.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, June 13, 2012

War-Saxaafadeed: Somaliland Lama Midoobayso Soomaaliyaa Mar-danbe


- Gudoomiye ku xigeenka Aqalka Baarlamaanka ee dalka Jamhuuriyada Diimuqraadiga ah ee somaliland ayaa ku dhawaaqay in wada hadallada Somaliland iyo dawladda KMG ah ee Somaliya aanay ahayn kuwo lagaga noqonaayo gooni isutaaga somaliland, gudoomiye ku-xigeen Md. Cali Yuusuf Axmed wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland loo igmaday oo keli ah, sidii ay u kala bixi lahaayeen Somalia iyo Somaliland, oo ay u noqon lahaayeen laba dal oo jaar ah oo walaalo ah.

Gudoomiye ku xigeenka baarllamaanka Somaliland Mudane Cali Yuusuf Axmed wuxuu hadalladaasi kaga dhawaaqay shir jaraa'idnoo oo maanta uu ku qabtay xarunta baarllamaanka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland ee ku taal caasimada dalka ee Hargeysa. Go'aamadii ka so baxey shirkii London ayaa ugu baaqey Somaliland iyo Somalia inay wada hadlaan., isla markaana waxa mar labaad hadana lagaga baaqay shirkii kale ee Soomaalida loogu qabtay Istanbool (Turkey). Madaxweynaha maamulka ku meel-gaadhka ah ee Somaliya Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa horey u sheegey in wadahadalka ay laxiriiraan sugitaanka midnimada Somalia

WYL-News

No comments: