka fiirsasho iyo baaraan deg xoog leh oo mid guud ahaaneed iyo mid gaar ahaaneedba ahayd.
Waxa si degdeg ah ugu soo mudh yidhi maamulkii Dhuxul iyo jabhada Afraad-ba su'aalo door ahaa oo werwerkooda iyo walaacoodu badan yahay oo ay ka mid ahayd, maxaan ka yeelnaa SNM, oo ahayd urur cusub oo markaa uun lagu dhawaaqay, oo aan lana saadaalin karin sida uu noqon doono iyo waxa uu ku danbayn doono? maan ku biirnaa SNM oo aan u badheedhnaa dawladaa arxanka daran leh ee milatariga ah? IWM.
Jawaabta arintaasi wax si fudud ku imanaysa ama loo heli karayay ma ay ahayn marka aad si dhab ah arinta u eegto, waayo? Jabhada Afraad waxay ka koobnayd mujaahidiin badan oo kala aragti duwan, kala waayo ah, kala baylah ah, qaar badani xaasas iyo caruuro leeyihiin, qaar kale waalidkoodu saamayn ku lahaa go'aanka ay qaadanayeen, oo intaana waliba ay dheerayd cabsi iyo baqe laga qabay falalka uu ku samayn doono dadkii xigtada u ahaa dhalinyada Jabhada Afraad, maamulkii milatariga ahaa ee ma-naxaanka ahaa hadii ay SNM ku biiraan!
Waxba se hadal yaanan kugu daaline, geesi Ilaahay ma xilo ayaa hore loo yidhi, Duhur cad oo la is horjoogo ayaa mujaahid Dhuxul oo hogaaminayaa jabhadii Afraad oo maalintaasi oo kali ah ka koobnayd 158- mujaahid ay si toos ah ugu dhaqaaqeen dalka Ethiopia oo ay gudaha u sii galeen, saldhigna ka samasysteen magaalada DURYA (xeradii ugu horaysay ee ay SNM yeelato), maalmihii ka danbeeyayna waxa ka daba tagay mujaahidiin badan oo kale oo Afraad ka mid ahaa. Isla goobtaa iyo goortaa ayaa ay SNM ku yeelatay ciidankii ugu cudud adkaa, ugu waayo-aragsanaa, ugu mitidsanaa ee abid ka mid noqda.
Halkaasaa ay ka bilaabantay jabhadii SNM ee runta ahayd ee xoraysay dalka Somaliland, mujaahid Dhuxul iyo ragiisiina ay mar-labaad faraska u heensaysteen guluf iyo weerar kale oo ay ku beedsanayaan GUUL ama Geeri. Marxaladaa waxii ka danbeeya iyo halgankii SNM meeqaamka ay ka kasbastay jabhadii Afraad waxba sii gudo gali mayno haatane, halkaa adba ka yara hilaadi kaalinta mudo-karnimada leh ee uu maamulkii mujaahid Dhuxul ku lahaa inay wax sidan haboon, ee aan hada ku wada qanacsanahay u soo dhamaystirmaan. Intaasaan ku soo koobayaa, milicsigii sooyaalkii mujaahidkii waynaa ee mudane Axmed Sh, Faarax Colow (Dhuxul) '' AHUN', isaga iyo muslinkaba. Aamiin,
'' Dhamaad: Muj, Dhuxul Iyo Dhamacdii Uu Shiday''.
W/q: Cali Cumar Xasan.
(F.G; Waa xog iyo xaqiiq marag leh sheekadani.)
2 comments:
Waa taariikh xiiso leh!
Afsoomaaligan qorehu xaguu ka keenay? waxan jiraa 55 wali sidaan ugu qiirooday maqaalkan waligay uma qiiroon! Walee ninka taarikkhdan qoray dareenka dadka sida loo kiciyo waa yaqaan. BRAVO! BRAVO
Post a Comment