.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, June 14, 2012

Wasiir Boobe: Baabacadaa Timo-Ka-eeg Midnimo Dambe!....*Dhegta-Maal*


- Todobaadka danbe maalinta ay taariikhdu tahay 21-ka bishan Juun, ayaa xubno ka kala socda labada dal ee Jamhuuriyada Diimuqraadga ah ee Somaliland iyo maamulka DKMG ah ee Somalia, ay markii ugu horaysay ku kulmi doonaan dalka Ingiriiska. Gudida labada dhinac walkiilka u ah ayaa kulankoodu yahay mid gogol xaadh u ah gogolo iyo kulamo danbe oo ay aayaha yeelan doonaan Somaliland iyo Soomaaliya, si ay iskula meel dhigaan waxa uu xidhiidhkoodu noqon doono!

Idaacada Maraykanku leeyahay ee Somali-Voa ayaa hadaba waraysi maanta (14/06/2012) ay la yeelatay wasiirka warfaafinta Somaliland (ahna afhyeenka dawada Somaliland) Md. Cabdi Yuusuf Ducaale ''Boobe'' waydiisay su'aalo ku saabsan arintaasi, oo ay ka mid tahay, bal inay dib dambe u suurtoobi doonto in labada gobol (Somaliland iyo Soomaaliya) dib u midoobaan mar kale?

Wasiir Boobe waxa uu kaga jawaabay arintaasi; '' Baabacadaa timo ka eeg! Ma Dhici karto taasi, Somaliland waxa ay ku dhalatay Go'aan  Shacabka reer Somaliland ay mar hore qaateen oo aan ka soo noqosho lahayn, cidinaba inay taasi filato maaha, cid na qasbi kartaana ma jirto''.

*Dhegta maal*

No comments: