.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, June 3, 2012

Maxaad Kala Socotaa Magaca Cusub Ee Ay La Baxeen SSC, NSUM Iyo Somaliland-diidku?


- Dadka reer Somaliland waxa ay wadaagaan taariikho badan oo kala duwan oo ay ka mid tahay mid siyaasadeed oo taxan qarniyo! Hadaba hadaan soo qaadano intii ka danbaysay 1960-kii markii aan dawladnimada qaadanay ee aan la midownay Soomaalida Koonfureed, waxa dadkii reer Somaliland ay ku milmeen dad ay waxyaabo badan ku kala duwan yihiin, taasi oo dhaxal siiyay in dadkii reer Somaliland laftarkoodu iska hor-yimaado oo waliba dagaal dhexdooda laga rido oo la isku adeegsado! Waxa taa ka dhiidhiyay oo qaadan waayay dad ka mid ah reer Somaliland oo ay ugu horayso jabhadii xoraynta dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM. Taasi oo dagaalo lagu hoobtay ka dib ku guulaysatay inay dalkii la odhan jiray Somaliland mar labaad hantido oo ay dadkii lahaa gacata u soo galiso, oo 1991-kii, waatii dadka reer Somaliland oo u dhami ay gudoonsadeen mar labaad inay dib ula soo noqdaan qarankoodii Somaliland! Somaliland la soo noqoshadeeda waa loo dhamaa oo beel ka maqnayd ma jirin.

Dhawaanahan hadaba waxa jira koox aan iyagu danayn aayaha dadka reer Somaliland oo dibad wareeg ah ama qurba joog ah, necebna jiritaanka QARANKA SOMALILAND, kuwaasoo isku daya inay tolfiiqda dadka reer Somaliland kala daadiyaan iyaga oo kalba wax gabaadsi ka soo dhiganay, hadbana magac CUSUB soo qaadanaya! Waxa ugu danbeeyay kooxdaasi qaar sita magaca la yidhaa '' Ururka Midnimada Waqooyi'', waakan iyaga oo baaq ay ku beer-laxawasnayaan dadka reer Somaliland oo ay ugu yeedhayaan '' reer -Waqooyi'' diraya ee hada bal yara daalaco, waaba intaasood magacyadan qaarkood garataaye;

F. G; Waxa ay afka ka dhawrayaan magaca Jamhuuriyada Diimuqradiga ah ee Somaliland! Hoosta ka akhri baaqa ay dirayaan!!!

---------------

- URURKA MIDNIMADA WAQOOYI: BAAQ

BAAQ

June 02, 2012

Markaan muddo badan eegaynay sida xaalku yahay, isla markaana ay noo muuqan weyday cid is xilqaanta oo ku guulaysata xallinta dhibaatooyinka jira, waxa lagama maarmaan noqotay in lagu dhawaaqo Ururka Midnimada Waqooyi . Ururka waxa tiir u ah afkaartiisa:

1.Daaweynta dhibaatooyinka dhexyaal walaalaha Waqooyi.

2.Mideynta aqoonta, maalka iyo muruqa Waqooyi.

3.Joojinta wax kasta oo kala fidnaynaya walaalaha Waqooyi.

4.Kala saaridda danta joogtada ah ee Waqooyi iyo muuqa siyaasidda ee sida hadhka wareega.Ururku waxa uu ugu horreyn soo jeedinayaa baaqan hoos ku qoran:

Baaq

1.Waxaannu ku baaqaynaa in la joojiyo dhammaan colaadaha taagan, lana ogolaado wada hadal bilaa shuruud ah.

2.Waxaannu ugu baaqaynaa siyaasiyiinta kala hadafka duwan ee reer Waqooyi inay isugu yimaaddaan meel dhexe oo ummadda reer waqooyi ka saari karta tafaraaruqa.

3.In la hakiyo wada hadalka lala yeelanayo Koonfur inta talo Waqooyi oo mideysan la helayo.

Magacyada Guddigga Walaalaha Waqooyi:

1.Aqoonyahan maxamed Ismaaciil Jaamac

2.Aqoonyahan Jaamac Faarax Seed

3.Aqoonyahan Maxamed Yuusuf Geelle

4.Aqoonyahan Siciid Axmed Nuur

5.Aqoonyahan Maxamed Cali Warsame

6.Aqoonyahan Muumin Cali Waaberi

7.Aqoonyahan Shaafici Yuusuf Shiil

8.Aqoonyahan Faarax Ciise Jaamac

9.Aqoonyahan Saleebaan Cige Warfaa

10.Aqoonyahan Raabbi Rayaale Aadan

E-mail:walaalahawaqooyi@gmail.com

-- WYL-news

No comments: