.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, July 11, 2012

Deeqo Waxbarasho Oo Turkigu U Fidiyey Ardayda S/Land Iyo.....


''Runtii labada sarkaal Online ayay ku qaadayeen,marka ay dhammeeyaana waxay yidhaahdeen ilaa kun arday ayaa soo codsaday ..'' Khadar

- Agaasimaha Tacliinta Sare Ee Somaliland Khadar Axmed Diiriye ayaa ka warbixiyey Deeqo Waxbarasho oo la sheegay inay dawladda Turkigu u fidisay ardayda Somaliland, kaas oo qaab Online ah ay ku codsadeen in ka badan 1,000 arday, isla markaana tibaaxay inay ardaydaas codsatay deeqahaas Waxbarasho ay u badan yihiin kuwa hada dhigta Jaamacadaha dalka.

Khadar Axmed Diiriye waxa uu ka hadlay kulamo isaga iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ay la yeesheen Laba Sarkaal oo ka socda Xafiiska Ra’isal Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Mr Bulent Arinc, kaas oo tibaaxay inay ka wada shaqaynayeen qaabka ugu wanaagsan ee lagu sii kobcin lahaa xidhiidhka xukuumaddaha Hargeysa iyo Ankara. Sidoo kale Mr. Khadar Diiriye waxa uu sheegay in ilaa 16-ka bishan July la filayo inuu dalka booqasho ku yimaado ra’isal Wasaare ku xigeenka Turkiga Mr Bulent Arinc oo uu tilmaamay inuu Hargeysa kaga dhawaaqi doono deeqo kala duwan oo dawladiisu u fidin doonto Somaliland.

Agaasimaha Tacliinta Sare Ee Somaliland Khadar Axmed ayaa waxa kale oo uu sheegay in ardayda reer Somaliland kuwo ka socda Maamul Goboleedka Puntland oo hada ku sugan dalku inay Imtixaanada loo galayo deeqdaa Waxbrasho inay ku galayaan dhawaan Caasimadda dalka ee Hargeysa, kuwaas oo inay halkan Imtixaanka ku galaan uu sheegay inay codsatay dawladda Turkigu. Waxaanu sidaas ku sheegay Agaasimuhu Shirjaraa’id oo uu shalay galab xafiiskiisa ku qabtay, kaas oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga baahiyey Wasaaradda Waxbarashada oo sheegayey inaanay waxba ka ogoyn labada Sarkaal ee ka socda xafiiska Ra’isal Wasaare ku xigeenka Turkiga uu sheegay inay imaatinkoodii ilaa ambabaxoodii ka wada shaqaynayeen.

Ugu horayna isaga oo Mr. Khadar arimahaas ka hadlaya waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waad ogaydeen inay dawladda Turkigu ina siisay deeq waxbarasho oo bilaash ah oo ay hore u siiyeen ardaydeena oo gaadhayey ilaa dhawr iyo soddon arday oo intii kalena waanu ka sugaynaa . Dawladda Turkigu siyaabo badan ayay u bixiyaan deeqdaasi oo waxa ka mid ah oo dorraad inoo yimi oo halka inala jooga laba sarkaal oo ka tirsan xafiiska Ra’iisal wasaaraha ku-xigeenka Turkiga oo yimi dalka, kuwaas oo qaabilsanaa qaybta deeqda ee waxbarasho Turkiga.”

Khadar Axmed Diiriye isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Deeqda Waxbarasho waxay ku qaadanayeen iyadu way ka duwanayd noocii hore oo kale oo waxay ahayd Online markaa website-kooda deeqda waxbarasho ee Online-ka ayay ka qaadayeen, marka Somaliland oo dhan ayaa dalbatay, markaa ilaa kun Arday ayaa sida ay noo sheegeen soo doortay oo System Online-ka oo marka waxay u badan yihiin kuwo imika jaamacadda ku jira. Dabadeed waxay sameeyaan maadaama ay Soomaaliya kala qaybsantahay oo xarunta guud ee dawladda Tukigi tahay magaaladda Muqdisho oo ay deganyihiin waxay yidhaahdeen Puntland ardayda ka timi iyo kuwa Somaliland inay isugu yimaadaan Somaliland oo ay ku qaadan imtixaanka.”

Agaasimaha Tacliinta Sare Ee Somaliland Khadar Axmed Diiriye mar uu ka hadlayey imaatinka 2-da Sarkaal ee Turkiga ahi, waxa uu yidhi “Labada sarkaal ayaa dalka yimi oo runtii waa sarkaalkii waddanka timi oo waa lala socday oo ardayda ay ku qaadeen Interview-ga waxay ku qaadeen Huteelka Ambassador wasaaradduna way la socotay oo aniguna galinkii dambe markii ay galinkii hore dhammeeyeen ayaanu gelinkii dambe ugu tagnay meesha oo saakana waxay noogu yimaadeen halkan aniga iyo Wasiirka oo maanta kow iyo tobankii ayay baxayeen. Markaa warbaahinta qaar waxa ku qoran in aanay wasaaraddu aanay war-baa u ahaynin karna warhaynin oo taasi runtii sixitaan-bay u baahantahay.

Marka runtii labada sarkaal Online ayay ku qaadayeen,marka ay dhammeeyaana waxay yidhaahdeen ilaa kun arday ayaa soo codsaday ilaa 20% meelaha ayaanu halkan ku qaadnay oo Somaliland iyo Puntland isugu jiraa markaa ardaydii Puntland waxay yidhaahdeen taga Hargeysa intii ay tagi lahayeen Muqdisho”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaa ku daray “Marka Intervew yar-na way ka qaadeen oo date-ku kolay wasaaradda way soo maraysaa oo way ogaanaysaa,Waxa kale oo aan idin sheegayaa 16-ka bisha meelaha ayaa laga yaaba inuu dalka yimaado raiisalwasaare ku-xigeenka Turkigu oo marka in noogu baaqo deeq-waxbarasho ayaa laga yaaba, teeni hore ee Organisation ee ay qaadeen oo waa kuwan iskuulka dhisaya oo way joogaan oo sidiina waynu u sugaynaa oo deeqo kalena oo macalimina oo ay soo dirayaana way noo sheegeen, laakiin ilaa wali waanu ka sugaynaa.Marka Warbaahinta waxaanu ogaysiinaynaa iyo dhamaan bulshadda reer Somaliland inay Wasaaradda Waxbarasho la socoto, marka dacaayad ayaa la fidiyey marka dacaayaddaasina waxay u baahantahay sixid”.

Khadar Axmed Diiriye mar uu ka hadlayey gunaanadkii Imtixaanadii Shahaadiga ahaa ee dalka ka qabsoomay dhawaan, waxa uu yidhi “Guud ahaanba sida aad la wadda socotaan waxa dhammaaday imtixaankii shahaadiga ahaa ee jamhuuriyadda Somaliland. Anigu waxaan ahaa qoladdii oo masuuliyiinta Jamhuuriyadda Somaliland waxay u kala baxeen daafaha waddanka oo dhan oo Berigii hore Hargeysa oo kaliya ayaanu kantarooli jirnay, laakiin nin waliba sannadkan oo masuuliyiintu way baxeen oo anigu waxaan maray Saraar, Sanaag iyo Badhan oo intaba waan taggay oo waxaan ku maray kormeer guud oo imtixaanka ah oo si wanaagsanna way u dhaceen.

Sidoo kalena waxaan u kuurgeliyey tacliinta sarre ee goboladda Beri oo jaamacadda Sanaag university iyo Maakhir oo Badhan ku taala oo labaddaba waan soo eegay oo si wanaagsan way u socota oo waxayna u baahantahay Somaliland ahaan in aanu caawimo wanaagsan u fidno goboladda si kor loogu qaado aqoontooda iyo waxbarashadooda.”

Xigasho: Haatuf

No comments: