.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, November 20, 2012

Musuqmaasuqa Madaxtooyada: ''Doorsahda Degaanka''!

 
''Codkaaga dadweynoow u meel day,maalmihii la soo dhaafeyna hogatusaaleyn u qaado''. Bahda Farshaxan

- Kobcinta dhaqaalaha waxaa ka mid ah kordhinta dakhliga madaxtoyada.Waa arin u muhiim ah inta danaha gaarka ah u adeegta.Heshiiska  shirkada Thaicom ee TV qaranku  waa dhaqaale kordhinta madaxtooyada.Shirkada u dhaxeysa ee uu raadinaya  agaasimaha wargeyska dawlada ee Dawan  waa hawl u taala madaxtooyada.Wuu ogyahayee bulshadu inuu dhagahooga ku badiyo waa  meel ka dhac  maamul iyo curyaamin madaxtooyada. Hay’ada TV-ga qaranku dad bay naas-nujisaa.Boobe  maqaarsaar meesha inuu u joogay aheydee yaa maamul yidhi.Wasiiradaanu igmanaa  sidaa ka siman ee maxaa ka soocay.
 
Madaxtooyadaa u furnayd habeen iyo maalin.Mashaariic  la qorshaystay ayuu marinkoodii is-hor taagey.Miyaanu la socon qandaraasyada wasiiradu bixiyaan madaxtooyadaa laga maamulaa mana cawdaanee.Maxamed Xaashi xilkii laga xayuubi markuu $500,000  khasnadii dawlada ku soo rida yidhi.Xaabsade  laga hoos qaad maamulka hay’ada wadooyinka.Madaxtooyadaa wado sameynta ku wanaagsan.Madaarka  Hargeysa qandaraaskiisa madaxtooyadaa la waydiin.Waa halkii  dadkiiye maskana wadaadka sii ayey arini mareysaa........
Xilligii lagu jiray  doorashadii madaxweynaha ayaa  Axmed Maxamed Siilaanyo in badan ku khudbadeeyey in musuqmaasuqa  iyo cadaalada  wax laga qabanayo.Dadku aad bey arimahaa  u soo dhaweeyeen.Waxaa la galay in loo guntado sidii guul loogu soo hoyn lahaa,waxaa dhinac la iska dhigay  taariikhdii uu Axmed Maxamed Siilaanyo lahaa.Hawsha ina hortaala aynu wax ka qabano kii wax inagala qabanayana aynu codka siino ayaa talo lagu gaadhey.Madaxweynihii xilligaa ayaa  ilduufay inuu dhaliilaha xukuumadiisii wax ka qabto.Dadkuna cududoodii ayey ku muujiyeen codkoodii.Bishii Juun 26dii,2010 ayaa   lagu dhawaaqey  in guushii uu helay  mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.
 
Abwaanada qaarkood ayaa maansooyin  kacaameysan iyo durbaan dhan u janjeedha qaatey.Hase yeeshee waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah abwaanadu maalintaa ay is yidhaahdeen Mudane Axmed Siilaayo xasuusiya dadka doortay kuway ahaayeen.
Dadka duubka kuu xidhay                                      
qaar baan dab loo shidin                                                                    
da’yartii iyo barbaartii                                                                  
badahay ku daateen                                                                
dibjirkoodii baa wadhan                                                                  
darbiyada habeenkii                                                                        
inkastooy ku doorteen                                                                              
ha  i odhan waa diiqo codkoodu                                                           
miyi wuu dabayshadey                                                                         
laga ooday daaqii                                                                               
biyahay dawaraan
[Midhihii Abwaan Weedhsame]
Bishii Juulaay 27,2010 kala wareegii maamul  ee labada dawladood si qurux badan u qabsoomay.Maaha markii ugu horeysay ee dadku codkooda  ku ciil-baxaan. Madaxweyne Riyaale cod loo midaysan yahay ayaa lagu doortay,lase qoomamee markii uu wasiiradiisa la xisaabtami waayey,dalka iyo dadkana hoos u eegi waayey.Golaha Baarlamaanka ayaa cod lagu soo xushay,bulshaduse ku qanacdey in cod  khasaarey ay ku tiriyaan.Dawlada Madaxweyne Siilaanyana sidaasoo kaley cod ku timid.Waxaa guul la tilmaami karo ah in garaadka bulshadu korayo, kacaa kufkana wax lagu baranayo.Waxaa bishan Noofember 28keeda loo dareeri doonaa doorashadii golaha degaanka .
Waxaa si habsami leh u socota oloihii doorashada golaha degaanka ee dhamaan ururada. Kolay la waayi maayo xagtimo iyo xaglin la tirsado,hase yeeshee waxaa amaan mudan ururada oo ilaalinaya  habsami u socodka  ololaha ilaa iminka.Waxaa mar kale u hirgaleysa  dadku inay codkooda dib u eegaan,una codeeyaan qof u qalma.Qof  diin, aqoon iyo xilkasnimo leh ayaa mudan in la doorto.Bulshadu waxay u baahan tahay qof  shaqadiisa qabsada,danaha dalka iyo dadkana ka hormariya  danaha gaar ahaaneed. Mushaharka qaado waxna ha qaban waxaad moodaa in xubnaha golaha baarlamaanku tusaale ugu filan tahay dadweynaha. Codkaaga dadweynoow u meel day,maalmihii la soo dhaafeyna hogatusaaleyn u qaado.
 Diric xoolo badan iyo  Ruuxii danleey ahi
Dab ma wada kulaalaan?
 
Geesiga nin dooriyo Hayb-dalaska liitaa
Dab ma wada lulaalaan?
 
Gaarida digtoon iyo Doqon rayska jiiftaa
Dab ma wada kulaalaan?
 
Dirigdirigta baqalkiyo Sange orodka dawdabay
Dab ma wada kulaalaan?
 
Digirii nin haystiyo  Ka debbaray tacliintee
Furka looga qalin-daray ,Dab ma wada kulaalaan
[Maasadii Durkiyee aan dhaafee, Abwaan Xasan  Cilmi Diiriye (IHUN)
Tifatirka Mareegaha Farshaxan

No comments: