.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, June 13, 2012

Somaliland oo Diidday ka Hadalka Midnimada *Dhegta-maal*


- Dawlada Jamhuuriyada Diimuqraadiga ah ee Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay oo waliba si cad gaashaanka ugu dhufatay hadalo ka soo yeedhaya mas’uuliyiinta maamulka magaciisa la yidhaa DKMG, ee uu madaxda ka yahay Sheekh Shariif oo sheegay, in wada-hadalada dhawaan dhex mari doona Somaliland iyo maamulka DKMG ah lagaga hadli doono midnimo dmbe oo laga suurto-galiyo labada dhinac. Somaliland ayaa DKMG ah uga digtay in hadalada noocaas ah ee ay caadaysatay maamulka DKMG yihiin qaar meel ka dhac ah oo aan waxba ka suurtoobi doonin.

Waxa dawlada Somaliland ay fartay maamulka muqdisho ka waantoobista iyo joojinta  hadalada macno-darada ah ee maamulka DKMG ee Muqdisho uu  warbaahinta ka sheegayo. ''Arimahaasi hadaan laga waantoobin waxay ay noqon karaan kuwo sii fogeeya wada-hadalo dhex mara Somaliland iyo DKMG ah'' ayay tidhi Somaliland. Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Somaliland Cali Yuusuf Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay arrintaas kaga hadlay. Waxa isla mar ahaantii ay idaacada Somali-Voa malahiisa waydiisay Ismaaciil Buubaa, ee ku saabsan hadalada isu-jawaabista ah ee Somaliland iyo Soomaaliya!

*Dhegta Maal*

No comments: