.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, June 15, 2012

Gabay Ku Socda Gudida Reer Somaliland Ee Shirka Wada-hadalka Somaliland & Somalia


- Sida la filayo todobaadka soo socda waxa is-aragii u horeeyay ee ay ku kulmaan kana wada hadlaan waxii ka dhaxayn jiray yeelanaya, gudi laba geesood ah oo ka kala socda dalka Jamhuuriyada Diimuqraadiga ah ee Somaliland iyo maamulka ciidamada Afrikaanka ahi degta ku sidaan ee lagu magacaabo DKMG ah ee Soomaaliya.

Waxa laga wada hadlayaa waa sidii labadii dal ee kala madaxabanaanaa ee is-raacay 01/07/1960, ee hooga iyo ba'u kala qabsaday loo kala guri lahaa. Dadka reer Somaliland meel ay joogaanba waxa ay filayaa oo kali ah waxay weeyaan inay is-nabadgelyeeyaan dadkii ay qarankii shaqayn waayay ku darsadeen. Male kale oo meesha yaal ama lala iman karaa waa wax aan dhici karin.

Hadaba, abwaanka magaciisu yahay Ibraahim Xasan Gaagaale ayaa Tix Dardaaran ah oo kooban halkan uga diraya Guddiga Somaliland uga qayb galaysa wada hadallada dhexmaraya, Somaliland Iyo Somalia.

Abwaanku waxa uu yidhi;

Afrikada gumaadbaa ku dhacay, maato garab beeshay

Gobonimo shucuubtii dhashee, Yurub ka guuraysay

Giddigood hungay kala kulmeen, guuldarriyo ciile

Goblamooyin diirkood lehbaa, loogu daw galaye

Lixdankii go`aan lagu degdegay, dawladnimo guurtay

Geedigu hayaan Koonfur degey, garabsi uu doonay

Soddon guuradii kala tagtoo, kala go`doo maagtay

Kala guurka iyagaa kasboo, gabay wanaagiiye

Duudsigii Waqooyiga gilgilay, guushi laga boobay

Dawladnimadi subax laga gayaxay, geeski lagu riixay

Gumaadkii xigee ee arlada, dhiiggu galacleeyey

Bendaradi garbaha loo dhigee, ee madfacu goostay

Dharaar bay midnimo gawraceen, gocosho reebeene

Gobonimo ha loogina markale, laab-la-kaca guursha

W/t: Ibrahim Hassan Gagale

No comments: