.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, June 13, 2012

C.I.D iyo Dabagalka S/Land Oo Xogo Weerarkii Gud, Maxkamada Gobolka Ah Haya!


'' Xogo fiican ayaanu haynaa, dablaydaasina ilaa hada inta la ogyahay maaha cadaw dibada inagaga soo duulay, kamana hordhici doona...''. Sir-doonka

- Sirdoonka Qaranka iyo Ciidamada dambi baadhista Somaliland (CID-da) oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey ku mashquulsanaa sidii xogo dheeraad ah looga heli lahaa cida ay ahayd dablaydii Isniintii Weerarka ku dhaawacday Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex C/rashiid Duraan ayaa la sheegay inay heleen raadad mihiim ah oo lagu aqoonsan karo ama cadayn kara kooxdaas isku day-day inay khaarajiyaan Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa.

Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo ku saabsan baadhistaas oo ka soo baxay hay’adaha amniga dalka, hadana sida uu Wargeyska Haatuf u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka dambi baadhista ee CID-da oo ka cudurdaartay in magaciisa la shaaciyo ayaa tibaaxay in Ciidanka Dambi-baadhista Bileyska ee CID-da oo kaashanaysa Sirdoonka Qaranku inay labadii maalmood ee ugu danbeeyey ku hawlanaayeen sidii loo heli lahaa cida gaysatay falkii lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex, isla markaana ay labadaas hay’adood u suurta gashay inay helaan Xogo mihiim ah oo lagu aqoonsankaro cida falkaas ku cusub dalka ka danbaysay.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa sheegay inay Maalmaha soo socda si wada jir ah Natiijo kama danbays ah ka soo saari doonaan cida ka danbaysay falkaas lagu weeraray Mr. Duraan, kaas oo doraad dhaawaciisa loo qaaday dalka Djibouti, isla markaana dalkaas lagula tacaalayo dhaawaciisa.

Ugu horayna isaga oo Sarkaalkaasi ka hadlaya arimahaas waxa uu si kooban u yidhi “Anaga iyo Sirdoonka oo is kaashanaynaa waxaanu helnay raadad 95% xaqiiqo noqon kara oo aanu ka helnay dablaydii subaxdii dhawayd weerartay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex C/rashiid Duraan, kaas oo hada dhaawaciisa lagu soo dawaynayo dalka Djibouti, waxaananu aad ugu mahad naqaynaa Sirdoonka Qaranka oo wax badan naga caawiya baadhista xasaasiga ah ama ay adagtahay in raadad laga helo”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Sarkaalkaasi, isla markaana ka hadlaya wada shaqaynta ka dhaxaysa CID-da iyo Sirdoonka Qaranku, waxa uu yidhi “Waxa fududeeyey in la helo raadad ku saabsan cida ay ahaayeen dablaydii dhaawacday C/rashiid Duraan waa Wadashaqaynta Anaga iyo Sirdoonka Qaranka oo kor loo qaaday mudooyinkii ugu danbeeyey, maalintii dhawayd ee la soo weeraray Guddoomaha Maxkamadana ilaa caawa waxaanu wadnay Baadhis badan oo aanu ku raad guraynay cid dhab ahaan weerarkaas gaysatay imikana Xoogo fiican ayaanu haynaa, dablaydaasina ilaa hada inta la ogyahay maaha cadaw dibada inagaga soo duulay, kamana hordhici doona maadaama ilaa hada Kiiskaas baadhistiisii ay socoto, markaa Insha Allaah maalmaha soo socda ayaana Natiijo kama danbays ah ka soo saari doonaa oo aad idinkuna heli doontaan”.

Xigasho: Haatuf

No comments: