.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, June 11, 2012

Sheeko: Xagga Berriga Iskaraw! Prof, C/Salaam Yaasiin


- Biciid ayaa il qori ka muday. Inkastoo ishii xannuun galay, haddana wax buu ka arkayay; oo ta kalee u bed-qabta iyo ta xannuunaysaba aragooda ayuu ayda ku dhex joogay oo marna wax ku daaqayey, marna cadawga iskaga eegayey.

Muddo markay ka soo wareegtay, ayaa ishii sii bukootay, arageediina is-dhintay, kadibna dam bay tidhi oo waaba bakhtiday. Markii musiibadaasi ku habsatay, il keliyina u bed-qabta, ayaa biciidkii werwer galay. Isaga oo naftiisa la hadlaya ayaa wuxuu yidhi, “Waa tan oo il beeshay oo labadii indhood mid keliya ayaa kugu soo hadhay, ayduna way halis badan tahay. Laba indhood oo lagu daaq-tago, halistanna layskaga eego iminka ma lihid. Markaa, nafyahay waa inaad tashataa oo aad la timaaddaa qorshe aad ku noolaato cabsidana kaga badbaado adiga oo il qudha leh.”

Haddii hal cabbaar ah arrintii uu rogrogay, ayaa waxa biciidkii go’aan ku gaadhay inuu ayda badhtankeeda ka baxo oo uu goodiga kaynta ee xagga badda xiga u guuro. Halkaas markuu tagona fuliyo qorshiihii uu dejiyay oo ah: inuu isha u bed-qabta dhinaca ayda mariyo, halkaas oo foofkiisu yaal, halisna kaga iman karto; isha uu beelayna dhinaca badda mariyo, halkaas oo aannu halis badan ka filayn, foofna ka xigin. Qorshihii biciidku wuxuu noqday dhinaca baddu waa ammaane; xagga berriga iskaraw!

Qorshihii ayuu fuliyay. Noloshiisii xaaladdii cusbayd ayey la qabsatay, ammaanna waa helay oo werwerkii sida uu il qudha ayda ugu noolaan lahaana waa ka tegay. Yididiiilo iyo degenaansho cusub ayaa naftiisii gashay. Nabad ayuu u daaqay; nabadna wuu ku seexday.

Noloshii cusbayd dhaqan ayay u noqotay biciidkii. Haseyeeshee, isaga oo noloshiisii cusbayd dhex dakaynaya oon wax dakana ah qabin, ayaa lama filaan dhacay. Dooni dad hubaysan ka jiraan ayaa dhincii badda, ee ishii aannu waxba ka arkaynin xigtay kaga timi. Biciidkii goodiga daaqayay ayey arkeen, markaasaa hilib ugaadheed u muuqday oo ay rasaas oodda kaga qaadeen.

Biciidkii oo sii dhimanaya, kadib markii ay rasaastii ku dhacday, ayuu naftiisii ku yidhi, “Xalkii aan helay, xisaabtaba kumuu darin xabbaddan badda!”

Prof, Cabdi-salaam Yaasiin

No comments: