.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, June 1, 2012

Turkey: Caalamka Oo Mar Kale Ku Celiyay In Somaliland Iyo Soomaaliya Ay Wada Hadlaan!


War-murtiyeed;

- Shirkii shalay ee ay ka qayb-gashay Somaliland waxa uu ku saabsanaa horumarinta iyo dhaqaalaha laga taageerayo dadka Soomaaliyeed, wafdigii Somaliland-na waa uu ka qayb-galay kana hawl-galay in Somaliland si gaar ah waxeeda loogu qooqndeeyo. Waxana dalka turkigu balanqaaday inay Somaliland xafiis ka furi doonaan ka shaqayn doona hawalahaasi.

Shirkii labaad ee maanta oo bisha June 1- ahayd ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga oo ay ka soo qaybgaleen 57 dal oo ka tirsan beesha caalamka,  ayaa Somaliland iyana lagu marti qaaday inay iyada oo qaran Somaliland ah, oo madaxbanaan shirka kaga soo qaybgasho, oo la mid ah wadamada kale. Waxa la siiyay barotool buuxa oo tixgalinaya dawladnimda Somaliland.

Shirkaasi oo noqday mid ka baydhay qaabkii la moodayay ee ahaa in lagu falanqaynayo ''road-map-ka'' Somalia ayaa isku rogay, shir caalami ah oo dawlad waliba hadalkeeda ka dhiibanayso. Waxayna Somaliland ay heshay fursad ay qadiyadeeda siyaasadeed ee Somaliland caalamka mar kale ugu soo bandhigto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr. Maxamad Cabdilaahi oo qudbad dheer madashaa ka jeediyay ayaa ku soo ururayay in la gaadhay wakhtigii beesha caalamku ogolaan lahayd madax-banaanida Somaliland, ee ay siin lahayd aqoonsi siyaasadeed. Waxa uu intaa ku daray kaalinta muhiimka ah ee ay Somaliland kaga jirto horumarinta dimuqraadiyada, nabad-galyada iyo dhaqaalaha gobolka ay ku taal.

Wuxuu wasiirku shirka ugu baaqay in Somaliland iyo TFG loo arko laba dal oo si siman uga wada hadli kara danahooda, oo waxa uu yidhi, aan arrinta Somaliland lagu dhex khaldin hawlaha dib u heshiisiinta iyo dawlad u samaynta Somaliya ee haatan socda.

Waxa kale oo wasiirku sheegay in dawlada Somaliland taageersan tahay qodobkii lixaad ee shirkii London ee ku baaqay inay labada dhinac yeeshaa kulamo u gaar ah oo ay danahooda kaga hadlaan, wuxuuna shirka u soo jeediyay in lagu soo daro qodobka heshiiska shirkan Istanbuul, oo markii denba la qaatay qodobkaa laguna daray, qodobkaasi oo aan hore ajendaha shirka iyo baaqa Istanbuul midna ugu jirin.

Waana baaqii labaad ee Caalamku soo jeediyo ee odhanaya ha wada hadlaan labada Dal (Somaliland iyo Soomaaliya).

Allah Mahad leh.

Xafiiska Wasaarada Arimaha Dibada ee Somaliland.

No comments: