.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, May 9, 2012

Somaliland Oo U Jawaabtay Maamulka TFG-DA. *Dhegta maal*


- Shirka oday-dhaqameedka Soomaalida uga socda magaalada Muqdisho ee lagu ansixinay dastuurka Soomaaliya, ayaa waxa beryahanba ka soo baxayay hadalo aan sal iyo raad lahayn ama hadii si kala loo dhigo iska uun ku xoqosho ah, oo la leeyahay waxa Somaliland ka yimid wafdiyo oday-dhaqameed ah oo iyaguna u socda inay saxeexaan dastuur hor-dhac ah oo loo sameeyay dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya.

Hadaba, hadaladaa deelqaafka ku ah qaranka Somaliland iyo dadkiisa 21-kii gu' ee u danbeeyay ku naaloonayay madax-banaani iyo dastuur iyaga u gaar ah oo ay samaysteen ayaa waxa u danbeeyay, waraysi uu bixiyay nin lagu sheego inuu yahay, wasiiru-dawlaha dastuurka Soomaaliya oo yidhi, wafdi oday-dhaqameed ah oo reer Somaliland ah oo MATALAYA dadka ku dhaqan Somaliland ayaa nala jooga oo saxeexaya dastuurka! Sheegayna in la dhamayn doono waxoogaaga dhibta ah ee xaga SIYAASADA, waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxa arintaa maanta ka jawaabtay Somaliland oo si caaqiibo leh u baacisay hadalka.

*Dhegta-maal*

No comments: