.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, May 14, 2012

Tacsi Tiiraanyo Leh. Dr Cabdi Shakuur Sh. Cali Jawhar


Tacsi: ''Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun''

- Waxa maanta oo axad ahayd (13-05-2012) ku geeriyooday shil-baabuur oo ka dhcay wadada u dhaxaysa Boorama iyo magaalada Dilla, Allah ha u nxariistee Dr. Cabdi Shakuur Sheekh Cali Jawhar, oo ka mid ahaa aqoonyahanada reer Somaliland ee sida aadka ah af iyo adinba ugu ololeeya horumarinta iyo kor-u-qaadista arimaha Somaliland.Waxa uu Dr. Cabdi-shakuur si aan hagar lahayn u difaaci jiray qadiyada Somaliland isaga oo hadal iyo qoraal labadaba ku bayaamin jiray mawqifkiisa. Waxa uu deganaa in mudo ah Dr Cabdi-shakuur dalka Canada, Dhawaan ayaa uu dib ugu soo noqday dalka Somaliland si uu aqoontiisa dadka ugaga faa'iideeyo.

Allah ha u naxariisto marxuum Dr. Cabdi-shakuur Sh. Cali Jawhar, waxa hubaal ah in siyaabo badan loo tabi doono.Ilaahay waxan marxuumka uga baryaynaa inuu janadiisa ka waraabiyo samir iyo iimaan-na qoyskii uu ka baxay, xigtadiisa iyo reer Somaliland-ba guud ahaan ka siiyo. Aamiin.

No comments: