.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, July 3, 2012

Sarkaal Reer Somaliland Ah Oo Ku Guulaystay Billad Dahab Ah


''...Maaha markii koowaad ee ciidadamada soomaalilaand wacdaro ka muujiyaan kuliyadaha dalka Ethiopia, waxa isna sanad ka hor magac ka soo hooyey dhakhtar ka tirsan ciidamada milateriga Dr, Ahmed Shadi oo isna sanadkii hore biladda dahabka ah ku guulastay...'' Somalilanders

- Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadda milatariga ee qaranka Somaliland oo ka mid ahaa Konton sarkaal oo ka kala socday dalalka Somaliland Iyo Ethopia oo ka qalinjabiyay Kuulliyadda sare ee ciidamadda Ethiopia ayaa la gudoonsiiyay Bilad Dahab ah ka dib markii uu kaalinta Koowaad kaga guulaystay dhamaan sarakiishii kale oo uu waxbarashadda kula jiray oo ka koobnaa 12 Kornayl, 18 Gaashaanle iyo 20 Captain.

Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay Konton sarkaal (50), oo ka tirsan Ciisamadda Ethiopia iyo Somaliland oo ka qalin jabiyay Kuulliyadda Ciidamadda ee Awash ayaa lagu qabtay xarunta Kuuliyadda. Sarakiishan oo isugu jiray 12 sarkaal oo ka socday ciidamadda Somaliland Iyo 38 sarkaal oo ka socday ciidamadda Ethiopia oo ay kala hogaaminayeen General Gebret Ayele oo ah Taliyaha Hooganka tababarada ee Ciidamada Ethiopia iyo Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Gen. Abdilaahi Xaaji Jama(Calas), Col. Ahmed Tansaani iyo Col. Abdi Adilaahi Dheere oo ka socday Somaliland, ayaa waxa ka soo qayb galay saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamadda labada dal ee Somaliland Iyo Ethiopia.
 
Saraakiishan ka qalinjabiyay Kuulliyadda Ciidamadda Awash Combined Arms Academy ee ku taala dalka Ethiopia ayaa ah dufcadii afraad ee ee Milateriga ah ee ka qalinjabisa ayaa waxa kaalinta koowaad ku guulaystay sarkaal ka tirsan Ciidanka milateriga Somaliland, oo lagu magacaabo Captain Saciid Aadan Abdi oo Dhamastay Shahaadadda Degree Military Science and Leadership, waxaana madasha xafladda qalin jabinta lagu gudoonsiiyay Bilad Dahabka ah ee lagu abaal mariyo qofka keena dhibicaha uga sareeya, Captain Saciid oo keenay CGPA. 4. Oo u dhiganta 100% ayaa waxa ku wehelinayay 11 sarkaal oo ka socday dhinaca soomaalilaand iyo 38 sarkaal oo ka socday dalkaa Ethiopia.

Saraakiishan milattery oo mudo sadexsano ah ku gudi jiray waxbarashada ay ku diyaarinayeen Degree In Milater Science and leadership ayaa waxay mahadnaq u soo jeediyeen dawlada soomaaliland iyo Ethiopia oo iska kaashaday deeqada waxbarasho. Kabtan siciid oo ku hadlayay magaca saraakisha Somaliland islamarkaana ah kan ku guulastay bildda dahabka ah ayaa mahadnaq qaara u soo jeedyay saraakiisha kuliyada ee wax soo bartay iyo guud ahaanba labada dawladood ee iska kaashaday.
 
Maaha markii koowaad ee ciidadamada soomaalilaand wacdaro ka muujiyaan kuliyadaha dalka Ethiopia, waxa isna sanad ka hor magac ka soo hooyey dhakhtar ka tirsan ciidamada milateriga Dr, Ahmed Shadi oo isna sanadkii hore biladda dahabka ah ku guulastay. Waana ku wan magacyada 12ka sarkaal ee reer soomaalilaand ee qalinjabiyay.

1. Captain Siciid Aadan Abdi (Suudi)

2. Captain Ibraahim Abdi Adan (Gabaloos)

3. Captain Ahmed Dagaal Dhimbiil

4. Captain Kayse Ali Aadan

5. Captain Ahmed Mohamud Isaaq

6. Captain Mowliid Ali Mohamed

7. Captain Abdiqadir Mohamed Jamac

8. Captain Ahmed Ciise Ahmed

9. Captan Mohamed Omar Koosaar

10. Captain Mohamed Daahir Jibriil

11. Captain Cabdiwahab Mahad Warsame

12. Captain Abdirisaaq Aadan Abdi

Saraakiishan sarsare ee ka tirsan ciidanka Somaliland ee kuulliyaddan ka qalin jebiyay oo uu u horeeyo Captain Siciid oo bilad dahab ah ku guulaystay oo ay saxaafaddu wax ka waydiisay dareenkooda ayaa dhamaantood iska daba maray in ay aad ugu faraxsan yihiin sida ay uga faa'iidaysteen fursadan waxbarasho ee qaaliga ah iyaga oo xusay in aydalkooda iyo shacabkoodaba uga faa' idayn doonaan aqoonta sare ee dhinaca milatariga ee ay soo barteen, waxaanay si gaar ah amaan u soo jeediyeen magaca iyo sumacadda uu Captain Siciid u soo hooyay dalka iyo dadka Somaliland. Waxa kale oo ay amaan wayn u soo jeediyeen Saraakiishani saxaafadda Somaliland.

Somalilanders

No comments: