.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, May 9, 2012

Somaliland Oo Lagu Marti-qaaday Shir IGAD Uga Socda Addis-ababa.


''IGAD-ahaan aad ayaan ula dhacsanahay horumarka dhinacyada badan ah ee Somaliland''.Maxbuub Macalin

- Wefti uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle iyo Wasiirka qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shalay ka qeyb galay shir balaadhan oo ay magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya, ku yeesheen wadamadda xubnaha ka ah urur-goboleedka IGAD iyo wadamadda qadhaan-bixiyeyaasha ee urur-goboleedkaasi ka saacida dhinaca horumarinta.

Shirkan oo lagu soo marti-qaaday Somaliland, waxa lagu lafo-guray sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD. Shirkan oo ay isku wajahayeen Somaliland iyo qaadhaan bixiyayaasha caalamiga ah ee maal-geliya urur goboleedka IGAD iyo wadammada gobolka. Waxa diiradda lagu saaray in la balaadhiyo horumarinta wadamadda gobolka. Shirkan waxa ka qeyb galay labaatameeyo masuul oo ka socday dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee ka taageera horumarinta urur-goboleedka IGAD.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ka hadlay shirkan ayaa amaan balaadhan u soo jeediyay guud ahaan qaadhaan bixiyayaasha adduunka ee Somaliland ka kaalmeeya mashaariicda horumarineed, waxaanu xusay in xukuumada Somaliland ay marwalba soo dhawaynayso cid kasta oo wax kala qabata baahiyaha gaarka u ah ee ay tirsanayso.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar isla markaana hogaaminayay weftiga ka socda Somaliland ayaa u mahad-naq u soo jeediyay mas’uuliyiintii kulankaasi ka soo qayb galay, waxa uu wasiirku ka waramay waxyaabihii u qabsoomay dawlada uu ka tirsan yahay mudadii ay hogaaminta qaranka hayeen.

Wasiirku waxa uu sheegay inay wada shaqayn dhow leeyihiin urur goboleedka IGAD isla markaana ay mar walba la kaashanayaan wixii khibrad iyo aragnimo ay uga baahdaan. Dr. Maxamed Cabdilaahi wuxuu sheegay inay Somaliland kaalin weyn ka qaadanayso himilooyinka horumarinta geeska Afrika, waxaanu urur-goboleedka IGAD u soo jeediyay inay kor u sii qaadaan xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay in urur ahaan ay la dhacsan yihiin guulo faro badan oo dawlada Somaliland ay ka gaadhay, dhinacyada horumarka iyo maamul daadejinta waxaanu xusay, in aragtida urur goboleedka IGAD ay tahay mid ay ku sii adkaynayaan waxyaabaha ay ummada Somaliland higsanayso.

Xigasho: Somaliland.org

No comments: