.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, May 17, 2012

Ogaysiis: Xaflada *18-ka May 2012‏ (Holland)*


- Waa mar kale iyo xafladii 18-ka May ee sannadkan 2012-ka. Waxa la ogeysiinayaa dhamaan dadweyna reer somaliland ee ku nool wadanka Holland in la qaban doono xafladii aynu sanad kasta bisha May, 18-keeda u dabaaldagi jirnay, kuna muujin jiray dareenkeena iyo sida ay lama taabtan u tahay madaxbanaanideena iyo qaranimadeenu.Waxa xuska maalintan 18-ka May ee qiimaha gaarka ah inoo leh lagu soo bandhigi doonaa khud-bado kala duwan, ciyaaro badan oo hidaha iyo dhaqanka ah. Sidaasi oo kale waxaa habeenaasi halkaasi wacdaro ka muujin doona fanaaniita waawayn ee caanka ah, ee kala ah;

1- Mukhtar Oday,
2- Ismaacill Dulcad,
3- Adan gaab iyo Marwadiisa Faaisa.

Hadaba, waa inoo 19-5-2012 Magaalada Utrecht.

''Gudiga qaban-qaabada Xaflada 18-ka May''

No comments: