.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, June 3, 2012

Aftidii Distoorkii 1961-kii Iyo Doorkii Cabdi-risaaq X. Xuseen


''Inta ka sekaw ayaa waxa isna madasha iska soo xaadiriyey duqii Cabdirezaaq Xaaji Xusseen, waa ina Catoosh, oo labaatankii sannadood ee u dambeeyey...'' Axmed

-  Ninkii heesay wuxu yidhi, "..Sida sheekh wax tebeyoo, Suurad Daah ku raagoo intuu Tabaarig raadsaday, Tabaabulshoo khalaawaha waayaha u tayn dhigay.." Hadda oo ah wareegii todoba iyo tobnaad ee dib u heshiisiinta quruumaha ku hirdamaya qalfoofka dalkii la odhan jirey Soomaaliya ka bilaabmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Madasha shirka ayaa maalmaahanba waxa ku sii qulqulaya intii horeba ugu xuubsiibatay in ay ku maxafsato dhibaatada loo maaro waayey ee dalkaa ku habsatay.

Doorkan ayaa waxad moodaa in sawaxanku aad u kordhay ka dib markay madashii ka soo xaadireen kooxo aan hore loogu arki jiren shirarka noocan oo kale ah. Sifo kale oo lagu suureeyo waxa meesha ka higleh oon ka ahayn in macsharkii la odhan jirey Dawaariq-ul Layl wal Nahaar ayaa goobta isugu habar wacaday markii la maqlay dowladda Turkiga ayaa qaybineysa waxoogaa qaraamaad ah oo dowlado shisheeye ku deeqeen, qadarkiisuna dhan yahay 360.00 Malyuun oo Aw Bidaarka Maraykanka ah.

Inta ka sekaw ayaa waxa isna madasha iska soo xaadiriyey duqii Cabdirezaaq Xaaji Xusseen, waa ina Catoosh, oo labaatankii sannadood ee u dambeeyey si hagr la'aan ah ugu xusul duubayey in ay mar uun rumowdo rajadii laga qabay midnimo Soomaaliyeed oo dib loo yagleelo. Arrin inagu cusub ma aha oo hadba duqu waakan warbaahinta wax towtabiya.

Doorkan xaalku sidii hore ma ah oo odaygu waa ceelalyo oo darka ayuu sahaminayaa; halkeedaba haddaan ugu tagno waayahan cusub ee soo kordhay wax kale ha moodina amintu waxay cagacagayneysaa xiligii tooshka orodka dheer amase (marathon) lagu wareejin lahaa ninkii wareega u dambeeya guul ka soo hoyn lahaa iyo waaba beryey arooryo baxsan! Beryahanba Warbaahinta dadka afsoomaaliga ku hadlay arrintan ayaa lagu qaada dhigayey.

Ninba timo xamar, waa tab iyo xeelade bal aynu eegno dowliskaasi waxa uu ceelka guntiisa ka soo qaado. Waa tuu Cabdi Aadan Xaad "Qays" ka heesay qarnigii ina dhaafay, markuu lahaa: "Surinkii Hadraawiyo suryadaan anigu maray, Suxulbaa u aasanay sidaa ma ula socotaa!"

Sahankan xaajiguna sidiisaba waa mid soofdaran habaabay oo kolna waxa uu duqu saadaalinaya noqon mayso mid saldhigta sida uu qalbiga ka jecelyahay. Hase la yaabina ilayn tacab iyo howl aan la koobi karin ayuu sheekadan u huray, waxase aad mooda konton sannadood ka dib in ay qowm Cabdirezaaq Xaaji Xuseen kow ka yahay dubaaqooda geli la'dahay dunidii wey isbedeshey oo dacalka ka kale ayuu waa cusubi ka beryey dadka dhinac ka raacay.

Intaa haddaynu halkaa ku dhaafno, bal an u daadego dulucda qormadan oo ah hadal ka soo yeedhay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Dalkii la odhan jirey Soomaaliya mudadii 1960-1964, waa Cabdirezaaq Xaaji Xuseen, oo hadda ku sugan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga goobta shirka dib u heshiisiinta kooxaha Soomaaliya. Cabdirezaaq waxa uu ku andacoonaya in Aftidii isxambaarka ahayd ee Distoorka/Xeerka Midowga ee qabsoontay 20 Juun 1961 ay sharciyad ku qotontay maadaama ay ahayd aftidi dadweynuhu u codeeyeen.

Sideeba marka laga hadlayo sharciyad waa in ay waafaqsanaato xeerarka iyo qaabka dunidu ku dhaqanto, oo uu ugu horeeyo Xeerka Heshiisayada Laba Geesoodka ah (Law of Bilateral Treaties) iyo Shuruucda Maxaliga ah. Sida aynu xaqiiqada ku hayno markii dib loo raadraacay qaabkii labadii dal ee Somaliland iyo Somalia loo mideeyeen sharciyadoodii waxa caddaatay in aftidan iyo distoorkan Cabdirezaaq ka hadlayo labaduba isugu biyo shubteen waxba kama jiraan ama hal bacaad lagu lisay.

Hadda halkan kuma soo koobi karno daraasaad cilmiyeysan oo arrintan laga diyaariyey. Bal arrinta waxaynu ku soo koobi doona doorashooyinka Somaliland iyo Somalia ka dhacay intaan gobanimada la helin iyo intii ka dambeyseyba- Waa Baabka Tirooyinka ama Kitaab-ul Arqaamka:

- Sannadkii 1956 Doorashadii Golaha wakiilada Koonfur, tirada dadka codeeyey waxay ahayd = 615,000

- Sannadkii 1959 Doorashadii Golaha Wakiilada Koonfur, tirad dadka cvodeeyey waxay ahayd =315,000*

- Sannadkii 1960 Doorashadii Golaha Wakil. Somaliland, Tirada dadka codeeyey waxay ahayd = 81,400

- Sannadkii 1961 Aftidii Distoorka-Soamliland/Somalia, Tirada Guud ee codeysey =1,948,348

- Tirada Haa u codeysey = 1,756,216

- Tirada Maya U codeysey = 183,000

- Tirada xumaatay = 9,132

Sannadkii 1961 Aftidii Distoorka Tirada Guud ee Somaliland Ka codeysey =103,795**

Sannadkii 1964 Doorashadii Golaha Wakiilada Soomaaliya = 914,000

Sannadkii 1969 Doorashadii Golaha Wakiilada Soomaaliya = 880,000

F.G: * Doorashada koonfureed 1959 Axsaabta qaar ayaan ka qayb gelin

F.G:** Aftidii distoorka Xisbiga SNL wuu qaadacay oo sidaa ayuu ku ololeeyey.

Tirada dalkaa Soomaaliya la odhan jirey ka codeyn jirtey sidaas ayey had iyo jeer u baaxaadegeysey oo marnaba may lahayn meel loogu soo hagaago sababtoo ah may jirin diiwaangelin iyo tiro koob midina. Waxa meesha iska cad in wax isdaba marin xad dhaaf markasta ahayd.

Hadaba Cabdirezaaq Xaaji Xuseen Af Soomaaliga laba erey oon hore u jirin ayuu ku soo kordhiyey oo ah: aadan Yabaal iyo Wallaweyn, labadaa deegaan oo fadeexadii Aftida ku caan baxay codad isdabamarin iyo sanaadiiq cabbayn (Vote Rigging and Ballot Stuffing)! Soo yaalka taariikhdu marnaba Cabdirezaaq labadaa erey kaga masuugimayso oo waa loo qiri.

Sida aan kor ku soo sheegay Aftida Distoorku waxay qabsoontay Bishii Juun 20, 1961; Natiijooyinkii ka soo xarooday gobolada ayaa Maxkamadii dalka U Sareysey dhaqn gelisey bishii July 4, 1961 ka dib markay dhegaysatay warbixintii Xeer Ilaaliyaha Guud uu maxkamada horteeda ka jeediyey. Maxkamadu waxay deedifeysey cabashooyin ay u soo gudbiyeen xisbiyadaa S.N.L, U.S.P, iyo G.L.S. Aftida Distoorka waxa gadhwadeen ka ahaa Cabdirezaaq Xaaji Xuseen oo wakhtigaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Jujuub iyo qardajeex cad ayaa lagu meel mariyey waxa keli ah ee la waafajinayeyna waxay ahayd Qodobo lagu Magacaabo Ku Meel Gaadh iyo Kama Dambeys oo distoorkii koonfureed ku lifaaqnaa.

Markay caddaatay in aanay dadka reer Somaliland ka codeeyeen distoorka iyo isxambaarkii ku lifaaqnaba ayaa sifaa sharci darrada ah lagu meel mariyey oo waliba wargeyskii Rasmiga ahaa ee Xukuumadda lagu Baahiyey. Waxa isweydiin mudan xeerka lagu dhaqan geliyey natiijadii distoorka dadka reer Somaliland ma ku noqdeen muwaadiniin ku abtirsada Soomaaliyadii burburtay?

Horaa loo yidhi Qur'aan kufuwan axad ayaa isku fuuqsatay: Inqilaabkii dhicisoobay bishii December 9-10, 1961 saraakiishii Ciidankii Somaliland Scouts markii Xamar lagu maxkamadeeyey mudadii December, 1961-April, 1963 waxa maxkamada xaakim ka ahaa nin la odhan jirey Mr. Hazelwood dadkuna ku naaneysi jirey "Jinni Qoryaale." Dembiga lagu qaaday saraakiishu wuxu ahaa khiyaamo qaran.

Go'aankii xaakimku wuxu noqday:

- In aanay jirin sharciyad dal ay ku midoobeen Somaliland iyo Somalia

- In eedeysaneyaashu dembi ka gelin dal la yidhaa Jamhuuridda Soomaaliyeed

- In aan eedeysaneyaashu u dhaaran, muwaadiniina u ahayn dal la yidhaa Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

Sidaas ayuu raggaasu maalinta ku badbaaday markii loo waayey sharci lagu deldelo. Waxan odhan laa Cabdirezaaq Xaaji Xuseen taarikhda haka sineysan, ogsoonowna in aan taariikhdu baqan , beena sheegin, abidkeed bukoon. Taarikh raadkeediiba qoyanyahay waxba yaan la isku maaweelin.

W/q: Axmed Cali Ibrahim Sabeyse

No comments: