.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, June 11, 2012

Ciidanka Qaranka Oo Didiyay Koox Puntland Ah


- Taliyaha Ciidanka Qaranka, Qeybta 3aad ee saldhiga Badhan, Guray Saalax ayaa cadeeyey inay dib uga celiyeen wax lagu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno maamulka Pugtland oo damacsanaa inay soo gaadhaan Magaalada Badhan. Taliyaha Ciidanka Qaranka Saldhiga Badhan, Guray Cismaan ayaa tilmaamay in oglaansho la'aan ay shaqsiyaad damacsanaa inay aqalo uga kireeyaan Badhan ka daba qaateen iyaga oo gabanayey. Waxaanay daba kaceen firxadka shaqsiyaad Shabaab-ta Galgala ah.

Wareysi kooban oo saxaafaddu la yeelatay Taliyaha Saldhiga Badhan, Guray Cismaan ayaa weydiiyey ujeedada hawlgal la sheegay in ciidanku ka sameeyey magaalada Badhan. Ku jawaabay, "Hawlgalka Ciidanka Qaranka ee Saldhiga Badhan ujeedadiisu waxa ay ahayd sidii looga hortegi lahaa xubno ka tirsan maamulka Pugtland oo amniga iyo qolyo la socday damacsanaayeen inay ku yimaadaan Gobolka Badhan iyaga oo dhuumasho ah oo gabanayey meesha la yidhaah Af-uro ayey wadaado ka soo degeen, isla markaana ayaan ka wacyigelinaynaa firxad Shabaabta Galgala, ciidanka hawlgalkiisuna sidaas ayuu ku waajahnaa". Ayuu yidhi Taliye Guray Saalax.

Taliyaha oo aanu weydiinay maadaama ciidanka booliisku qaabilsan yahay gudaha magaalooyinka. Sababta keentay in ciidanka qaranku hawlgalkaa sameeyo, miyaan ciidan booliis joogin ku jawaabay, "Gobolka ciidanka booliis ee jooga wuu yaryahay, tayo fiicanna ma laha Badhan waxa ka hawlgala waxii nala soo dersa ciidanka qaranka, horena sidan oo kale cisho ka hor qolo ka socotay maamulka Pugtland ayaan sidan oo kale uga waabinay inay gobolka Badhan soo galaan. Waajibkayaguna waa inaan ka hor tagno cadow kasta oo dibedda ka soo gala dalka".

Taliyaha Saldhiga Badhan oo ugu danbayn la weydiiyey inuu shacabka gobolka Badhan ahaan Somaliland u ballanqaadayo sugidda ammaanka iyo nabadgelyada jiida uu Mas'uulka ka yahay ayaa ku jawaabay, "Annagu waxaan nahay ciidan qaran, waajibaadka na saranna aanu ka soo baxno weeye, gayiga aan joognana amaankiisa in cidi dibedda kaga timaado marnaba kama yeeli doono, waayo ciidankii qaranka oo gobolkaa ka hawlgelaya hadii cidi soo gasho waxa la odhan karaa meesha ciidan ma joogo markaa marnaba ma dhacayso in la daawado meel uu cadowgu nagu soo xad gudbay".

SL Media

No comments: