.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, June 11, 2012

Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil!


- Hargaysa; Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdi-rashiid Maxamed Duraan ayaa saaka waaberigii si u kas ah loo toogtay oo loo dhaawacay, isaga oo sida la warinayo dhaawac fududi ka soo gaadhay madaxa, waxa intaa lagu sii darayaa in weerarkan ay qaadeen koox dablay ah oo ku hubaysan Baastoolado! Wax kale oo aan dhaawaca madaxa ahayni ma soo gaadhin gudoomiyaha, oo haatan lagu dhayayo dhakhtarka bukaan jiifka ah ee Hargaysa.

Isku daygan dilka ahi waxa uu dhacay saaka mar uu gudoomiyahu ka soo baxay salaadii SUBAX! Falkan ay gaysteen kooxdan gacan-ku-dhiiglayaasha ahi ayaa ahaa mid qorshaysan oo si badheedh ah loo fuliyay, kuwaas oo ka dib markii ay dhaawaceeen gudoomiyahana fakaday. Booliska Somaliland ayaa arinta gacanta ku haya oo baadhaya fidma-wadayaasha doonaya inay khalkhal galiyaan nabad- galyada qaranka. Falalka noocan oo kali ahi waxa ay yihiin qaar lagu cabsi galinayo maamulka dawliga ah oo la doonayo in lagu wiiqo kala danbaynta iyo xasiloonida ka hanoqaaday Somaliland, waxana waajib ku ah cid kasta inay geesteda kala dagaalanto. 

WYL-News

No comments: