.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, July 3, 2012

Adeer, Saw la Noolaadee!: A.W.Cumar-Laangadhe


- Allaw na dil oo hana doorin, waa eray duco ah dadka qaar se habaar u haystaan, murti yaqaan dhaqanka iyo hiddaha suubban ee Soomalida ku suntanaa leexleexashada iyo dhalan-geddiskana aad uga dhiidhiyi jiray… ayaa waxay safar dheer wada galeen odayaal ay isku marin ahaayeen, caqabado badan kadib waxa laysala gartey in la sheegto reeraha laga tirade badan yahay (Midgaha) si culayskaa soo waajahay ay uga gudbaan, taas waxa ka biyo diiday odaygii xeerbeegtiga ahaa waxanu ku yidhi “ Adeer, Saw la noolaadee”

Dhacdaba dhacdo ayay ku xasuusinaysa, xili baa na soo maray laga joogo nus qarni oo la dhisayey jid aad u dheer oo gaadiidku iskaga goosho si layskugu xidho magalooyinka waaweyn ee koonfurta iyo waqooyiga soomaliya, nin da’diisu aad u weynayd oo daganaa dagmada Beer ayaa waxa uu yidhi eray halhays noqday oo ahaa “Saw la inoo soo raacee”

Gole lagu dhan yahay waxa laysku weydiiyey, kumaa wanaagsan Geesi dayacaad badan, iyo fulay feejigan? waxa layku raacay, fulaygu feejigani inuu faa’ido iyo manfac dhaamo Geesi dayacan… muslim laba jeer god lagama wada qaniino… waa xadiis Rasuulkeeni Muxamed (CSW) uu inoo sheegay.

Taas waxa ka sii daran, afmiishaar aad looga qadarin jiray deegaanka uu ku noolaa, kuna caan baxay khiyaamo,wax isdaba marin iyo dhiiranaan xilayada ay dhanaan tahay ayaa goor barqo ah soo martiyay reer…kuray duleedka tagan ayuu ku yidhi “ khiyaamada aan ku baree, horta caano isii” wiilkii reerka ayaa hadhuub weyn oo caano ah u keenay si uu hebal oo kale u noqdo… kadib markii uu laacay waxuu ku yidhi sawnigaa ku baray!

W/q: Ahmed W. Cumar-Laangadhe
(Instructor University of Buroa)

No comments: