- Shimbiro ayaa dharaar waagii markuu beriyay, foof tegay. Waxay ku soo bexeen beer, midhihii markii ay bislaadeen ka dib, la gooyay oo aan cid dhex joogin. Halkii ayey ku soo degeen iyagoo filaya inay ka helaan qadhaab badan oo dhulka ku dhacay. Mid walba waxay ka heshaba afkii ayey dhulka la galeen. Shimbirba wuxuu dhulka korkiisa ka helo, ama kusoo baxa marka uu afkiisa dhulka ku baadha ayuu iska midho-midhaystaa. Ugumay iman foof badan oo ay ka dhergaan, sidaa darteed, shimbir walba in uu cuno ku fulin helo ayuu dadaal weyn u galay.
Waxay shimbirihii halkaa ka qadhaabtaanba, mid ka mid ah ayaa afkii uu ciidda ku rogayay wax weyn taabtay. Wuu farxoo wuxuu is-yidhi midho badan ayaad heshay. Afkii ayuu ku qoday meeshii. Halkuu midho ka filayay ayaa jawharad weyn oo dhalaalaysaa kaga soo baxday. Jawaharaddii ayuu afka ku garaacay. Wuxuu arkay in aany wax cuno u noqonaya ahayn, ee ay tahay dhagax oo kale, inkastoo dhagaxii caadiga ahaa ka qurux badan tahay. Intuu shimbirkii jawharaddii rogrogay ayuu ku yidhi, “Waxaan shaki lahayn sidaad u dhalaalayso in aad wax qurux badan oo qaaliya tahay. Haseyeeshee, qof qiimahaaga garanaya ayay ku wanaagsanayd in uu ku helo. Anigase halkaan adiga kaa helay, waxa ii dhaami lahaa in aan ka helo midhadh hadhuudh ah oo cuno ii noqda!”
Sheeko: Digaagadii Beedka Dahabka Dashay: W/q: Prof, Cabdi-salaam Yaasiin
- Nin sabool ah ayaa degaag lahaa. Degaaga wuu kuu ladnaa oo beed uu cuno ama iibyo ayuu ka heli jiray. Ilo dhaqaale oo nolosha reerkiisa waxa ku kordhiya ayay noqdeen degaagi, markaa, si weyn ayuu u ilaalin jiray. Hab nololeed kiisaana raali ayuu ku ahaa. Isaga oo noloshiisa caadiga iskaga jira, ayuu maalin waxa kaga yaabiyay kagana farxiyay arkay. Degaagii mid ka mid ah ayaa beed dahab dhasay. Wixii uu arkay wuu u qaadan waayay. Kolba dhinac ayuu u rogay xabaddii beedka ee dahabka ahayd: dhalaal keediina waa la yaabay; culays keediina waa dareemay. Inta uu hareeraha iska eegay ayuu jeebadda ku ritay.
Isaga oo weli yaaban oo rumaysan la’ ayaankiisa, ayuu dunkaakii dahab leh u kacay. Inta uu beedkii dahabka ahaa soo saaray, ayuu dahablihii ku yidhi, “Dahab wanaagsan ayaan sidaa iga iibso.” Dahablihii ayaa xabaddii beedka ee dahabka ahayd ka qaaday. Qalabkiisii ayuu ku eegay. “Waa dahab asal ah oo qaali ah,” ayuu yidhi dahablii . Qiime wanaagsanna waan ka siisanayaa. Lacagtii ayuu u tiriyay, markaasaa ninkii sabool ka ahaa isaga uu riyaaqaya suuqii si maray, oo cunno aanay weligood cunin iyo dhar aanay weligood xidhan reerkiisii usii iibiyay.
Markuu gurigii tegay ayaa haweenaydiisii iyo carruurtiisi ku farxeen khayraadka loo keenay. “Waar, xageed waxanoo khayraad ah ka keentay? Aayay weydiisay afadiisi. “Waa ferej Ilaah inoo furay oo waa Ilaahay mahadii. Ayaan la yidhaa sabool-ka-saar aya Ilaahay ina siiyay! Dhiishii faqrigana waa tuuraynaa!” Ayuu u celiyay.
Degaagadii bishiiba mar ayay beedkii dahabka ahaa dhashaa. Ninkina waa qaadaa waa soo iibiyaa. Taasina waxa ay keentay in noloshiis oo dhama is bedesho. Cariishkii guri weyn oo fila ayuu ku bedelay. Dhowr gaadhi ayaa isaga, afadii, iyo carrurtii kala kaxaysteen. Carrurtii dugsiyo gaar ah oo qaali ah ayuu ku daray. Dhar qaali oo qurux badan ayay xidheen. Beedkii dahabka ahaa, noloshii busaaradda ahayd, baxbuuxadaas ayuu ugu bedelay.
Ilayn waa naf dad oo ma dheregto eh, dareenkiis ayaa la hadlayoo ku yidhi, “Waar intaad bilba xabad beed ah oo dahab ka sugaysid degaagdda, maad caloosha ay ku hayso beedka badan ee ay kolba mid qudo ka soo saarayso dooxdid oo beedka badan eek u jir mar keliya la soo baxdid.” Taladii naftiisu siisay ayuu ku jeclaystay oo ku qancay. Markaasuu degaagadii beedka dahabka u dhalaysay, ee dhiishii faqriga ka tuurtay, gawracay oo dooxay, si uu dahabkii ay caloosha ku haysay mar keliya ugla soo baxo oo dadka iyo dalka ugu xoolo bato.
Hasa ahaatee, ka dib markii uu calooshii laba ka kala jeexay, beed badan oo dahaba daayo, xabad qudhana waa ka waayo. Mar keliya ayaa damac weyne awgeed, degaagadii uu ku waayay, oo beedkii dahabka ahaa ee bisha ku waayay, oo beedkii dahabka ahaa ee badnaa u filiyay ku waayay!!!
W/q: Prof, Cabdi-salaam Yaasiin
No comments:
Post a Comment