.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, July 14, 2012

Baanka Aduunka Oo $3.5 Million Maal-gashi Ah Ka Samaynaya Somaliland


''Wasiirka Qorshaynta Somaliland Sacad Cali Shire waxa uu si toos ah farta ugu fiiqay maal-gelintii la heli lahaa Ictiraaf la’aantu inay kow ka tahay waxyaabaha jortaagan''. Waaheen

- Hargeysa: Masuuliyiin ka socota Baanka Adduunka oo xalay ka soo qayb gashay Xaflad ka mid ahayd bandhiga Buugaagta Hargeysa ayaa sheegay inay Maalgelin dhan Sadex Milyan iyo Badh Doolar ka bilaabayaan Berri Somaliland.

Kulanka ay Masuuliyiinta Baanka Adduunku ka hadleen waxa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil C/rashiid Dahabshiil iyo Maal-qabeen Cali Guray, waxaanay dhamaantoodba ka hadleen Horumarka ay Somaliland ku talaabsatay iyo sida ay fursado badan oo Maal-gashi lagu samaysan karaa u dihin yihiin.

Waxaanay Baanka Adduunku sheegeen qorshihii inuu diyaar u yahay oo maanta laga bilaababa ay ka diyaar tahay, iyagoo sheegay Dadweynuhu inay soo xarayn doonaan Mashaariicda ay u baahan yihiin Bisha September, isla markaana Bisha November ay noqon doonaan kuwo la dhaqan geliyo.

C/rashiid Dahabshiil oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inay shirkadd ahaan maalgashadeen Xawaaladda iyo Bangiyo, sidoo kalena Isgaadhsiinta ku jiraan, isagoo qaar kale oo ay ka mid tahay Wershada Sibidhkana sheegay Caqabado inay ka jiraan, hadana waxa uu xusay Somaliland marka laga eego dhinaca Ganacsiga Yar yar inay meel fiican ka marayso isagoo Tusaale u soo qaatay Huteelada waaweyn oo uu sheegay inay Buuxaan

Garyaqaan Maal-qabeen Cali Guray oo isna ka hadlay Maalgashiga Dalka ka banaan iyo fursadaha la haysto waxa uu sheegay Somaliland inay aad u dihin tahay, waxaanu xusay meelaha Maal-galinta lagu samayn karo inay ka mid yihiin Banka Wajaale, Oodweyne iyo Beer, sidoo kale waxa uu xusay Macdanta, Shiidaalka iyo Kalluumaysiga isagoo xusay Shirkadoodu inay ku hawlan tahay Maal-gelin dhinaca Shiidaalka ah.

Hase yeeshee waxa uu si faahfaahsan uga hadlay dhibaatooyinka Hor taagan

Horumarkii laga gaadhi lahaa Arrimaha Dhinaca Ganacsiga inay caqabad ku yihiin Wadooyinkii isku xidhi lahaa Magaalooyinka, maadaama dhulka kala fog yahay isla markaana ay hawl badan ku baxayso jidadka samayntoodu.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Sacad Cali Shire ayaa isna dhiniciisa ka waramay Qorshayaasha Xukuumaddu diyaarisay, waxaanu soo bandhigay lacagayow uu sheegay in loo baahan yahay si Horumarka wax looga qabto, waxaanu si toos ah farta ugu fiiqay maal-gelintii la heli lahaa Ictiraaf la’aantu inay kow ka tahay waxyaabaha jortaagan.

Intaa kadib waxa lala boobay su’aalo dhamaantood ku qotoma waxayaabaha hor taagan ee loo baahan yahay Dawladd iyo Xukuumadba in dib loo eego si looga baxo baahiyaha Caqabada ku ah in Dalku horumar sameeyo.

Source: Waaheen

No comments: