.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, June 14, 2012

War-Saxaafadeed: Dr Maxamad Rashiid Sh.Xasan


War-Saxaafadeed:

- Waxa maanta oo ay bishu tahay 13-kii Juun, 2012, halkan idinka ogeysiinaya in aan Dalkaygii Hooyo ku soo laabtay anigoo in muddo ah ku maqnaa Dalka Ingiriiska, arrimo ku saabsan caafimaadkayga awgii. Waxa aan marka hore u mahad-celinayaa Ilaahay oo caafimaad taam haatan I siiyay, dibna iigu soo celiyay dalkii hooyo aniga oo caafimaad qaba.

Marka 2aad, waxa aan halkan uga dirayaa salaam iyo mahad-naq balaadhan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Diimuqraadiga ah ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Marwadiisa sidii ay iiga warhayeen muddadii aan xanuunka dalka dibida ugaga maqnaa.

Marka saddexaad, waxaan salaan iyo mahad aan la koobi karin u celinayaa dhamaan dadka sharafta leh ee walaalahay ah reer Soomaliland meel kasta oo ay joogaanba dalka gudihiisa iyo dibediisaba, aniga oo ugu mahad-celinaya ducadii iyo salaamihii faraha badnaa ee ay ii soo direen oo (Alxamdu Lilaahi) Illahay ii aqbalay.

Ugu danbeyntii, waxaan u mahadnaqayaa Saxaafadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan sidii ay xaaladayda uga warqabeen.

''Waad Mahadsan tihiin''

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xassan
(Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah).
(Minister of State for Foreign Affairs and International Relations)

No comments: