.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, May 13, 2012

Shariif-ka TFG-da Oo Sheegay Inay Somaliland Ka Heshiiyeen Khilaafkii Hakiyay Wada-hadalka


- Madaxweynaha dawladda ku-meel gaadhka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waraysi uu dabayaaqadii toddobaadkii dhowaa siiyey shabakadda wararka ee Alnaba’ waxa uu ku sheegay in Somaliland ay isku afgarteen in ay wada hadallada bilaabaan, isaga oo sheegay in khilaafkii u dhexeeyey Somaliland ee la xidhiidhay guddidii wada hadallada ee uu dhowaan magacaabay ay isaga iyo Somaliland ka gaadheen is faham fiican oo ah in qaab kale loo dhigo bilowga wada hadallada.

Sheekh shariif waxa uu sheegay in qorshaha cusub ee ay Somaliland isla garteen yahay in labada guddoomiye guddi ee wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay kelidood bilaabaan wada hadallada, kadibna wixii ay bilowga isla meel dhigaan uu guddoomiye kastaa wada tashi kula noqdo dhinaciisa. Shariifku waxa uu sheegay in marka uu qaabkaa is-faham ku yimaaddo ay saxeexi doonaan.

Sheekh Shariif waxa kale oo uu waraysigiisan kaga hadlay ujeedada safarkiisa, sababta beddeshay aragtidiisii ku aaddanayd ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya soo galay iyo budhcad badeedka. Waraysigan oo ay qaadday saxafiyad ka tirsan Alanba oo lagu magacaabo Bayaan Cakuum ayuu wargeyska Geeska Afrika isaga oo ku turjuman luuqadda hooyo soo koobay:

S. Halkee ay marayaan wada hadalladii dib u midaynta dalku?

Shariif: Wada hadalladu meel fiican ayaa ay gaadheen, hadda waxa aanu isla garannay in aanu wada hadalka la bilowno walaalahayaga woqooyi, waxaana dhisan guddi labada dhinac ah.

S. Somaliland waa ay diiddan tahay guddida aad magacowdeen?

Shariif: Arrintaa wada hadal ayaa nooga socda Somaliland, waxa aanuna isla gaadhnay is-faham fiican oo ah in marka hore labada guddoomiye guddi ay bilaabaan wada hadallada, markaa kadibna ay wada-tashi noogula soo noqdaan wixii ay isla gartaan, marka ay heshiis isla gaadhaanna waanu saxeexi doonnaa.

Sheekh Shariif oo sheegay in Kuwait uu u tegey in uu amiirka iyo shacabka reer Kuwait uga mahadnaqo gacanta caawimo ee ay mar kasta la garab taagnaayeen Soomaalida, gaar ahaan xilligii abaaraaha iyo macalluusha, waxa uu sheegay in taas ay u wehelisay inuu amiirka u sharraxo xaaladda hadda ee amniga caasimadda oo uu sheegay in xukuumaddu gacanta ku wada hayso, arrimaha siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta, shirka odaayaasha ee lagu ansixinayo dastuurka, iyo arrimaha caawimada isaga oo sheegay in arrimahaas dhammaantood ay is-faham ka gaadheen.

Sheekh Shariif oo la weydiiyey waxa aragtidiisii ku aadanayd Itoobiya iska beddelay, maadaama oo sannadkii 2006-da markii uu hoggaaminayey maxkamadaha ee ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya uu ahaa dadka ugu dhawaaqa dheer ee ku baaqayey inay Itoobiyaanku baxaan, maanta markii uu madaxweyne noqday uu yahay dadka ugu taageerada badan joogitaanka ciidamada Itoobiya,

Maxaa shalay iyo maanta is beddelay?” ayuu weriyuhu weydiiyey.

 Sheekh Shariif oo ku jawaabay, “Ugu horreyn, haddii aynu doonayno in aynu dhisno dawlad Soomaaliyeed, iyo in shacabka Soomaaliyeed amni iyo xasilooni ku noolaado, waxaa lama huraan ah in aynu meel shishe ka eegno la macaamilka gudaha iyo dibadda.

Dal Soomaaliya oo kale ah suurtogal uma noqonayso in uu cadaawad ka samaysto dalalka la deriska ah, annaguna uma baahnin colaad, gaar ahaan gobolka. Waxa aanu marka ugu horreysa wax kasta oo kale ka horraysiinay in uu xidhiidh fiicani na dhex maro deriskayaga iyo midowga Afrika, xidhiidhkaasna aanu u adeegsanno in aanu dalka ku soo celinno amnigii iyo xasiloonidii. Aragtidaasi hore umay jirin, marxalad muhiim ah ayaanu ka soo gudubnay, ciidamada Afrika ee gudaha joogaa waxa ay garab siinayaan nabadda iyo in hay’adaha amniga ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo awood u leh shaqadooda.

Ciidamada Itoobiya waxa ay ku yimaaddeen aragti cad iyo ogolaanshiyaha midowga Afrika, ururka IGAD iyo bulshada caalamka, muddo gaaban ayaa ay joogi doonaan, ujeedadooduna waa mid keliya oo ah in Soomaaliya laga xoreeyo Alqaacida iyo Al-Shabaab. Aragtidaasi hore umay jirin, laakiin hadda waa ay caddahay, hawlaha la qabanayaa waa ay xaddidan yihiin, waanay tirsan tahay muddada ay ciidamada Itoobiya u joogayaan in ay ka qayb qaataan nabadda iyo xasiloonida”

Madaxweyne Shariif oo ka jawaabayey aragtidiisa ku aaddan mawqifkii Ingiriiska iyo dalal kale ka caddeeyeen shirkii London ee ahaa in aan muddada xilka loo kordhin dawladdiisa, waxa uu ku jawaabay;

“Taasi waxa ay ahayd talo, annaguna marnaba maanu doonayn in lanoo kordhiyo muddada, ee waxa aanu doonaynay in muddadan ku-meel-gaadhka ahi dhammaato oo loo guuro muddo cusub. Imika waxa aanu wadnaa shirkii aasaaska, oo macnihiisu yahay in ku-meel-gaadhka laga guuro.

Talooyinka shirkaa London ka soo baxayna waxa ay taageerayeen aragtidayadii aanu gudaha ka wadnay” Shariif waxa uu caddeeyey in uu mar kale hunguri ka hayo madaxnimada dalka oo uu sheegay in uu haatan yahay nin khibrad badan helay, joogitaankiisuna dan u yahay Soomaalida iyo arrimaha Soomaaliya.

Dhanka kalana waxa uu Sheekh Shariif sheegay in uu ka xun yahay budhcad badeedka ka qadhaabta xeebaha Soomaalida oo u usheegay in ay dileen magacii Soomaalida, sababna u noqdeen sicir barar, maadaama oo kharashkii caymisa weelka baddu uu kordhay. Isaga oo ka hadlaya sida uu xalka u arkana waxa uu yidhi;

“Waxa aanu qabnaa aragti ah in ay arrintani u baahan tahay xal laba weji ah, kan koowaad oo ah in shaqo sharaf abuuris loo sameeyo budhcad badeedka, arrintaasna waanu kala hadalnay walaalahayaga Kuwait, oo aanu weydiisannay in ay caawiyaan kalluumaysatada yaryar ee dakhligoodu hooseeyo, iyo wejiga kale oo ah in la xoojiyo hay’adaha amniga sida booliiska, milateriga iyo sirdoonka, si aanu u awoodna in sharciga aanu fulinno. Marka fursadahaa la helo waa ay fududaanaysaa in la qabto budhcad badeedka oo la xukumo”

Xigasho: Geeska

No comments: