.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, June 13, 2012

Madaxdii Raashinka Gargaarka Loo Xidhay Oo Mandheere Loo Dhaadhicyay


Badhasaabkii hore ee Hargeysa. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), Agaasimihii Guud ee Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre ayaa Mandheerle loo dhaadhiciyay ka dib..'' Jamh

- Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa Mr. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Mr. Axmed Cilmi Barre (Ina Cilmi-yare) oo ku xidhnaa jeelka Hargeysa, kadib markii Maxkamadda Gobolka Hargeysa dhowaan ku ridday xukunno kala duwan oo la xidhiidha raashin mucaawino ah oo la musuqmaasuqay, ayaa loo dhaadhiciyey dhinaca xabsiga Madheera ee Gobolka Saaxil.

Si rasmi ah looma shaacin sababaha keenay in masuuliyiinta u xidhan xukunka lunsiga raashinka mucaawimada ah looga saaray xabsigii ay ku jireen, balse sida ilo-wareedyo kala duwan u xaqiijiyeen Jamhuuriya waxa xubnahan oo Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku ridday xukun saddex sanno oo xadhig ah waxa abbaaro 3:00 habeennimo ee habeenimadii Isniinta loo dhaadhiciyey qaaday dhinaca jeelka Mandheera, iyadoo weli aan la gud-gelin racfaan ay ka qaateen xukunka ku dhacay toddobaadkii hore.

Sida ilo-wareedyadu tibaaxeen, maalintii Isniinta ayey qareennada u doodaya masuuliyiinta xidhan la ballansanaayeen Maxkamadda Gobolka Hargeysa si ay uga qaataan qoraalka xukunkii maxkamaddu ku ridday 3dii June 2012, si ay racfaankooda ugu saleeyaan, haseyeeshee waxa ballantaas baajiyey isku-daygii dil ee isla maalintaas lagula kacay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Mr. Cabdirashiid Maxamed Durraan oo hadda lagu daweynayo cusbitaal ku yaal magaalada Jabuuti.

Badhasaabkii hore ee Hargeysa Mr. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), Agaasimihii Guud ee Dib-u-dejinta iyo Mr. Axmed Cilmi Barre, ayaa xadhig iyo xil-ka-qaadis la isugu daray 10kii bishii March 2012, kadib markii lagu eedeeyey inay lunsadeen raashin taakulo ah oo loogu talogalay dadka danyarta ah ee reer Somaliland, kuwaasoo Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku ridday Axaddii toddobaadkan xukunno min saddex sanno ah, halka iyo La-taliyihii Madaxweyne-ku-xigeenka Cismaan Siciid Jaamac oo isagana lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah, balse xorriyaddiisa dib u helay markii uu iibsaday xukunka ku dhacay.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: