.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, July 9, 2012

Dhisme $1 million Ku Kacaya Oo Loogu Talo-galay AGOOMAHA Oo Gabilay Laga Dhisayo


'' Laba wasiir ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Xaruntan oo laga hirgalinayo Dhisme aad u balaadhan oo ay ku baxeyso lacag dhan Hal milyan oo dollar. Waa markii u horeysay ee Gobolkan Gabiley laga hirgaliyo dhisme noocan oo kale ah oo kharash intaa leegi ku baxayo waxaana aad usoo dhaweeyay Guud ahaanba dadweynaha Reer Gabiley''. Haatuf

 - Wasiirada Wasaarada Maaliyada iyo Arimaha Dibada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale iyo Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa shalay si wadajir ah u dhagax dhigey Xarun weyn oo Loogu talagaley Waxbarashada Agoonta oo ah Dugsi Boodhin oo isugu jira quudin iyo Waxbarasho oo ay maalgalisey Hay,ada Muslim Africa Agency ee Kuweynt, Isla markaan ay fulinayaan Mashruucan Direc/Aid oo Somaliland ka hirgaliyay Mashaariic badan oo Dhismaha Xarumaha Xanaaneynta iyo Waxbarashada Agoomaha ee noocan oo kale ah. Munaasibadii dhagax dhigaasi, oo lagu qabtay goobta laga dhisayo Xaruntan ee eeriya Jameeco Bariga Magaalada Gabiley, waxa kasoo qeyb galey Wasiirada Maaliyada iyo Arimaha Dibada Somaliland Cabdi-Casiis Maxamed Samaale iyo Dr Maxamed C/laahi Cumar, Wasiir Ku xigeenka Howlaha Guud Cali Cabdi Saa,iq, Lataliyaha Madexweynaha ee Arimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdi-Casiis Maxamed Samaale oo ugu horeyn halkaasi ka hadley ayaa, ku dheeraadey waxtarka Mashaariicda noocan oo kale ahi dalka u leeyihiin isagoo si gaar ah uga dardaarey guud ahaanba Shacbiga Reer Gabiley in ay iska ilaaliyaan in dhulka laga hirgalinayo Mashaariicda Hurimarineed la qaalilyeeyo, soona dhaweeyay dhulka lasiiyay Xaruntan oo ah dhul aad u balaadhan, Waxaanu Wasiirku dhaliil culus korka usaarey in inta badan laga hor mariyo danta Guud ta gaarka ah iyo sida loo hor joogsado ama loo qaaliyaynayo dhulka, Waxaanu Reer Gabiley ka dardaarey Wasiirku in aanay lamid noqonin dhinaca dhulka Caasimada Hargeysa. Wasiirka Maaliyadu waxa uu farta ku fiiqay in aanay Xukuumadan Xisbiga Kulmiye musuqmaasuqa dhulka waxba kala soconin hase yeeshee, dhulka danta guud ah ee la boobay ka horeeyay Xukuumadooda isagoo si gaar ahna ugu mahad celiyay Hay,ada Direct-Aid ee fulineysa mashruucan Dowlada Kuwait ku deeqday oo ku baxaya lacag dhan hal malyuun oo dollar.

Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadley una mahad celiyay Hay,adan iyo Masuuliyiinta hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo sheegay in ay Xukuumad ahaan siweyn usoo dhaweynayaan talaabooyinka noocan oo kale ah oo qeyb ka ah Hurumarinta Bulshada ee dhinacyada Waxbarashada iyo barbaarinta Caruurta Agoomaha ah. Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Howlaha Guud Cali Cabdi Saaiq, oo isaguna hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay, in muhiimad gaar ah leedahey goobtan laga fuliyay Mashruuca lagu dhisayo Xarunyan Agoomaha ah Waxaanu Wasiir-Kuxigeennku ka codasdey dadweynaha kasoo Qeyb galey Munaasibadan in ay u duceeyaan Xaaji Cabdi Camir naxariisttii jano allaha hasiiyee o kamid ahaa Duqeydii Gabiley.

Waxa kale oo iyaguna Munaasibadan hadal ka jeediyay, Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Balaaki), oo isaguna xusey in isaga iyo Wasiirka Arimaha Dibada iyo Wasiirkuxigeenka Howlaha Guud ay Xuduntooda taalo gobtan Jameecada Gabiley, Waxa kamid ahaa Masuulyiintii kale halkaa ka hadley, Badhasaabka Kuxigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi(Cali-Case),Maayarka Gabiley Axmed Samir,Gudoomiyha Gudida Hurimarinta Gabiley Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi, Sheekh C/laahi Makaawi, iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan iyo Waliba Eng C/qaadir Cabdi Cumar oo isagu faafaahin dheer ka bixiyay Hay,adoodan iyo meelaha ay wax ka qabteen hadey tahey Iskuulo Soomaaliya iyo Somaliland ah Shan Xarumood oo lamid ah tan oo ay dalalkaasi ka dhiseen iyo Jaamacado ay wax ka qabteen waxa kale oo uu ka waramey Waxtarka Xaruntani leedahay iyo nasiibka ay u heshay Somaliland iyo Goobtan dhismaheeda laga unkayo ee Gabiley, Waxaanu tafaasiil Dheeraad ah ka bixiyay mudadii ay daba socdeen oo dadweynaha Reer Gabiley u miijiyeen furfurnaan iyo soo dhaweyn Wanaagsan.

Ugu Dambeyntiina labada Wasiir ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Xaruntan oo laga hirgalinayo Dhisme aad u balaadhan oo ay ku baxeyso lacag dhan Hal milyan oo dollar. Waa markii u horeysay ee Gobolkan Gabiley laga hirgaliyo dhisme noocan oo kale ah oo kharash intaa leegi ku baxayo waxaana aad usoo dhaweeyay Guud ahaanba dadweynaha Reer Gabiley.

Xigasho: Haatuf

No comments: