.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, June 14, 2012

R W Soomaaliya: Somaliland Waa Qayb Soomaaliya Ka Mid Ah, Wada-hadalkuna Waa....*Dhegta maal*


- Ra'iisal Wasaaraha maamulka DKMG ee aan cagaba ku taagnayn ee dalka Somalia Cabdiwali M. Cali-Gaas ayaa maanta mar uu u waramayay idaacada maraykanku leeyahay ee Somali-Voa sheegay, in xukuumaddiisa iyo Somaliland ay u wada-hadli doonaan sidii dad walaalo ah oo Soomaali ah oo ka wada arrinsanaya horumarka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyey in Somaliland aanay ahayn dal  caalamku aqoonsan yahay, Soomaaliyana aanay geesteeda ka aqoonsan, sidaasi darteedna aanay suurto gal ahayn in ay si laba dawladood ay isku soo hor fadhiistaan.

Waxa uu yidhi, waxa maamulkayagu (TFG) u dhisan yahay inuu cid kasta oo ay Soomaaliya dani kaga jirto la hadasho, cid kasta oo ka mid ah Soomaaliya la fadhiisato, waanan soo dhawaynaynaa qayb kasta oo ka mid ah Soomaaliya, Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, iyagana waxan ka wada hadli doonaa sidii loo horumarin lahaa dalka Soomaaliya oo ay qayb ka yihiin!

''Hoosta Guji oo dhagayso hadalad madhan ee Raysal Wasaaraha Ina-Gaas ee maamulka aan weli meelna ka talin ee hadana isu dhigay inuu Soomaaliya oo idil (Somaliland-na ku jirto) u arimiyo!
 
*Dhegta maal*

No comments: