.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, July 11, 2012

Qurbe-Jooga iyo Hargaysa: '*Dhegta-maal*


- Waa xagaa (summer), oo waa xiligii dadka dibadaha ku nool ee dhalasho ahaan ka soo jeedaa dalka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland  ay dhulkooda hooyo iman jireen, iyaga oo aad ugu boholyoobay oo xiiso aan la soo koobi karin u qaba cadceediisa kulul, hawadiisa engegen, midabkiisa cawlaanka iyo dooga iskugu jira. Iyo intaasi uun ma ahee iyaga oo waliba u basaasay dareenka iyo is-ahaanta Jiidhka ab-nimo, xigto-nimo- iyo gacaltooyada sokeeye-nimo.

Xiligani waa xili la keeno dalka Somaliland ubadkii iyo dhalintii dalkaasi lahaa ee Eebaheen hanti ahaan u siiyay hase ahaatee, aan nasiib u helin inay ku indho-baqaqsadaan, caanahiisa ku anqartaan, yaabiskiisa ciridka iyo gawska ku xaraasheeyaan! kuna ababaan, ciidiisa cunaan, ku cago-badhyaaleeyaan, mudista qodaxdiisa iyo qalanqaltiisa xanuunkooda dareemaan, ku fadhi-bartaan, gurguurtaan, ku is-taagaan, dabadeedna ''Hobo-Oo-Kac'' la yidhaa ee qolqolka iyo duleedka lagu socod-baro, si loogu adkeeyo lugahooda, markaana  orodka, bootinta, legdinta iyo.......Sheekadan ka gayoon mayno-e aan halkaa inoogu yara shakaalo-e, waxa barnaaij ka diyaarisay qurba-jooga iyo Hargaysa idaacada Somali-voa, hadaba bal;

*dhegta maal*

No comments: